Aadan Cabdulle Cusmaan

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Aadan Cabdulle Cusmaan أدم عبد الله عثمان دار Aadan cadde

Aadan Cade.jpg

Madaxwaynihii 1aad ee Soomaliya
Xafiiska intuu joogay
1 Luuliyo, 1960 ilaa 10 Luuliyo, 1967
Xil kalawareeg: Qofna
Xil ku wareejin: Cabdirashiid Cali Sharma'arke.
Dhashay: (1908-12-09) Diseembar 9, 1908 (Waxa uu jiraa 106)
Ku dhashay: Beledweyne, Soomaaliya
Dhintay: Juun 8, 2007(2007-06-08) (waxa uu jiray 98)
Kudhintay: Nayroobi, Kenya
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: Flag of Somalia.svg Soomaali
Ururka: Somali Youth League(SYL)

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan Cadde" (carab:أدم عبد الله عثمان دار) Waxaa uu ku dhashey magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya sanadkii 1908 wuxuuna ku geeriyoodey magaalada Neyroobi ee dalka Kenya 8 Juun 2007. Wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada Qur'aanka, dugsiyada hoose, dhexe ku qaatay magaalada Muqdisho. Wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee SYL bishii Febraayo sanadkii 1944. Sanadkii 1946 wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee xisbigaas, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbigaas ee degmada Beledweyne.

Wuxuu sanadkii 1951 noqday maamulihii gobolka Mudug, halkaas oo uu wakiil buuxdana uga ahaa xisbigii Leegada illaa laga soo gaaro sanadkii 1953. Sanadkii 1953 waxaa Gumaysigii Talyaanigu u xushay in uu noqdo ku xigeenka maamulkii maxmiyadda ee loo yaqaanay Territorial Council, sidoo kale 1954 waxaa loo doortay guddoomiyihii xisbiga Leegada xilkaasina uu hayay illaa laga soo gaaro bishii Febraayo 1956. Bishii Maajo sanadkii 1958 waxaa loo doortay mar kale xilka ugu sarreeya ee xisbigii Leegada iyo guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly, xilkaasina uu hayay illaa 1dii bishii Luuliyo sanadkii 1960.

Sanadkii 1956 waxaa golihii lagu magacaabi jirey Territorial Council waxaa lagu badalay Legislative Assembly, waxaa mar kale Talyaanigu gacan ku siiyey in uu noqdo xubin ka tirsan golahaasi, waxaana laga soo doortay magaalada Beledweyn ee dalka Soomaaliya doorashooyinkii ka dhacay, doorashadaasi ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii Somali Legislative Assembly.

Sanadkii 1959 doorashooyin guud oo dalka ka dhacay waxaa loo doortay mar kale xubin, iyo in uu noqdo guddoomiyaha golaha sharcidejinta Koofurta ee dalka Soomaaliya, wuxuuna xilka hayay illaa golihii sharcidejinta uu noqdo Constituent Assembly. Taasna waxay u saamaxday in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee soo mara dalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib markii ay midoobeen labadii gobol Waqooyi & Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1:dii Luuliyo sanadkii 1960.

Aaden Cabdille Cismaan (aaden Cadde) Wuxuu horseeday baaba'a iyo bur-burka ay Soomaaliya maanta ku sugan tahay, taasoo ku timid dhaxalkii laga helay maamul xumadiisii faraha badnayd iyo caddaalad darradii iyo Musuq-maasuqii uu ku sifaysnaa, wuxuu duudsiiyey Xuquuqdii Siyaasadeed oo ay lahaayeen Gobolladii Waqooyi ee Soomaaliya oo marinka habbooni ahaa in iyaga la siiyo Xilka Raiisul'wasaaraha Soomaaliya, waana arrintan midda xudunta u ah googni isu taagga riyada ah ee ay u hanqal taagayaan Somaliland.Wuxuuna 22-07-1960kii Raiisul'wasaare u magacaabay Cabdirashiid Cali Sharnaarke taasuna waxay sababtay in Koox ka tirsanayd Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu Hoggaaminayey Xasan Kayd Cabdille Walan-wal ay isku dayeen 1962dii Af-gambi military oo ay doonayeen in ay gobollada waqooyi uga go'aan Koonfurta Soomaaliya, taas Aaden Cabdille kuma waana qaadan misna mar kale ayuu duudsiiyey Gobolladii waqooyi ka dib markuu 02-09-1964 u magacaabay Raiisul'wasaare Cabdirisaaq xaaji Xuseen.

Golihii baarlamaanka ee ugu horreeyay ee ay Soomaaliya yeelato wuxuu u doortay in uu noqdo muddo hal sano ah madaxweyne KMG ah, sanad ka dibna waxaa loo doortey in uu noqdo madaxweyne muddo lix sanadood ah, wuxuu dalka madaxweyne ka ahaa muddo 7 sanandood ah.

Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan cadde" wuxuu ku hadli jirey afafka Talyaaniga, Ingiriiska iyo Carabiga. Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967 waxaa looga adkaaday doorashooyinkaas, wuxuuna xilkii madaxweynanimo ku wareejiyay madaxweynihii ka danbaybeeyay ee cabdirashiid aadan cade waa ninka kaliya ee soomaali iyo afrikada madowba ugu horeeyay ee si sharaf ah xilka ku wareejiayay kuna mutaystay in aduunka laga xushmeeyo