Abaaley

Ka Wikipedia

Tuulada Abaaleey
Tuulo
Muuqaalka Sare ee Abaaley.
Dalka Itoobiya
GobolkaSoomaali Galbeed
DegmoFeer-feer
Dowlada
 • NuucaJamhuuriyad
Area
20 km2 (8 sq mi)
 • Land5 km2 (2 sq mi)
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Furaha251/252

Abaaley waa tuulo caan ah oo dhacda amaba kutaalla Xuduudka ay wadaagaan Dalalka Soomaaliya iyo itoobiya una kala qeybsan labo waaxood oo midiba dal ka tirsantahay,waxeyna magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ah ujirtaa fogaan dhan 34 km.Waa dhul hodan ah oo Alle kumannaystay kheyraad badan oo dabiici ah kuna habboon qodashada beeraha iyo dhaqashada xoolaha waxaana mara wabiga shabeelle oo kamid ah wabiyada ugu waawayn geeska Afrika waxaana ay deris la tahay oo haatan ay maamul ahaana hoos timaada Degmada Feer-feer oo qudheeda kubeegan xadka kala qeybiya Wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya.Tuulooyinka Deefoow iyo Degmada Far-libaax ee Isla gobolka Hiiraan ayay sidoo kale xad la wadaagtaa oo Koonfur iyo Galbeed kakala Xiga.

Waa goob muhiim ah oo taariikhi ah maadaama ay dhacdo xadka labo dal kala qeybiya.Waxaa in yar un ujirta oo umuuqata buurta caanka ah ee Bur-dhiinle oo ah saldhig militari oo baaxad leh iyo goob taariikhi ah waxaana ay kamid ahayd meelihii ay Saameynta ballaadhan kuyeesheen dagaaladii udhaxeeyay Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1977-dii.Buur-Cukur ayaa iyaduna deris la ah oo ka xigta dhanka Waqooyi ee Degmada Mustaxiil.

Gal-cusbo oo ah xarun qadiimi ah laguna yaqaano Barashada Cilmiga Diinta ah ahaydna xaruntii ay kasoo aas-aasantay Xerta-ulamadoow ayaa iyaduna kutaala meel aan sidaa uga fogayn tuuladani Abaaleey.Sida lawada ogsoonyahayna Dadkeedu waa Xoolo-dhaqato-beeraley ay udheertahay dhigista iyo Barista Cilmiga Diiniga ah oo meelo dhaadheer ay dadku ugaasoo xereeyaan si ay uga faa’iideystaan Mashaa’ishta waaweyn ee halkaa kusugan waxaana degta ama ay gaar utahay oo iska leh Reer Aw Xassan oo ah dad ku caan baxay Barashada iyo Faafinta Diinta Islaamka magac iyo maamuus ballaadhana ku dhex leh guud ahaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay Dunida ka joogaanba aadna looga haybaysto.

Abaaleey waxa ay leedahay Dugsi Hoose-dhexe, Xarun Caafimaad ,Masjid weyn,Madaraso iyo Inbadan oo kamid ah Adeegyada Aas-aasiga ah ee bulshada sida;Jidadka Caadiga ah iyo Isgaadhsiinta waxaana ka shaqeeya Khadka labada Dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya waana Xarun ganacsi oo isku xidha inta badan gobolada Bariga iyo badhtamaha Soomaaliya iyo sidoo kale Gobolada Shabeelle iyo Qorraxey ee Dawlad Deegaanka Soomaalida iyada oo dalaga iyo waxsoosaarka Beeraha ee halkaasi kasoo go'a ay kutiirsan yihiin qaar badan oo kamid Bulshada ku dhaqan goboladaasi.Dadka reer Abaaleey ayaa ah kuwa Hormuud u ah nabadda iyo Xassiloonida deegaanadaasi waxaana ay kaalin muhiim ahi kaga jiraan sugidda amniga Xuduudaasi dheer ee labada dal udhaxeysa oo tan iyo waxii ka danbeeyay bur-burkii Dawladnimada Soomaaliya ay iyagu iskood uga shaqeeynayaan una xilsaarnaayeen.

Dhulka baaxadda leh ee ay Abaaleey ku fadhiso iyo qeybaha ay ka koobantahay amaba meelaha hoos yimaada ee ku xeeran waxaa kamid ah:-

•Burdhiinle.

•Taagga.

•Bardaalle.

•Xaaji Diini.

.Dareerto.

•Jiic.

•Asharaaf.

•Dhuumoodle.

•Jiiqda Abkay Cumar.

•Baarka Sooguday.

•Ceel Xaar.

•Libaaxyaale•

•Lo’-Daaq.

•Jabcadd.

•Dhagran•

•Dheenle.

•Janno-Adduun.

•Jilba-dheer.

•Afyaraado.

•Ceeblo-Kuuseey.

•Xanloow.

•Mandharuug.

•Allan.

•Kulanta.

•Af-dameer.

•Dhir iyo Daaq.

•Xero-Amxaaro.

•Iskaashatada.

•Garbaale iyo Qaar kale oo badan.