Siciid Gacamay

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Abwaan siciid gacamay)

Abwaan Siciid Gacamey waa abwaan kamid ahaa abwaanada ugu waaweyn abwaanada goballada dhexe gaar ahaaan Mudug,Galgaduud iyo Hiiraan, abwaan gacaneey ayaa ahaa abwaan hal abuur badan waxaana la sheegaa inuu aad u luuq macaanaa, abwaanka ayaa lahaa gabayo badan oo soomaalida caan ka ahaa, kuwaasoo uu kaga hadli jiray ifafaalihii waagaas jiray isagoo dadka hogatsaalayn jiray abwaanka ayaa caan ku ahaa gabay uu kula hadlay walaalaha woqooyiga waagii ay halgankooda gooni isu taaga ah bileebeen 1988, was kii lahaa:

  • Waxba yaan, siyaasada guracan, sookac lay orane
  • Hadii aad sasabo noo wade, surinka noo jiiftay
  • Surka qabo hasiidayn hadaad, xarig u soo haysay
  • Ogoow sidigta waa diidantahay, sulub hasheeniiye
  • Sanad yaashii ay naga gurayd, suuxnay gaajada’e
  • Salaaf kiyo dhukaankii ka hare, shilinti saarayde
  • Oo waa soo sadgoysoo bariba, Saafi way dhaliye[1]

Taariikh nololeedkii abwaan(Gacameey)[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Siciid Gacamay magaciisa waxaa la yiraa siciid sh Maxamud siyaad xaydho, siciid waxaa lagu naynaasaa Gacameey waxaana loogu naynaasay gacan ayuu la'aa, abwaan siciid wuxuu ku dhashay miyiga tuulada docolay waqooyi bari kaga beegan magaalada Cadaado taariikhdu markii ay ku beegneed 1958 siciid gacamay wuxuu ku barbaaray dhulka miyiga ah ku hareeyaysan magaalada cadaado wuxuuna quraanka ah kubartay xiligii uu ku sugnaa miyiga, wuxuu bilaabay murtida oo uu aad u jeclaa gaar ahaan gabayada iyo hal abuurka, aabihiis Maxamuud siyaad xaydho wuxuu ahaa gabyaa weyn oo caan ah dhulka soomaalida gaar ahaan gobolada dhexe aadna u hal abuur badnaa waana mida ka dhigtay abwaan gacamey inuu noqdo mid ka soo jeeda qoys ku xeel dheer gabayada iyo hal abuurka maadaama uu yahay abwaan ina abwaan[2].

Xarigii la xiray[wax ka badal | wax ka badal xogta]

abwaan siciid waxaa xiray dowladii kacaanka oo uu hogaaminaayay Maxamed Siyaad Bare, waxaa loo xiray in markii uu arkay cadaalad darada iyo qabyaalada maldahan oo qoyskiisa lagu hayo ayuu bilaabay gabayo iyo hal abuurro uu uga soo horjeedo hogaanka iyo maamulka ku dhisan oo waliba sida khaaska ah loogu xasuuqayo beeshiisa sidaas owgeed abwaan siciid wuxuu tiriyay gabayo uu ku dhiirigalinayo bulshada soomaaliyeed oo uu ku duubi jiray cajalado uu uu udiri jiray bulshada soomaaliyeed sidoo kalana uu ku fahansiinayo gumaysiga maldahan iyo shareeca kahor imaatinka uu wado maxamed siyaad bare iyo taliskiisa qarashkii loogu talagalay in qaranka soomaaliyeed lagu daafaco oo loo adeegsaday in Lagu Gumaado shacabka qasatan beesha Habar-Gidir dagaalkii iyo gumaad kii uu ugaystay beesha reer xaaji saleemaan. Abwan Siciid gacameey wuxuu qeyb libaax ka qaatay halgankii looga soo horjeeday xukuumadii kaliga taliska ahey ee uu madxda ka ahaa Moxamed Siyad Barre. Abwanka waxaa lugu xasuusta Geesinimada iyo sida u uqaatay go,aan geesinimo leh Wuxuu gabayo baraarujin ah oo is daba joog ah kasoo tiri jiray halkaa iyadoo shacabka somaliyeedna dhag jalaq usiin diiday hanjabaadihii xukumada ee ahaa in cidii lugu arko isagoo dhageysanaya gabayada Gacameey eey mudan doonto ciqaab adag[3].

Dhimashadiisii[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abwan Sicid Moxamuud Siyad (gacamey) wuxuu ku dhintay magaalada jilib ee gobolka jubada hoose sanad kii 1992 kii kadib markii niman dableey ah eey si gaadmo ah xabado ugu fureen baabuur kiisii[4].

Gabayadii Abwaanka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Abwaanka ayaa lahaa gabayo tiro badan, waxaase ugu caansanaa:

  • Dardaaran[5]
  • Dhagaxtuur[6]
  • Sidaad doonto yeel[7]
  • Guubaabo[8]
  • Godob curiye[9]
  • Filamayn
  • Qamuunyo[10]
  • Nasiib buundo
  • Nabada tiirkaan ku xiray[11]
  • U furfura[12]
  1. https://farayareoffice.wordpress.com/2014/02/07/gabay-allaha-u-naxariistee-siciid-sh-maxamuud-siciid-gacamey-waxba-yaan-sintaaca-iyo-kursiga-la-isku-saabayne-waxba-yaan-sariiraha-sharaxan-suxulku-aasnaane-waxba-yaan-sigaarkiyo-qamriga-sooryo/
  2. http://sylmnmdrkcs.blogspot.co.ke/2015/03/taariikh-nololeedkii-halyaygii-waynaa.html[dead link]
  3. http://sylmnmdrkcs.blogspot.co.ke/2015/03/taariikh-nololeedkii-halyaygii-waynaa.html[dead link]
  4. http://sylmnmdrkcs.blogspot.co.ke/2015/03/taariikh-nololeedkii-halyaygii-waynaa.html[dead link]
  5. http://minideo.com/index.php?b=13755&title=Gabay%20raage&index=5[dead link]
  6. http://www.hoygasuugaanta.com/Maqal.htm
  7. http://minideo.com/index.php?b=13755&title=Gabay%20raage&index=5[dead link]
  8. http://minideo.com/index.php?b=13755&title=Gabay%20raage&index=5[dead link]
  9. http://minideo.com/index.php?b=13755&title=Gabay%20raage&index=5[dead link]
  10. http://minideo.com/index.php?b=13755&title=Gabay%20raage&index=5[dead link]
  11. http://minideo.com/index.php?b=13755&title=Gabay%20raage&index=5[dead link]
  12. http://www.hoygasuugaanta.com/Maqal.htm