Akkadiyaan

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Akkadiyaan

Akkadiyaan
—  Boqortooyada Akkadiyaanka  —
Maabka boqortooyadii Akkadiyaanka (midabka cowlan) iyo jihada ciidamada xoogu u socdeen (huruud).
Boqor Saargoon waa ninkii mideeyay in badan oo dadka Mesobotaamiya ah.
Dhacdaa: 33°06′W, 44°06′B
Caasimada Akkad
Luuqadaha & Diimaha: Akkadiyaan, Sumeriyaan
Nooca Maamul: Boqortooyo
Wakhtiga: 2334 C.H ilaa 2193 C.H
XukunkaBoqorka ugu awooda badna:
 • Type Saargoon (2334 ilaa 2279 C.H.)
Baaxadda
 • Guud ahaan 800,000 km2 (300,000 sq mi)
 • Land 800,000 km2 (300,000 sq mi)
Saacad UTC (UTC+2)

Akkadiyaan (ingiriis: Akkadian) waa boqortooyo hore oo maamuli jirtey magaalada Akkad iyo nawaaxigeeda ee deegaanadii hore ee Mesobotaamiya taasi oo midaysay dhamaan dadka ku hadla luuqadaha "Semiteka" iyo Sumeeriyaanka.

Qiyaastii 3000 sano C.H (Ciise Hortii) ayaa waxaa bilaabmay isdhexgalka bulshooyinka dadka ku hadla luuqada Semite oo ah Akkadiyaanka iyo bulsho weynta Sumeeriyaanka ooy jaar ahaayeen. Wakhti yar ka dib, Sumeeriyaanku waxay ku dhex milmeen Akkadiyaanka isla markaana ku midoobeen hal maamul oo ka dhexeeya.

Boqortooyada Akkadiyaanku waxay gaadhay meeshii ugu sareeysay qarnigii 24aad ilaa qarnigii 22aad C.H. wakhtigaas oo uu maamulaayay boqorkii isku xidhay Akkadiyaanka waa boqor Saargoon (Sargon) oo noolaa 2334 C.H ilaa 2279 C.H.

Mudo dheer ka bacdi, markii boqortooyadii Akkadiyaanku burburtey waxay u kala baxeen labo maamul oo dhex yaala degaanada mesobotaamiya kuwaas oo kala noqday: dadka ku hadla luuqada Semetikga ee deegaanada waqooyi oo samaystey Assiyriya; iyo kuwa koonfureed oo qarniyo ka dib yeeshay boqortooyada Baabiyloonta cusub.

Qoraalo La Mid Ah[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Xigasho[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]