Awdal

Ka Wikipedia

U bood: navigation, raadi
Awdal
[[Image:{{{image_coat_of_arms}}}|128px]]
Gobolka Awdal ee Soomaaliya
Capital Baki
Area 21 374 km²
Population 417 311 (2007 [[1]])
~ density 19,52 inh./km²
Website '
Somalia regions map Awdal.svg

Awdal waa gobol ka mid ah Gobolada Soomaaliya wuxuuna ku yaalaa woqooyiga-galbeed Soomaaliya. Hadda waxa uu ku tirsanyahay jamhuuriyada lamagac baxday somaliland. Gobolkan waa gobol taariikh dheer leh, horana loo yaqaanay Adal. Gobolkan waa gobolada ugu horumarsan woqooyiga somalia gaar ahaan somaliland xag dhaqaale, waxbarsho, diineed iyo isgaadhsiineedba. Gobolkani waxa uu ka koobanyahay shan degmo oo kala ah

Dadka ku dhaqan gobilkan dhamaantood waxay kasoo jeedaan beelaha samaroon, waxa ay u kala degan yihiin degmooyinka sida-tan, degmada boorame waxa dega makaahiil , iyo habar cafaan, degmada baki mahadcase,Beesha Reer Nuur degmada lughaya maxad case,Beesha Bahabar muuse degmada saylac maxad case,Beelaha bahabarceli,iyo Makaahiil, degmada boon makaahiil,iyo Habar carfaan.

gobolkani waa gobolka kaliye ee aan dagaalada sokeeye ee ka dhacay soomaliya oo dhani aynay saamayn marka laga reebo magaalada Dila oo jabhada SNM ay burburisay 1991. Gobolkan waxa lagu asaasay Jamhuuriyada somaliland, xagaas oo dhamaan xubnaha taliska lagu soo dhisay aynay daganayeen magaala madaxdiisa Boorame mudo shan bilood ah xagaasna lagu soo magacaabay madaxwaynihii u horeeyay ee la doorto Alaha u naxariistee marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Gobolka awdal waa gobol dhaqaalihiisu aad ugu tiirsanyahay xoolaha nool, Beeraha, dalxiiska iyo macdanta. Gobolkan waxa ka soo jeeda madaxwaynaha haatan haya xilka jamhuuriyada somaliland ee Daahir Rayaale Kaahinoo ah beelaha makaahilka ah ee ugu badan samaroonka .

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boorame dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool. Magaalo madaxdiisii hore waxa ay ahaan jirtay Baki.

Gobolada Soomaaliya Flag of Somalia
Awdal | Bakool | Banaadir | Bari | Baay | Galguduud | Gedo | Hiiraan | Jubbada Dhexe | Jubbada Hoose | Mudug | Nugaal | Sanaag | Shabeellaha Dhexe | Shabeellaha Hoose | Sool | Togdheer | Woqooyi Galbeed

[Wax ka bedel] Dhibaatooyinka xuduudiga ah

Gobolkan awdal waxa uu xuduud la leeyahay gobolka ( Hargeisa ) iyo dalalka ethiopia iyo jabuuti. Intaba waxa ka haysta dhibaatooyin xuduudi ah oo aad u kulul.

  • Hargaysa

gobolka hargaysa waxa ay isku qabsadeen dagmooyin xiligii doorashooyinka wakiilada, arintaasi oo markii danbe golaha guurtida iyo wakiiladu si afduubasho ah ugu magacaabeen gobolka hargaysa. Sidoo kale waxa beelaha reer nuur (samaroon) iyo beelaha (isaaq) ay isku qabsadeen dhulalka banka ee wajaale arintaasi oo markii ugu danbaysay gaadhay heer la is xabadeeyo hadan xukuumada somaliland ay eeda saartay beesha reer nuur loona xidhay afartan dagaalyahan oo reer nuur iyaga iyo hubkoodii fududaa oo ahaa 40 AK-47 iyo shan mbk. arintaasi oo uu qaboojiyay madaxwaynuhu markii uu cuqaasha reer nuur ku qanciyay markale ee i ixtiraama. arintan iyo kuwa kale oo badan waxa si wanaagsan loogu xusay aragtida awdalaynta ee ay soo saareen aqoonyahanada dharaar institite.