Ayuub Daa'uud

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Ayuub Daa'uud (dhashay 24 Febraayo 1990 ku dhashay Magaalada Muqdisho), waa ciyaariyahan Soomaali ah kaas oo ka ciyaara weerarka iyo Khadka dhaxe ee weerarka, waa mid ku wanaagsan laadadka xorta ah, waxa uu u soo ciyaarey kooxaha Juventus ,F.C. Crotone , A.C. Lumezzane, Cosenza Calcio iyo A.S. Gubbio 1910 oo dhamaantood kooxo Talyaani ah. Sidoo kale waxa uu u soo ciyaaray kooxda FC Chiasso ee dalka Switzerland ka dhisan. Ayuub Daa'uud ayaa hadda u ciyaara kooxda Budapest Honvéd FC ee dalka Hungary isagoo heshiis rasmi ah ugu soo wareegay kooxdan 2013ka.