Baasaboorka Soomaaliya

Ka Wikipedia
Baasaboor Soomaali
Garbadka hore ee Baasaboorka Baasaboor Elektaroonik.
Garbadka hore ee Baasaboorka Baasaboor Elektaroonik.
Soo baxay 2007
La adeegsado  Soomaaliya
Shaqaynaya 5 sano
Nuuca Aqoonsiga Shacabka caadiga ah
Danaha Aqoonsiga muwaadinka safraya
Dadka leh Muwadinka Soomaaliyeed
Dhicitaanka La bedeli maayo dib ayaa loo cusbooneysiin.

Baasaboorka Soomaaliga waa basaboor uu adeegsado muwaadinka Soomaaliga ah si uu dibadda ugu dhoofo, waana aqoonsiga qofka wata dalka uu ka soo jeedo.

Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Jamhuuriyadda Fedraalka ee Soomaaliya waxaa hogaankeeda haya :

Agaasimaha Guud G/Sare Maxamed Aaden Jimcaale (Kofi) & Ku-xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Cabdullaahi Xaaji Bashiir Ismaaciil.

Hordhac

Baasaboorka Soomaaligu waa nooca casriga ee loo yaqaan E-Passport, waxaa loo qoondeeyey in qofku isticmaalo mudo 5 (shan) Sano ah, ka dib waxaa lagu bedelayaa mid cusub, Waxaana gudihiisa ku xardhan naqshado qurxoon oo lagu bilayo quruxda Baasaboorka, ayadoo ay naqshadahaas ku dhex daabacan yihiin calaamado qarsoon oo si gaar ah loogu ilaalinayo inaan si sharci darro ah loogu xad-gudbin Baasaboorkaas.

Baasaboorka Soomaaliga waxaa hadda lagu daabacaa 2 (labo) madbacadood oo ku yaalla magaaladda Muqdisho, ka dibna waxaa lagu qaybiyaa Xarunta, waxaana sidoo kale loo diraa Goboladda iyo Safaaradaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ay ku leedahay Caalamka. Baasaboorka Soomaaligu waxuu ka kooban yahay noocyo kala duwan oo ay kala qaataan Dadweynaha, Shaqaalaha, Mas'uuliyiinta, iyo Dibloomaasiyiinta ama Madaxda Qaranka, qof walba kan uu xaqqa u leeyahay.

Maamulka

Agaasinka Guud ee Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, waxaa hadda xarun looga dhigay ex-gurigii Ururka Shaqaalaha Soomaaliyeed, wadada Maka Al-Mukarama, magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waxuuna xafiisyo ku leeyahay Degmooyinka Dowlad-Goboleedyadda ka tirsan Jamhuuriyadda Fedraalka ee Soomaaliya, waxaana fadhiya xafiisyadaas iyo kuwo ku yaala Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha Soomaaliya ay dibadda ku leedahay, Shaqaale loo carbiyey dalabka, xareynta, iyo soo saaridda Baasaboorka Soomaaliyeed.

Agaasime-Guud Sareeye Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud, iyo Agaasime-Guud Xigeen Mudane Cabdullaahi Xaaji Bashiir Ismaaciil, iyo Saraakiil heerar kala duwan iyo waayo-aragnimo durugsan u leh Arrimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda, oo dhamaantood ka tirsan shaqaalaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya, ayaa hogaanka u hayey shaqada iyo Siyaasadda lagu horumarinayo Hay'adda, ayadoo aad looga dharagsan yahay halka ay ka soo bilaabeen howlaha Socdaalka 2006, iyo halka ay maanta mareyso baaxad iyo qiimo ahaanba.

Qodobadaan waa kuwa ka mid ah Tixda:
Siyaasadda iyo Xukunka
Soomaaliya

Sidoo kale fiiri

Tixraac