Baay

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Bay
Gobolka Bay ee Soomaaliya
Caasimada Baydhabo
Weyninka 35 156 km²
Shacabka 1 106 000 (2007 [1])
isku dhawaan 31,46 inh./km²
Bogga internetka '
Somalia regions map Somalia Bay.svg

Bay waa gobol ka mid ah Gobollada Soomaaliya, wuxuuna ku yaallaa bartamaha koofur-galbeed. Gobolka Bay wuxuu xuduud la leeyahay gobollada kala ah Bakool, Gedo, Hiiraan, Jubbada Dhexe iyo Shabeelaha Hoose. Magaalamadaxda gobolka Bay waa Baydhabo, waxay magaalamadaxda Soomaaliya ee Muqdisho u jirtaa 256 km oo ay kaga aaddan tahay dhinaca waqooti-galbeed. Magaalada Baydhabo waxay horey xarun kumeelgaar ah u ahayd Dawladda kumeelgaarka ah ee Soomaaliya. Gobalka Bay wuxuu kamidyahy Gobollada aad ugu dheereya wax soo saarka beeraha sida Digirta, Misagada, Galeyda IWM. Gobolka Bay waxaa si doo kale ugu dheereeya soo saarka caanaha taas oo sababtey inuu Gobollka Bay uu noqdo Gobollad ugu Raqiisan caanah. Gobbalka Bay waa meesha ugu fiican ee Quraanka kariimka lagu barto Soomaaliya.


Degmooyinka gobolka Bay[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Gobolka Bay wuxuu ka mid yahay gobollada Soomaaliya ee ay ku nool yihiin dadka badani, wuxuuna ka kooban yahay degmooyinka hoos ku qoran:

Gobolka Bay magaalamadaxdiisu waa Baydhabo, dhaqaalihiisuna wuxuu ku tiirsan yahay beeraha, xoolaha nool iyo ganacsiga. Magaalada Bydhabo waxay ka kooban tahay afar xaafadood oo kala ah:

  • Isha
  • Horseed
  • Berdaale
  • Howlwadaag.

Degmada Burhakaba waxay ka kooban tahay sedax xaafadood oo kala ah:

  • Waaberi
  • Howl-Wadaag
  • Wadajir

Degmada qansaxdheere waxay ka kooban tahay

  • garasoor
  • wadajir
  • busleey
  • buuloshumuq

Degmada Diinsoor waxay kakooban tahay sida xoos kuxusan

  • Waaberi
  • Howl-Wadaag
  • Kacaan
  • Xaawo Taako
  • Siinaay
  • Cakaaro
  • Misra Yareey


Gobolada Soomaaliya Flag of Somalia
Awdal | Bakool | Banaadir | Bari | Baay | Galguduud | Gedo | Hiiraan | Jubbada Dhexe | Jubbada Hoose | Mudug | Nugaal | Sanaag | Shabeellaha Dhexe | Shabeellaha Hoose | Sool | Togdheer | Woqooyi Galbeed

by asad sheikh mukhtar adow