Bander Beyla

Ka Wikipedia
Bayla

Bandar Beyla

بندر بيلا
Magaalo
Bayla is located in Somalia
Bayla
Bayla
Meesha kaga taalo Soomaaliya.
Wadanka Somalia
GobolBari
DegmoDegmada Bayla
Tirada dadka
 • Dhammaan16,700
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Bandar Beyla (Af Ingiriis : Bayla, Af Carabi : ar‎), waa magaalo xeebeed ku taala waqooyibari gobolka Bari ee wadanka Soomaaliya. Magaaladani waxay xudun u tahay Degmada Bayla. Bander Beyla waa degmo xeebeed oo ku taalo Gobolka Bari ee woqooyiga soomaaliya. Degmadaan waxee magaalada Qardho u jirtaa 220 km dhinaca bari.Degmadaan waxee ka midtahay meelihii ku burburay Tsunamigii dhacay 2004ta.Bandar beyla waxee daris la tahay Badweynta Hindiya.

Taariikh

Bayla waxay dhacdaa juquraafi ahaan madaxa sare ee deegaanka loo yaqaano Raas Macbar (Cape Ma'bar). Wakhtiyihii hore magaaladani waxay ahayd meel aad ugu muhiim ah badmaaxiinta iskaga gudbeysa Gacanka Cadmeed, Badweynta Hindiya iyo qaarada Afrika.[1]

Waxyaabaha taariikhiga ah ee magaaladan qadiimiga ah lagu yaqaaney waxaa ka mid ah dhisida dooni a soohay, oon lahayn wax musbaar ah.[2]

Badhtimihii sanadkii 2004ta waxaa dhaawac daran soo gaadhsiiyay magaaladan duufaantii (tsunami) ka dhalatay dhulgariirkii Badweynta Hindiya, kaasi oo khasaare naf iyo xoolo geystay.[3]

Maamulka

Magaalada Bayle waxay ka tirsan tahay maamulka Puntland.[4]

Bulshada

Magaalada Bayla waxaa ku dhaqan dad tiradoodu gaadhayso ilaa 16,700 qof.[5] Dhinaca kale, Degmada Bayle waxay leeday bulsho gaadhaysa ilaa 14,376 qof.[6]

Waxbarashada

Sida ay sheegtay Wasaaada Waxbarashada Puntland, magaalada Belye waxay leedahay 13 dugsi kuwasi oo ku baahsan dhamaan Degmada Bayla. Dugsiyada ugu caansan waxaa ka mid ah Rasul-Macbar, Kulule, Caris iyo Qoton.[7]

Sidoo kale fiiri

Xigasho

Tixraac

  1. Serjeant, R. B. pp. 109–127.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Chittick, Neville. p. 127.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  3. (PDF). World Health Organization. January 18, 2005 http://www.who.int/hac/crises/som/maps/en/Somalia_18Jan2005.pdf. Soo qaatay February 12, 2007.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. "Nuqul Archive". Goobjoog. 30 October 2014. Waxaa laga kaydiyay the original 4 Bisha Shanaad 2023. Soo qaatay 31 October 2014.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  5. . Tageo http://www.tageo.com/index-e-so-cities-SO.htm. Soo qaatay 4 October 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. "Nuqul Archive" (PDF). UNDP. Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 28 Bisha Todobaad 2017. Soo qaatay 21 September 2013.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  7. . Ministry of Education of Puntland http://www.moepuntland.com/primary/. Soo qaatay 26 May 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)