Kulyada Farsamada Baardheere

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Bardera Polytechnic)
Kulliyada Farsamada Baarddeere
كلية لعلوم التطبيقية بارطيرآ
Kulliyada Baardheere
Halku dheggaXalaqa, dadaal iyo abuur
Hal ku dhegga af-shisheeyeKnowledge in circles, efforts and production
La aas aasay2008
NuucaKulliyad Gaarad ah
Lataliyaha xagga aqoontaCabdiraxmaan Cabdi Sheikh
Ku xigeenka la taliyahaZaylac Sheikh Diini
Hormuudka jaamacaddaYuusuf Bayoow
Waxay ku taalBaardheere, GedoJuba Valley, Soomaaliya
WebsiteOfficial website


Kuliyada Farsamada Baardheere - كلية لعلوم التطبيقية بارطيرآ ,waa kulyad farsamo oo ku taal magaalada Baardheere. Bardra Poytechnic oo afka qalaad lagu yiraah, waxaa loo aas aasay in bulshada gobolka Gedo looga faa'iideeyo khayraadka dhulka iyo manaafacaadka kale sida xoolaha nool. Kuliyad Farsmada Baardheere waa kulyadii ugu horeysay ee ka kooban barnaamijyo waafi tan iyo burburkii qaranimada Soomaaliyeed horaanta sanadkii 1991.

Dulmar[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa kuliyada Farsamada Baardheere hadafkeeda fog iyo kan dhowba yahay sidii loo diyaarin lahaa dhalinyaro iyo bulsho xirfadlayaal ah. Maamulka Kuliyada waxay ku mashquulsanyihiin inay baraan ardayda ka qalinjabisa Kuliyada Farsmada Baardheere xirfad iyo aqoon taas oo ay ummada deegaanka ugu adeegaan iyaga oo ka howlgalaya rugaha ilaha dhaqaalaha sida waxsoosaarka beeraha, xanaanada xoolaha iyo ganacsiga ku salaysan adeega sida lacagaha iyo maamulka rugaha lagu iibiyo badeecadaha kala duwan.

Kuliyada Farsamada Baardheere waxaa ay ku howlantahay sidii wax looga bedeli lahaa guud ahaan adeegyada ka jira degmada Baardheere iyo guud ahaan Gobolka Gedo. Dowladii dhexe intaysan burburin iyo wixii ka horeeyay waxaa jiray adeegyo xakameeya dhaqdhaqaaqa ganacsiyada macaash doonka ah ee sharciga jebiya sida dhoofinta, soo dejinta iyo iibinta cuntada iyo daawada aan halbeega iyo tayada lahayn lagana yaabo inay waxyeelo badan leeyihiin.

Manhajka waxbarasho ee Kuliyada Farsamada Baardheere waa xarun tacliin sare tii ugu horeysay ee sare u qaada tayada iyo halbeega daruusta ka baxda Kuliyada Farsmada Baardheere. Tusaale, adeega iyo daawada taal farmashiyayaasha waxaa daraasaad ku sameeyay Kuliyada Farsamada Baardheere.

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Kuliyada Farsamada Baardheere waxaa la aas aasay bishii Juunyo 2008. Qorshaha aas aaska kuliyadan waxay ku timid baahida baahsan ee ka jirta deegaanka Baardheere oo beeraha iyo xoolaha hodan ku ah isla markaana labaatankii sano ee la soo dhaafay bulshadeeda aad u korortay.

Qolol kiro ah iyo dhowr barnaamij ayay kulyada ku bilaabtay. Macalimiinta ugu aqoonta iyo xirfada badan ayaa ka howlgalay Kuliyada Farsamada Baardheere. Kuliyada Farsmada Baardheere waxaa ay u shaqaynaysaa waji kala duwan oo horumarin dhanka manhajka iyo hirgelinta barnaamijyo ay bulshada ka faa'iidayso oo la xariira beeraha, bay'ada, biyaha iyo xanaanada xoolaha iyo waliba ilaalinta dhirta iyo daaqa qaranka.

Barnaamijyada[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Barnaamijyada Kuliyada Farsamada Baardheere (Bardera Polytechnic) waxaa ay asal ahaan yihiin barnaamijyo leh taqasus sanad ilaa 3 sano ah. In kasta oo wajiyo dhowr ah loo hirgelinayo barnaamijyada kulyada, waxaa wejiga koowaad 2008-2010 laga hirgeliyay barnaamijyadan:

  1. Diinta iyo Luqada Carabiga
  2. Caafimaadka
  3. Luqadaha
  4. Farsamada Gacanta
  5. Maamulka iyo Maareynta
  6. Barashada Kombiyuutarka
  7. Shaybaar Caafimaad
  8. Umuliso, Adeegaha Caafimaadka Bulshada - 2 sano
  9. Farmashi
  10. Tacliinta Dadka Waaweyn


Wajiga labaad oo bilaabanayo sanad dugsiyeedka 2010/2014 waxaa lagu wadaa in la hirgeliyo waaxo cusub oo ku beegan wajiga labaad kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  1. Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa
  2. Culuunta Beeraha
  3. Barashada Kombiyuutarka Heerar Sare
  4. Horumarinta Biyaha
  5. Waaxda Waxbarashada Dadka Waaweyn

Aayatiinka dhow, waa shanta sano ee abaabulka, waxaa ay kuliyada ku haminaysaa in adeegyada caafimaadka, culuunta beeraha iyo maamulka iyo maareynta si buuxda loo hirgeliyo iyada oo laamahaas dhamaantood ay xiriir la yeelanayaan jaamacadaha aduunka oo waqtigan xaadirka ah xariir looga samaynayo wadanka dibadiisa.

Kuliyada Baardheere ama Bardera Polytechnic waxay xiriir la leedahay Jaamacada Gedo ee Baardheere iyo Jaamacada Kismaayo.

Barnaamijka Barashada Computer-ka ee Kuliyada Farsamada Baardheere wuxuu si rasmi ah u bilowday deyrtii 2010. Waxaa barnaamijkaan ka faa'iidaysto arday badan iyo shaqaale ka shaqeeya hay'adaha maxaliga ah kuwaas oo horay u la'aa fursadan. Ilaa 50 arday ayaa dhigata labada qaybood ee barashada computer-ka ee kala ah barnaamijyada iyo qaybta birta.

Machadyada Kuliyada Farsmada Baardheere[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Waxaa hoos yimaada kuliyada dhowr machad oo ay ka mid yihiin:

  1. Machadka Beeraha Baardheere iyo
  2. Xarunta Xanaanada Xoolaha ee Degmada Baardheere.

Machadka Xanaanada Xoolada Baardheere wuxuu qorshaynayaa sidii loo heli lahaa baranaamij iyo manhaj dhamaystiran iyo diyaarinta koox dhakhaatiir caafimaadka xoolaha oo la shaqeeya xoolalayda degmada iyo gobolka, gaar ahaan xilyada geelasha gobolka Gedo ay u guuraan roobabka koonfurta ee dhaca hoos Jilib ilaa Qudus.

Roobabka dayrta marka la waayo ama gu'ga uusan si qumaati ah u di'in geelasha Gedo waxay u guuraan koonfur sida Gosha dhexe ilaa Jilib. Qaniin iyo cudurada gosha ayaa gumaada geelasha daaqa u yimid iyo kuwa kalaba.

Hirgelinta Machadka Xanaanada Xoolaha caawin wayn ayay u noqon lahayd mirodhalka xaruntan cusub ee Kuliyada Farsmada Baardheere. Guud ahaan waxaa horumar gaari dhamaan xoolo dhaqatada Dooxda Jubaa.

Adeega Xanaanada Xoolaha[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Geela qaniinka iyo cudurada gosha u dhinta oo tobonaan kun gaaraya waxaa qiimahooda lagu qiyaasaa $500-$800 neefkiiba. Xoolalayda dhib balaaran ayay ku tahay dayacaan oo ka yimaada dhib ka hortagiisa uu sahlanyahay.

Barnaamijkii Dawladda dhexe ee Mashruuca Gosha iyo Gandiga ayaa daryeeli jiray dhibaatooyinkaan ay geelayda la kulmaan sanad walba. Ilaa 1991 ma jiran hay'ad ama mashruuc mid macaash doon ah iyo bilaash ahba isku dayay inuu wax ka qabto dhibaatada qaniinka iyo cudurada. Geelayda gobollada webiyada waxaa fara kulul ku haya qaniinka Gosha iyo Gandiga iyo waliba fursadii meesha ka baxday ee adeegii daaqxirka.

Hirgelinta barashada xanaanada xoolaha ama Veterinary Medicine ee Kulyada Farsamada Baardheere, wuxuu noqon barnaamij noocan ah kii ugu horeeyay mudo 18 sano ah. Waxaa uu dugsiga howshaan kala kaashanayaa hay'adaha maxaliga ee ACORDO, SEHO iyo SADO oo ka howlgasha deegaano badan oo Soomaaliya ah.



XIRIIR Tirxraac: