Begedi

Ka Wikipedia

ISIRKA BEELAHA BEGEDI.[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Guud ahaan beelaha begedi ayaa waxay ka kooban yihiin 4 Qayb dan wadaag ah oo aan isir wadaag ahayn.

Afartan qaybood oo isir ahaan ku kala duwan ayaa hadana waxay wadaagaan isla markaana ay ku wada abtirsadaan beelaha begedi,afarta isir ee ay ku kala abtirsadaana waa;

1- isir carbeed,farsi,israaiili(Gibil Cad). 2-isir Bantu(Jareer). 3-isir kushiti(Sab). 4-isir kushiti(Samaale).

Isiradan afarta ah ee ku midaysan magacan beelaha begedi ayaa waxa uu tusaale u yahay qaab dhismeed dan iyo deegaan wadaag ah oo dhamaan dhulka Soomaalida mudo aad u fog looga dhaqmi jiray(Dhalasho iyo Qaaraan) ilaa iyo maantana weli aad loogu dhaqmo.

Walow isir ahaan sidan ay beesha begedi u qaybsan tahay hadana waxay ka midaysan tahay beel begedi ahaan,deegaan,dhaqan,af,diin iyo qaab nololeedkaba,walow hadana ayan ahayn qaaraan wadaag.

DADKA IYO DEEGAANADA BEELAHA BEGEDI.[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Dadka begedi oo sida aan horey u soo tilmaamayba ku abuurmay dan iyo deegaan wadaag ayaa waxay ka kooban yihiin 12 beelood oo ku aroora afar isir. Walow aan si dhab ah loo ogayn sidii loo soo kala horeeyay ayaa hadana waxaa jira astaamo aad u muuqda oo aan la dafiri karin oo ka muuqda degmada Awdheegle sida magacyada qadiimiga ah,Qabuuraha iyo caado dhaqameedyada,waxayna si guud iyo si gaar ahba ay u cabirayaan in degmadan Awdheegle la deganaa ka hor soo galidii diinta islaamka geyiga Soomaaliyeed. Magacan begedi oo u muuqda magac micno ahaan loo ekaysiiyay carabi ayaa hadan waxa uu magacan yahay magac Soomaali ah loona yaqiinay deegaanka beesha begedi,waxa uuna tilmaan u ahaa barwaaqada ALAH ku maneystay beesha cid kasta oo aragtaa in ayan aragti kaga BOGAN karin nicmada taal dhalka reer BOGODI oo la micno ah INDHO DARAANDAR ama ASHQARAAR . Sida la sheego deegaanka maanta loo yaqaano beesha begedi oo caasimad u ah waa degmada Awdheegle,waxaana deegaankaan ku soo horeeyay beelaha 1-HUBSUNE. 2-HAAMAALE. 3-JEEDO. 4-MAATARE. Waxaa xigay oo iyaguna mardanbe soo gaaray deegaanka degmada Awdheegle beelaha. 1-Madoobe. 2-Mirikle. 3-Dheegle. 4-Reer Macalin. Ugu danbayntii ayaa waxaa iyana deegaamooway oo deegaanka ku soo biiray kooxda loo yaqaano Afar Owr Carbeed oo iyaguna ka kooba Afar reer oo kala ah. 1-Abaajibil. 2-Quraawane. 3-Quriile. 4-Abaasaad.

Guud ahaan sedaxdaan koox oo sidan dhulka ugu soo kala horeeyay ayaa ugu danbayn waxaa ku abuurmay beesha begedi gudaha dhulka BOGODY/BEGEDI. Guud ahaa beelaha begedi ayaa waxay deegaan ahaan u degaan gobolada Baay,Banaadir iyo Shabeelaha hoose halka degmada Awdheegle gobolka Shabeelaha hoose ay tahay deegaan iyo degmo reer begedi ay ku dhan yihiin,iyadoo sidoo kalena ay degaan degmooyinka Buurhakaba,Afgooye,Qoryooleey,Marko iyo Baraawe,waxaa intaa dheer caasimada magaalada muqdisho gobolka banaadir iyo caasimada kumeelgaarka ahee KoonfurGalbeed magaalada Baydhabo. Dadka begedigu waa dad isugu jira Beeraaleey,Xoolo dhaqato,Ganacsato iyo Xirfadlayaal sumcad iyo maamuusba ku dhex leh sokeeye iyo shisheeye,deris iyo ood wadaag,waana dad nabadeed aad u adadag xiliyada ay taagan yihiin duruufaha adag sida dagaalada,abaaraha,cudurada iyo aafooyinka dabeecadu keento. Dhulkan baaxada intaan la eg misna barwaaqada ahayaa waxa uu beeshu ku sababay iska war hayn la'aan meelaha qaar iyo mararka qaar sababta in reero ka mid ah beesha begedi ay ku biiraan reero ay oodwadaag yihiin,beelaha ay beesha begedi reero ka mid ahi ay ku biireen waxaa kamid ah l beesha sedaxda buurood amaba beesha EELAAY,Geledi,Gare,Cad cadka,Jareer weyne iyo Tuni.

Beelaha Begedi Iyo Qaab Samayskood.[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Sida aan ku soo dulmarnay labadii qayb ee hore ayaa hadana qaybtan 3aad waxaan is dul taagi doonaa ku biirista beelaha begedi qaarkood beelaha oodwadaaga la ah. Walow aan horey u tilmaamay si guud beelaha EELAAY,Geledi,Gare,Cad cadka,Jareer weyne iyo Tuni ayaa hadana waxaa la filan karaa inay jiraan jufooyin iyaguna ku soo biiray beelaha begedi oo iyaguna reerahood ku qaaraan ah,waxaan markale idiin xasuusinaayaa in beelaha begedi ayan lahay QAARAAN guud.

-Beelaha Hubsune iyo Haamaale ayaa waxay qayb ka yihiin beesha EELAAY(8-Mirifle/Madoobe Mirifle). -Beesha Quraawane ayaa iyaguna waxay ku qaaraan yihiin beesha GELEDI(7-Digil),Sidoo kale ayaa beesha Quraawane waxay dhalasho wadaag la tahay beelaha laysku yiraahdo LIKA CADOW MIRIFLE oo ay ku abtirsadaan 6 beelood oo kala ah Yantaar,Barbaare,Helede,Quraawane,Daawane iyo Goorlabe,lixdan beelood ayaa hada ku kala abtirsada beelo ka gedisan sida beelaha Yantaar ee Mirifle,Barbaare 5Caleen,Helede Eelaay,Quraawane Begedi,Daawane Eelaay,Goorlabe Abgaal. Waxaa sidoo kale iyana jira in beesha Uraawane ay dhalasho wadaag yihiin beesha URAAGI ee reer Ethiopia,iyadoo sidoo kalena ay jiraan qoraalo cadeynaaya in asal ahaan Quraawanuhu ay ka yimaadeen Jaziirada Carabta reer ahaana ay la tirsadaan beelaha XADARMA/Yaman magacuna u dhigaan BAA-QARWAAN,halka qoraalo kalena sheegayaan in burburkii boqortooyadii QAYROWAAN ee Galbeedka qaarada Afrika halka maanta loo yaqaano Marooko ay ka soo jeedaan. Lixdan beelood ayaa si toos ah ugu abtirsada CADE MIRIFLE. -Beesha Abaajibil ayaa waxay ku qaaraan yihiin beesha Gare(7Digil/Samaale)halka ay abtirsiimo ahaana ay kasoo jeedaan ASHARAAF. -Beeshaa Abaasaad (Baa-Sacad) ayaa ku qaaraan ah beelaha reer Xamarka,halka Asal ahaana ay ka soo jeedaan beelaha XADAARMA ee reer Yamaneed. -Maatare/Maataay waxay dhalasho wadaag yihiin Dabare iyo Iroole oo reer 7Digil ah. -Reer Macalin kadib dagaal dhex maray walaalaha reer macalin iyo walaalahood Quraawane waxa uu sababay in reer Macalin ay Shiikhaal ku biiraan oo ay ku qaaraan yihiin. -Jeedo ayaa iyana dhalasho wadaag la ah beelaha Afaaf ee Jiido ama Tuni. -Dheegle iyo Madoobe ayaa iyaguna waxay ku qaaraan yihiin reer Abaasaad oo wada begedi ah. -Beesha Quriile guud ahaan kolka laga reebo labo jufo intooda kale waa waa dad carbeed oo ka yimid xagaa iyo Jazeerada carabta,walow hadana jinsiga jaziirada carabta ku nooli aanu wada ahayn carab,taasina waxay xoojinaysaa in fikrada sheegayso in beeshan ay ka soo uskantay reer binuu israaiil ama farsi. Labada jufo oo la qaaraanka ah beeshaan ayaa iyana la sheegaa inay abtirsiimo wadaag la yihiin beelaha Jijeele iyo Karanle. Guud ahaan beelahan ay ka kooban tahay beesha Begedi ayaa waxay sidoo kale yihiin ka mid yihiin Afarta wiil ee uu dhalay Maxamed(Reewing/Raxaweyn) ina Safar Kalmoge Talmadar Sheekh Maxamed Digil. Afartan wiil oo lagu kulmiyo MUCAJABU ayaa ka dhigan M-oo Mirifle ah,C-oo Caleemo ah,J-oo Jambaluul ah iyo B-oo Begedi ah.

Waa inoo qayb kale. Qalinkii. Abdiaziz ShSalah.

Previous False Information[wax ka badal | wax ka badal xogta]

QABIILKA BEGEDI

BEESHA BEGEDI waa beel kamid ah Beelaha aslaka ah ee ku abtirsada Odeyga AW-DIGIL, oo ah odeyga ey kasoo farcamee Qabaa’ilada lesku yiraahdo Hada Digil & Mirifle.

Beel weynta Begedi ama Bagadi waxay u qeybsantaa sida soo socota:

1) Abaasaad 2) Quriile 3) Quraabane 4) Reer Cumar.