Biyo baxa deg dega ah

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Biyo-baxa deg-dega ah: daawo ma leeyahey?


                                            Afeef

Akhriste, maqaalkan oo ah mid xasaasi ah (Sensitive Issue), oo ku haboon iney dumarku iyo raguba akhristaa, fahmaa, islamarkaana ka qaataan aragti guud oo ku saleysan xikmad balaara. Maqaalkan waxaa akhrisan kara dadka da’doodu ay ka weyntahey 16 sanno maadaama uu xasaasi yahey, waxaana ka codsanayaa dadyowga aan da’daas gaarin ineysan daawan (Author’s Requisition). Waxaad moodaa in bulshadeenu ay ku yartahey wax waydiintu, taasoo u sabab ah aqoon la;aanta iy xikmad yaraanta heysata badi umadda soomaaliyeed, soomaalidu waxaa jira waxyaalo badan oo aysan u arkin waxyaalo waaweyn, taasina waxey ku keentaa iney fahmi kariwaayaan badi waxyaalo badan oo muhiim ah, waxyaalaha reergalbeedu inaga ilbaxsan yihiin ayay kamid tahey (Developed civilization based knowing all things well). Mowduucan ee aynu ka hadleyno oo luqadda caafimaadka loogu yeero (Premature Ejaculation), waa mowduuc badi saddexdii qof mid kamid uu ka cabanayo , siyaabo badan ayuuna ku yimaadaa, daawana waa leeyahay, sida ay macquulka u tahey in qofka aadanaha ahi waxkasta ku dhicikaraan, ayay tanina tahey mid ku dhici karta aadana lab iyo dhedigba, waana mid hadii qofku si caqliyeysan uu iskugu dayo inuu iska daweeyo, iska daweynkaro. Maqaalakan maanta waxeynu ku eegaynaa PE, oo boqoliiga 65-70% kudhaca ragga dunidda ku sugan ee kunool, iyadoona 20-30% uu ku dhaco dumarka kusugan adduunyada, oo maqahadaba aynu toos u galno mowduuceena.


                                      Waa maxey biyabaxa deg-dega ah?

Mudooyinkii u dambeeyay waxaa soo batay cabashada mowduucan, dadyow farabadan oo dhibaatadan heysato ayaa ka dalbadey qorayaasha soomaaliyeed ee ka faalooda arimaha bulshada (Social Isses) iney waxka qoraan aragtidan; mushkiladan oo culeyskeeda iyo saameynta weyn leh ayaan u istaagey inaan bal wax uun aan ka diyaariyo si tusaale iyo horudhac ugu noqoto qoraalo farabadan oo laga sameyndoono aragtidan.


Biyo-bax degdeg ah ama waxa loo yaqaano caafimaad ahaan "Premature Ejaculation" loona soo gaabiyo "PE" waa xaalad ragga uu ku biyo-baxo muddo labo daqiiqo gudahood ah ama waxka yar, sida ku cad halbeega caafimaadka (Health Standard), sidoo kalena, dumarkuna way yeelan karaan cudurkan, laakiin aad uma badna. Ragga badankood waxay la kulmaan xaaladaan ugu yaraan hal mar noloshooda, waxay kaloo daraasad la sameeyay sheegtay isku celcelis muddada ay ragga ku biyo-baxaan inay tahay 5 ilaa 6 daqiiqadood sida caadiga ah (Normal Ogasm) Waxaa kaloo jira qeexid kale oo oranaysa “hadduu ninka biyo-baxo iyadoo weli xaaskiisa dhamaysan inuu qabo "PE"”. Howsha galmada waxay u baahantahay inuu jiro Rabitaan (Lipido), Kacsi (Arousal) iyo Biyo-bax (Orgasm), haddii saddexdaas mid la waayo hawlgab ayaa jiro.


                                     Maxaa keeno biyo-bax degdeg ah?


Biyo-baxa waxaa loo kala qeybiyaa labo marxaladood oo kale ah: Wejiga saarista biyaha (Emission) oo ah illaa ay ka soo gaarto ibta. Wejiga gamista biyaha (Expulsion) oo ah wixii ka dambeeyo xaaladda kor ku xusan. Biyo-baxa degdegga ah haddii qofku isku arko isagoo awal fiicnaa waxaa loo yaqaanna "Secondary PE" laakiin haddii uu qabay inta uu ka qaangaaray waxaa loo yaqaannaa "Primary PE" waxayna ku kala duwanaanayaan daaweynta.

Waxaa la aaminsanyahay in sababaha keena PE-da ay yihiin badanaa dhibaatooyin nafsaani ah oo ay ka mid tahay niyad-jabka, welwelka, cabsida iyo waxyaabo kale. Waxaa kaloo keeni kara dhibaato maskaxeed, isbedel heerka hormoonada (Hormones change), dhibaatooyinka prostaytka, cudurro dhaxal ah iyo daawooyinka qaar. Si loo ogaado waxa keenay dhibaatadaan waxa loo baahanyahay in qofka laga qaado warbixin buuxda oo taabanayso qeybaha noloshiisa sidaa awgeed, waxaa habboon in aad u tagto dhakhtar.



                               Sababaha Keena Biyo Baxa Deg Dega ah ee Raga (Raga ugaar ah)


Waxaa xaqiiqo ah in waxkasta oo ku dhaca aadanaha, ay leeyihiin waxyaalo sababa, iyo habab waxyaalahaas loo daaweynkaro, hadaba dhibaatan oo ku baaheysa dhalinyarta adduunka, ayaan doorbidey inaan dhowr qodob ka qoro sababaha keena biyabaxa deg-dega ah, waxa jira inbadan dhalin yaro kacabanaya biyo baxa dhow ee ku imaada wakhtiga galmada aylasamaynayaan lamaanahooda taasina maaha mid intabadan dumarka jeclaystaan inay ninkooda durba biyadhaco. waxana sababtaasi keenta inay dumarka oo aysan waligarin gariirka macaan ee baahida tirta aybiyaha ka imadaan raga,waxana hubaal ah in raga badan kooda xiligaasi aysan siisamayn karin wax galmo ah marhadii biyaha ka imadaan, hadaba waxyaalaha uug waaweyn ee keena waxaa kamid ah :

 Qodobka hore: Dhibaato nafsiyan ah (Psychological factors) (Personal problems), qofka oo shaqo badan haya maalintii oo dhan kadibna markuu guriyaga usoo hoyotago uusan soo dhoweyn fiican ka helin xaaskiisa, kadib waxaa imaaneysa inuu kalsooni darro nafsiyaadeed ay ku dhacdo, xaaskiisana uu san dareen gaara siininba (Sexual feeling), qofka oo marka uu sameynayo galmada dareema iskubuuq farobadan (Excessive nervousness owing to sex), soojeedka habeenkii oo isaguna kamida waxyaalaha keena, iyadoo loo baahanyahey inuu qofku yareeyo soojeedka farahabadan, si nafsadu, iyo jidhku u helo wakhti ku filan oo ay arimahooda ku fulinkaraan, kuna nasankaraan.

 Qodobka kuxigga: Qofka oo ay lasoo darsaan dhaawacyo iyo xanuuno farabadan oo dhinaca jidhka ah, kuwaasoo ay kamid yihiin: qanjidh-xanuunka (thyroid gland), xiniinta oo xanuusata ama xanuun uu ku dhaco (prostate infective diseases), iyo isbedelka ku yimaada maskaxda, oo qeybweyn ka ah biya-baxa, tusaale ahaan, adigoo ka fikiriya waxyaalo kale oo aad samayso ama mashquul badan galiya maskaxda, waa hubaal in dhibaatadan ay imaan-karto.



 Qodobka kuxigga: Sigaarku wuxuu kamid yahey qodobada uugu waaweyn oo aad iyo aad u sababa aragtidan culeyskeeda leh, wuxuu sababaa in unugyada dhiiga qaada ay aad iyo aad u yaraadaan, islamarkaana yeelan kariwaayaan awood ay ku xajiyaan biyaha, waana sabab culus, oo dareenkeeda wadata (our cells become smaller due to smoking), wuxuu kala sababaa in wareega dhiigu noqdo mid ciriiri ku jiro, oo uusan sifiican dhiigu jidhka uugu wareegi Karin (poor blood circulation).

 Qodobka ku xigga: Qaadku wuxuu isaguna sababaa arintan, waxaa laga yaabaa in dab badan ay la yaabaan, waxa qaadka loogu sababaynkaro inuu arintan cilaaqaad iyo xiriir la leeyahey; waxeynu ognahey inuu qaadku kamid yahey waxyaabaha badan ee dhibaatada weyn ku haya caafimaadka qofka/dadweynaha, waxaana ku jira maadooyin badan oo mukhaadaraad ah oo ay kamid yihin (drug additctive), qofku markuu qaadka cuno, inuu leeyahey awood farabadan oo uugu galmoon karo xaaskiisa (high copulation drive), laakiin in kayar saddex daqiiyo ama labo daqiiqo ayuu ku biya-baxayaa, iyadoo ay uugu wacantahey jidhka oo aad iyo aad u daalan, maskaxda oo mashquul farabadan uu ku jiro, nafsada oo ciriir maxkaxeed ku jirta, isagoo ah qof ay hurdo heyso: waxyaalahaas oo dhan waxaa uugu wacan daroogada ku jirta qaadka oo saameyn wayn ku leh maskaxda iyo jidhka aadanaha (physical and mentally problem) qofkuna uusan awoodin inuu marlabaad ku laabto ciyaarta xaaskiisa.

 Qodobka ku xigga: Siigada, waa qodobka ugu weyn uguna muhiimsan marka aynu ka hadleyno sababaha ugu wacan ee biya-baxa deg-degga ah keena, inbadan dhalinyarta soomaaliyeed iyo kuwa caalamka, waxey sameeyaan siigada (masturbation) oo dhakhaatiirta adduunku isku raacsanyihiin inuu yahey sababta ugu weyn ee jilciya geedka ninka, sababana inuu biyo baxo waxkayar labo daqiiqo ama hal daqiiqo (early discharge). Guurka oo ah shey aad iyo aad u fiican oo qaaliya, daawana u ah mushkilaad farabadan oo aadanaha soo wajahdo, ayeysan dhalinyaro farabadan awoodin iney guursadaan, hamigooduna uu aad u sareeyo, hadaba siigada waxey u arkaan dariiq sahlan oo ay ku helikaraan raaxo gaaban oo mushkilad culus daaweynsa, waxeyna sababtaa sideed cudur oo waaweyn, oo ay kamid yihii; maskaxda oo yaraata, fahanka oo fogaada, awood daro nafsiyadeed iyo mid jidhba, nafaqo-daro, iyo waxyaalo kale oo badan. Dhalinyarta ka cabata biyo-baxa deg-dega ah 50% waxey yihiin dhalinyaro isticmaasha gacmahooda si ay u helaan raaxo gaaban laakiin saameyn weyn oo diidma ah wadata.


 Qodobka kuxigga: Daawashada filimaanta xun-xun ee kabaxsan anshaxa iyo akhlaaqiyaadka diinta iyo dhaqanka (blue movies), waxey saameyn wayn ku leeyihiin biya-baxa deg-dega ah, maxaa yeelay waxey had iyo jeer mashquul ka dhigtaa maskaxda, oo noqota mid ku fakeraysa sidii galmo u sameyn lahey, maskaxduna jawaab ayey ku maqantahey, inbadan dhiigyada iyo unugyada ayaa dhaawac weyn ku yimaada, waxeyna ugu dambeyntii sababtaa inuu qofku heynkari waayo biyaha, isagoo ujeedana aykasoo boodaan, dhakaatiirka caalamka ayaa isku raacey daawashada filimaanta xun (bad sex movies/blue movies) iney yareeyaan dareenka shahwada iyo raganimadaba.

 Qodobka kuxigga: Cudurka baabasiirka oo ah cudur khatar ah , ahna cudurka ugu horeeya ee sababa biya-baxa deg-dega, ayaa ugu badan asbaabaha loo cuskado iney ka dambeeyaan biya-baxa deg dega ah, iyadoo wlaiba la socdaan tabar yari xagga raganimada ah, boqoliikba 80 ayuu sababaa baabasiirku biya-baxa deg-dega ah xilliga galmada.

 Qodobka kuxigga: Cudurka sonkorowga ayaa isaguna ah sababaha keena biya-baxa deg-dega ah, dhakaatiir farabadan oo isugu jira Afrikaan, Carab, iyo Aasiyaan, oo ku sameeyay cilmi-baaris gaar ah cudurkan sonkorowga, ayaa si weyn u xaqiiqijiyey in uu leeyahey awood muuqata oo jidhku uusan ku xakameynkarin una laheyn awood xajimeed, oo uu biyaha ku xajin-karo.

 Qodobka kuxiiga: Xanuunada qaar sida Infections, qaarkood iyo xanuuunada kalyaha ku dhaca ayaa iyaguna sababikara biya baxa deg-dega ah, bixinta mid kamid ah xiniinyaha ragga, ayaana sidoo kale sababi kara xanuunkaas,  


                                                Maxaa dhibaato ka iman karta


Akhriste, waxaan u maleynayaa inaad hadda ka heysato fikrad balaaran mowduucan, hadaba waxaan isku dayeynaa ama aynu is weydiineynaa biya baxa deg-dega ah rag iyo dumarba dhibaato maku keeni karaa habsami socodka shaqadooda maalmeed iyo mustaqbalkooda nololeed, su’aahan oo inbadan muran ka taagnaa ayaan dhowaan laysku raacey in jawaabteedu ay tahey HAAAAAAAA!.

Way adagtahey in dhalinyarta mowduucan ka cabanaya ay tagaan cusbitaalada, ama ay la kulmaan culimada aqoonta durugsan u leh cudurkan, waxeyna inbadan ku andacoodaan in laga fiicanyahey in cusbitaal ama dhakhtar loogu tago sababtan, laakiin sanawaadkii dambe dhalinyartu way ku dhiiradeen iney tagaan cusbitaalada, lana kulmaan dhakhaatiirta cudurkan aqoonta fiicna u leh, dad badan ayaa ka aaminsan inuusan daawo laheyn, ama ka hadalkiisu inuu ceeb iyo wax laga xishoodo yahey!!!, taasina waxey u muuqataa in hadda dhalinyartu ka tanaasuleen.

Waxaa marag madoonto ah, in xilliga galmada la sameynayo ay ku keenayso qofka cudurkan qaba dareen nafsiyadeed oo kulul oo walbahaar, karaahiyeysi, naceyb, kalsooni darro, iyo rajo la’aan ay ku dheehantahey, iyadoo dhalinyaro farabadan iyagoo awoodi kara sameynta gur/guur iney iskaga daayaan sababtaas owgeed, maadaama ay kalsooni daro iyo rajox-xumo ay ku beerantahey.

Dhalinyaro farabadan oo xaas leh, ayaa anfariir ka qaada iney la kulmaan xaasaskooda iyagoo kalsooni xumo iyo walbahaar nafsiyadeed qaba, iyagoo marmarka qaarkood xaasaskodoa ku fura, ama dhibaato uugu geysta sida dil, iyo cadaadis nafsiyadeedba. Hadaba walaalyaal waxaad ogaataan in cudurkan daaweyntiisu ay fududahay kana mid yahey cudurada sida fiican la iskaga daweynkaro.

                                           Daawo ma leeyahey?


Inagoo soo gaadhney nuxurkii maqaalkeena, Ilaahey ayaa balan-qaadey in cudur walba oo dunida yaala uu daawo leeyahey, marar badan ayaa laga yaabaa in daawadu ay daahdo, marmarka qaarkoodna way soo dag-dagtaa daawadu, hadaba cudurkan daawo ma leeyahey, jawaabtu waa HAAA.

Dhaliyaro farabadan oo aaminsan inuu daawo laheyn cudurkan, ayaan uugu bishaareynayaa inuu daawo fiican leeyahey, waase hadii waanada dhakhtarka, daawada, iyo wakhtiga sifiican oo haboon leysku waafajiyo, siwanaagsana loo qaato daawada, ma jiro cudur aan daawo lahey, mana jiro daawo aan dabiib/dhakhtar laheyn, mana jiro caafimaad aan wakhti laheyn.



                                   Hababka ugu wanaagsan ee layskaga daaweynkaro



80-90%, dhalinyartu way ka daawoodaan/caafimaadaan xanuunkan kadib markuu haleelo, taas waxey astaan muuqata u leedahey in dhalinyarta haatan uu heysto xanuunkan ay iska daaweyn-karaan, hadey si wanaagsan u raacaan tabaha iyo xeeladaha leyskaga daweynkaro xanuunka faraha-baas ku haya dhalinta qarniga 21aad (better control thrapy), hadaba, kuwani waa hababka leyskaga daaweynkaro:……..


 Qodobka ugu horeya: Waxaad ugu horeyn joojisaa cabida sigaarka, cunista qaadka, iyo drugs-ka kale, hadii aad balwad leedahey way kuug adagtahey inaad halmar joojiso, laakiin waa inaad wakhti siiso, maskaxda iyo nafsadana aad ka dhaadhiciso joojinta balwadani iney caafimaad u leedahay, waxaad badsataa cabida biyaha macaan (mineral water), iskuna day inaad 5litir cabto maalintii, gaar ahaan xilliyada aad hurdada kazoo kacdo, iyo xilliyada aad shaqada adag qabato.

   Qodobka ku xigga: Hadii ay da’daadu u dhaxeyso sanadaha 18-35 waxaad ogaataa biyaha-baxa hore inuu yahey wax caadiya oo dhibaato buuran laheyn, waxaad isku daydaa inaad maskaxdaada ka saarto inaad biyo-baxeyso wakhtiga aad galmada ku jirto, adigoo fikirkaaga geenaya meelwalba si aay kaaga raagaan, dhalinyarta da’daas jira iney marka hore biya-baxaan, waxaa sabab u ah guurka oo u cusub, iyo iyagoo baahi weyn oo dhameystiran u qaba galmada, taasoona maskaxdu ay mashquul ku noqoneyso, dhiiguna deg-deg u shaqeynayo.

 Qodobka ku xigga: Calooshaad oo buuxda, ama cunto aad cuntay, waxey iyaduna sababtaa in jidhkaagu adkeysin iyo xamilaad yeelan-waayo, daal farabadana kuugu dhaco, biyuhuna si deg-deg kujiro u soo boodaa, hadaba iska ilaali inaad xaaskaaga u galmooto xilli calooshaadu ay dheregsantahey (sex on full stomach results premature ejaculation), hadaba waxaa haboon 3 saacood kadib markaad wax cunto, inaad xaaskaaga la ciyaarto.


 Qodobka ku xigga: Xilliga aad ku jirto galmada, waxaa jidhkaaga ka dhigtaa mid degan oo nabadeysan, waxad adeegsataa inaad neefta marna qaadato marna iska saarto (breath in-breath out)


 Qodobka kuxigga; Isku day inaad xaaskaaga ku tiraahdo erayo ay kamid yihin jooji, xaji, wad, cabaar u kaadi, iyo kushub: erayadan dhamantood waxey kusiinayaan dareen gaara, dhiirigalin, iyo guul nafsiyadeedba (stop it, hold it), tani waxey qeyb wayn ka tahey barashada galmada, iyo habka saaxiibtinimada, u sheeg xaaskaaga markaad soo dhowdahey si aysan kuugu sheegin inaad biyo-baxdo.    Qodobka kuxigga: Ragga badankooda waxaa suurtagal ah iney ku fiicanyihiin wareega labaad (second round), fadlan hadaad tahey qof biyuhu horey uuga imaanyaan, isku day inaad marlabaad xaaskaaga ku noqoto, adigoo inta wakhtiga u dhaxeysana habab kala duwan ku maaweelinaya xaaskaaga, wareega labaad waa ka fiicanyahey wareega kowaad, markaa isku day inaad marlabaad booqato xaaskaaga, si dareenkeedu u buuxsamo.

 Qodobka ku xigga: Fadlan jooji daawashada filimaanta xun-xun, sawirada xun-xun, qoraalada xun-xun, dhegaysiga iyo muuqaalka aan niyada iyo jidhka u fiicneyn, dhamaantood waxey saameyn awoodleh oo muuqata ku leeyihiin dareenkaaga shahwada iyo raganimada, ilaahey ka baq, markastana ahow mid ka fogaada sinada, istiiinka ama salaaxista dumarka, iyo daawashada waxyaalaha aan akhlaaqiyaadka iyo anshaxa ku habooneyn.

 Qodobka ku xigga: Boqoo dhakhaatiirta aqoonta durugsan u leh cudurkan, iyo cusbitaalada, waxaad kaloo booqata shifooyinka diinta islaamka la iskugu daweeyo, waxaadna ka helaysaa daawooyin dhireed ku haboon islamarkaana daaweynkara xanuunkan, ahow mid rajo leh, oo si fiican iskaga daaweyn kara mowduucan.




                              Daaweynta waxaa loo kala qaadaa 3 nooc oo kala ah:




1- In la daaweeyo haddii ay jiraan cudurro kale oo keeni karo xaaladdaan (Tusaale: heerka cunsurka magniisiyamka oo ku yaraada qofka) 2- Tababar nafsaani ah: tababarkaan waxaa lagu dheeraayaa mudada biyo-baxa iyadoo la isku dayo in la joojiyo dibne loo bilaabo galmada dhawr jeer ama tababar lagu magacaabo "Kegel Excercise" oo lagu xoojiyo murqaha miskaha si qofku awood ugu yeesho inuu kontorooli karo murqahaas. 3- Daawooyin la qaato: waxaa ka mid ah daawooyinka dheereeya mudada biyo-baxa "SSRIs" waana daawo ah lidka-diiqada iyo welwelka. waxaa kaloo jira bamaato kabuubiso (Lidocaine) ah oo la marsado taasoo keento in dareenka uu yaraado sidaasne ay ku dheeraato muddada.F.G: waxaa dhici karo inaad aragtid ama maqashid daawooyin iyo waxyaabo kale oo tira badan oo la xayaysiinayo oo la leeyahay waxaa lagu daaweeyaa xaladaan iyo wixii la mid ah ee adigoo la tashan takhtar aqoon u leh xaaladaada, ha isticmaalin maxaa yeelay waxay keeni karaan dhibatooyin hor leh. Waxaa kaloo muhiim ah in xaaladdaan laga sooco kacsi la'aanta oo ah iyadane mushkilad kale oo keento hawlgabka galmada.





                                               Guntii iyo gunaanadkii





Hadaba waxaan soo gaarney guntii iyo gunaanadkii maqaalkeena, waxaan ka cudur-daaranaya inaan hal maqaal kusoo koobi Karin xanuuunkan ka hadalkiisa, balse uu noqdo hordhac iyo wado hadhow laga sii ambaqaado; akhriste wixii su’aal ama talo ah iigu soo waydii E-mailkayga (Mohamedsamiik@gmail.com), ama telephone-kan (00252907657768)

Hibeyn: waxaan u hibeeyay gabadh soomaaliyeed oo geesiyad ah, taasoo si geesinimo kujirto iiga codsatey iiguna dhiiri-galisay inaan diyaariyo mowduucan, qorana maqaalkan, hadaba iyadoo ii fasaxday inaan magaceeda isticmaalo, ayaan u hibeeyay walaashay Ilhaan Maxamed Faarax, oo kusugan Magaaladda Laascaanod, xarunt iyo hoyga gobolka sool, sido kalena waxaan u hibeeyay dhammaan dhalinyarta masiibadan ay heysato, waxana idiin rajeynayaa akhris wacan, fahan fiican, iyo nabadiino.

NB: qoraalkan xuquuqdiisa waxaa iska leh qoraaga, dib lama daabici karo, waxbana lagama badeli karo, lama faafin-karo, iyadoo aan qoraaga fasax looga heysan, laakiin waa la keydsan karaa.

Wabillaahi Towfiiq Mohamed Abdirizak Saeed (Samiik) 00252907657768