Boorama
| Boorama Borama بوراما |
|
|---|---|
| — Magaalo — | |
| Magaalada Boorame oo kor laga sawiray. | |
|
|
|
| Dhacdaa: | |
| Dalka | |
| Gobol | Awdal |
| Degmo | Boorama |
| Xukunka | |
| • Duqa | Suleymaan Xasan Haadi |
| Tirada dadka | |
| • Guud ahaan | 200,000 |
| Saacad | EAT (UTC+3) |
Boorama ( English: Borama, Carabi: ﺑﻮﺭﺍﻣﺎ) sidoo kale loo yaqaano Borame waa magaalo madaxda gobolka Awdal ee waqooyi-galbeed Soomaaliya.
Boorama waxee u dhowdaha xadka Itoobiya iyo Jabuuti. Magaaladaan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 200,000 oo qof. Boorama waxee ka mid tahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka Soomaaliya, waa dhulkii eey maamuli jireen saldanadii Adal.
Sida ay la tahay dadka dega Somaliland waxay aragtidoodu tahay in ay tahay Boorame magaalo somaliland hoos timaada.
Qoraalka gudaha oo kooban |
Juquraafi [Wax ka bedel]
Meesha ee ku taalo magaalada Boorama waa dhul buuroleey ah oo mararka qaar Dhulgariir ka dhaco. Boorama waa magaalada kaliya oo ugu dhul gariir badan dalka Somaliland iyadoo dhul gariiradii ugu badnaa ay ka dhaceen Boorama sanadka markuu ahaa 2011, wakhtigaas oo magaalada Boorama ka dhacay dhul gariiro aad u fara badanaa. Sidoo kale dhulgariirka waxoo gaaraa magaalooyinka kale oo ku yaalo gobolka Woqooyi Galbeed. Magaalada Boorama meesha eey ku taalo waa meel qaboow adag ka dhaco wakhtiyada jiilaalka ee u dhexeeya bilaha November ilaa February, waana meel jawigeeda isbadalo.Sidoo kale magaaladu waxey leedahay dhul daaqsiimeey cows badan oo xayawaan badani ku nool yahay. Juquraafi ahaan beesha magaalada Borama ku nooli waxay deegaan ama aay xudoodo la leeyihin sedex beelood oo ka mid ah beelaha Somalida: Ciise oo dhanka Jabuuti ah Isaaq oo aay dhanka Somaliland isla dagaan iyo Ogaaden ooy Ethopia wada dagaan; taasina waxay ka dhigtay dad dhaqan kastaba fahami kara, furfuran oo ka ilbaxsan reeraha kale.
Dhismaha magaalada [Wax ka bedel]
Boorama waxee ka midtahay magaalooyinka aad u soo korooyo, magaaladaan waa magaalo ee dhismo ku socoto,waa magaalada ugu quruxda badan woqooyi galbeed. Waana magaalo leh garoon diyaaradeed. Borama waxay ku jirtaa magaalooyinka ugu cimilada wanaagsan geeska afrika, waana meel aya aad ugu helaan dalxiisayaashu, waa meel biyaha aad ugu qani ah. Borama waa magaalada kaliya ee ayna saamayn dagaalada sokeeye ee ka kadhay dalka, waa magaalo aad u nabadbadan yadoo ay ajaanibku aad u jecelyihiin. Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Soomaaliya ee Jaamacadda Camuud, jaamacadan waxay kulmisa dhamaan arday soomaliyeed ee ku kala nool wadanka somalia yadoo ay jaamacadan ay isugu imaadaan. Borama waa magaaladii lagu aas aasay Dawlada Somaliland, waa magaalo dadka ku nooli ay nabada aad u jecelyihiin.
Ilaha dhaqaalaha [Wax ka bedel]
Dhaqaalaha magaalada boorama waxee ku tiirsantahay xoolaha iyo beeraha, Waa magaalo ku dadaasho horumarka, sidoo kale waxee leedahay hoteelal aad u casriyeesan,Inkastoo ee magaaladaan ka tirsantahay dalka somaliland oo aan ictiraaf ka haysan dunida hadana dhaqaalo fiican bay leedahay.Magaalada boorama waxaa laga joojiyay shilin soomaaligii lagu ne badalay lacagta jamhuuriyada Somaliland.
Waxbarashada [Wax ka bedel]
Magaalada Boorame waxa ay aad ugu fiicantahy dhanka waxbarashda, waxeyna leedahay dugsiyo iyo jaamacado wax laga barto oo tayo leh oo ay kamid yihiin Jaamacadaha Camuud & Eelo oo loogu yimaado mandiqada Geeska Africa.
Borama waxa loo yaqaana Hoyga Wax-barashada Soomaaliyeed.
Magaalada Borama ma ahan magaalo madaxda gobolka Awdal oo kali ah ee sidoo kale waa xudunta waxbarashada. Waxaa ku yaala magaalada in ka badan 100 dugsi oo iskugu jira Dugsiyo Hoose, Dhexe iyo Sare. Dugsiyada sare waxay kor u dhaafaan labaatan, laakiin sagaal ayaa ku xidhan Wasaarada Waxbarashada Somaliland. Dugsiyada sare ee ugu caansan magaalada waxaa ka mid ah: Al Aqsa Secondary School, Sh. Ali Jowhar Secondary, Ubaya- Ibnuka'ab Secondary School, Hassan Ardale Secondary School, Aayatiin Secondary School, Waaberi Secondary School, Al Qalam Secondary School, Al Nuur Secondary School and Adam Isaak Secondary School.
Sidoo kale magaalada Borama waa hoyga Jaamacadda Camuud oo ah jaamacadii ugu horeeysay ee laga aasaaso cariga Soomaaliyeed burburkii dowladii Siyaad Bare ka dib. Jaamacada oo dhacda 5km bariga caasimada ayaa waxa dhigta kumanaan ardey ah oo ka kala yimid meelo kala duwan oo ka tirsan mandaqada Bariga Afrika. Waxa iyadna caasimadan ku taala jaamacada heerka sare ah ee EELO American University oo tiirka loo dhigay sanadkii 2005, iyo waliba SAW Community College.
Waxa iyadna xusid mudan in caasimada Borama tahay hooyga Dugsiga Dhagoolayaash oo ah midkii ugu horeeyay ee laga furo gayiga Soomaaliyeed. Dugsigan dhagoolayaasha waxa uu tababar iyo waxbarasho lacag la'aan ah u fidiyaa dhamaan dadka dhagoolayasha.
Bulshada magaalada Borama waa dad aqoonta aad u tix-galiya taageero fiicana siiya horumarinta wax-barashada. Waxa lagu qiyaasaa in 95% shacabka magaaladu leeyahay aqoon dugsi dhexe, in ku dhow 30% eey aqoon heer jaamacadeed ah leeyihiin.
Cimilada [Wax ka bedel]
| Faahfaahin Cimilada Borama | |||||||||||||
|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|---|
| Bilaha | Jan | Feb | Mar | Apr | May | Jun | Jul | Aug | Sep | Oct | Nov | Dec | Sanad |
| Kuleel aan darnayn °C (°F) | 26.5 (79.7) |
28.5 (83.3) |
30.7 (87.3) |
28.5 (83.3) |
27.3 (81.1) |
27.0 (80.6) |
26.0 (78.8) |
26.1 (79.0) |
27.2 (81.0) |
26.5 (79.7) |
26.5 (79.7) |
26.5 (79.7) |
27.28 (81.10) |
| Hoos udhaca kuleelka °C (°F) | 14.5 (58.1) |
16.2 (61.2) |
17.8 (64.0) |
16.5 (61.7) |
15.9 (60.6) |
14.8 (58.6) |
13.0 (55.4) |
13.4 (56.1) |
14.8 (58.6) |
14.1 (57.4) |
14.3 (57.7) |
14.5 (58.1) |
14.98 (58.97) |
| Roobka mm (Faraha) | 4 (0.16) |
21 (0.83) |
44 (1.73) |
104 (4.09) |
57 (2.24) |
27 (1.06) |
67 (2.64) |
107 (4.21) |
80 (3.15) |
19 (0.75) |
9 (0.35) |
4 (0.16) |
543 (21.38) |
| Source: Levoyageur Weather[1] | |||||||||||||
Xigasho [Wax ka bedel]
- ↑ "Levoyageur Weather : Somalia". http://www.levoyageur.net/weather-city-BORAMA.html. Retrieved 11 July 2012.
| Gobolada Soomaaliya | |
|---|---|
| Awdal | Bakool | Banaadir | Bari | Baay | Galguduud | Gedo | Hiiraan | Jubbada Dhexe | Jubbada Hoose | Mudug | Nugaal | Sanaag | Shabeellaha Dhexe | Shabeellaha Hoose | Sool | Togdheer | Woqooyi Galbeed | |