Boorama

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Borama)
U bood: gooshitaan, raadi
Boorame

Boorama waa magaalo ku taalo woqooyi galbeed ee dalka somaliland, waana caasimada gobolka Awdal.boorama waxee u dhowdaha xadka Itoobiya iyo jabuuti.Magaaladaan waxaa degan dad gaaraayo in ka badan 300,000 oo qof.Boorama waxee ka midtahay magaalooyinka ugu taariikhda dheer dalka Somaliland, waa dhulkii oo maamuli jireen saldaanadii adal.

Qoraalka gudaha oo kooban

[Wax ka bedel] Juquraafi

Meesha ee ku taalo magaalada Boorama waa dhul buuroleey ah oo mararka qaar Dhulgariir ka dhaco.Boorama waa magaalada kaliya oo ugu dhul gariir badan dalka somaliland,sanadka marka oo ahaa 2011, waxaa magaalada boorama ka dhacay dhul gariiro aad u fara badan, oo albaabaha luxluxo. sidoo kale dhulgariirka waxoo gaaraa magaalooyinka kale oo ku yaalo gobolka Woqooyi Galbeed. Magaalada Boorama meesha ee ku taalo waa meel baraf ka dhaco, waana meel jawigeeda isbadalo.Sidoo kale magaalada waxee leedahay dhul coos leh oo xayawaanaadka ku nool.

[Wax ka bedel] Dhismaha magaalada

Boorama waxee ka midtahay magaalooyinka aad u soo korooyo,magaaladaan waa magaalo ee dhismo ku socoto,waa magaalada ugu quruxda badan woqooyi galbeed.waana magaalo leh garoon diyaaradeed. Borama waxay ku jirtaa magaalooyinka ugu cimilada wanaagsan geeska afrika, waana meel aya aad ugu helaan dalxiisayaashu, waa meel biyaha aad ugu qani ah. Borama waa magaalada kaliya ee ayna saamayn dagaalada sokeeye ee ka kadhay dalka, waa magaalo aad u nabadbadan yadoo ay ajaanibku aad u jecelyihiin. Borama waxa ku yaala Jaamacada ugu wayn waqtigan dalka Somalia ee Amoud University, jaamacadan waxay kulmisa dhamaan arday soomaliyeed ee ku kala nool wadanka somalia yadoo ay jaamacadan ay isugu imaadaan. Borama waa magaaladii lagu aas aasay Dawlada Somaliland, waa magaalo dadka ku nooli ay nabada aad u jecelyihiin.

[Wax ka bedel] Ilaha dhaqaalaha

Dhaqaalaha magaalada boorama waxee ku tiirsantahay xoolaha iyo beeraha, Waa magaalo ku dadaasho horumarka, sidoo kale waxee leedahay hoteelal aad u casriyeesan,Inkastoo ee magaaladaan ka tirsantahay dalka somaliland oo aan ictiraaf ka haysan dunida hadana dhaqaalo fiican bay leedahay.Magaalada boorama waxaa laga joojiyay shilin soomaaligii lagu ne badalay lacagta jamhuuriyada soomaaliland.

[Wax ka bedel] Waxbarashada

Magaalada Boorame waxa ay aad ugu fiicantahy dhanka waxbarashda,waxeyna leedahay dugsiyo iyo jaamacado wax laga barto oo tayo leh.


Magaaloyaasha Gobolka Awdal Calanka Soomaaliya
Baki · Bon · Boorama · Dilla · Lughaya · Saylac
Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale