Boromiin

Ka Wikipedia

Coordinates: 31°9′0″N 35°27′0″E / 31.15000°N 35.45000°E / 31.15000; 35.45000 Boromiin

Dareere Curiyaha Boromiin

Boromiin (ingiriis: Bromine) astaanta (Br) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay sodon-iyo-shan (35). Curiyaha Boromiin waa neef ka tirsan neefaha halogenska ee guruubka 17aad ee Diwaanka Curiye.

Sida caadiga ah, curiyaha Boromiin lama helo ayadoo kali ah ee inta badan isku dhisyo cusbo ah ayay ka tirsan tahay. Waxa ka mid ah falgalada ay la sameyso Aaydhiinta iyo Koloriinta kuwaas oo ah milixda caadiga ah ee cuntada lagu darsado.

Dhinaca kale, Boromiintu waa curiye si dhakhso badan u milanta, taas darteed in badan oo boromiin ah waxa laga helaa biyaha badaha.

Iskudhisyada curiyahan oo loo yaqaano Boromaaydh waxaa laga sameeyaa sunta xasharaadka, iskudhisyada miithayn iyo sheeyo kale oo badan.