Imaam Al Bukhaari

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Bukhaari)
Imaam Al Bukhaari
kitaabka immaamu bukhaari ee saxiix
Fatxul Bari bisharhi Shaxiix al-Bukhari Imam Khairul Annas

Imaam Al Bukhaari (Af Carabi : ar‎) waa Abuu Muxamad Bin Ismaaciil Bin Ibraahiim Albukhaari, oo dhashay (13 shawaal 194 Hijriya. oo ku beegan 810 miilaadiga) waa mid ka mida xufaada iyo fuqahadii culumada islaamka. waa ninka ugu muhiimsan culumada xadiiska, cilmiga rijaasha, cilmiga al-jarxi wal tacdiil wal cilal ee ahlu sunada, kitaabo badan ayuu leeyahay oo ay ka mid yihiin Saxiixul Bukhaari, oo ah kitaabka ugu saxan kitaabka quraanka ka dib sida ay isku waafaqeen ahlu sunna looguna kolsoonida badanyhay lixda loo yaqaan (Umuhaat alsita) ee axaadiistu ku qurantahay. waxayna ku qaadatay ururinta iyo qoridiisu 16 sano, wuxuu ku koray agoonnimo, wax barashadana yaraan ayuu ku bilaabay wuxuuna socdaal aqoon raadis ku maray dhulkii islaamka badankiis, si uu u helo culimo uu ka barto diinta gaar ahaan fiqiga iyo axaadiista rasuulka scw, wuxuu wax ka bartay ku dhawaad kun shiikh, wuxuuna aruuriyay ku dhawaad lix boqol oo kun oo xadiis , wuxuu caan ka noqday dhulka oo dhan, asxaabtiisa culumadii ka dambaysay iyo dhamaan umada islaamku waxay u qireen horumar   imaamnimo xaga xadiiska iyo cilmigiisa fadli badan waa loo hayaa, goor loogu magac daray Amiir Al Mu'miniin Cilmiga Xadiiska, waxaa arday u noqday in badan oo culumo noqotay sida: Imaam Al Muslim, Ibnu Khusayma, Tirmadi iyo kuwo kaloo badan, Imaam Al Bukhaari  ayaa ahaa qofkii u horeeyay oo qora kitaab axaadiita kaliya loogu talo galay,iyo qofkii u horeeyay ee wax ka qora taariikhda raga xasiiyada wariya  , waa la dhibay waqtiyadii dambe ee noloshiisa, waana cunsuriyeeyay dad diidanaa cilmiga uu ilaahay siiyay oo culimo kale u tacasubaysay, waxaa laga saaray magaaladiisii Naysaabuur, iyo bukhaaraa, wuxuu u guuray tuulooyin u dhow samarqanda, meeshaas buu ku xanuunsaday laguna oofsaday ilaahay ha u naxariisto e.

sawir soo dhawaynaya socdaalkii Imaamu Bukhaari

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Masjidka jaamica ee naysabuur
Magaalada uu ka soo jeedo Imaamu Bukhaari ee Bukharaa ama Bukharest