Burtinle

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Burtinle waa magaalo ay degenyiin dad badan oo soomaaliyed. Waana dagmo ku taal Gobolka Nugaal waxa ayna u dhaxaysaa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe.Waxaana degmada mara laami.Waa magaalo qadiimi ah, dagaaladii sokeeye ee ka qarxay dalka Somaliya way ka badbaaday.Waxaa ku nool burtinle dad gaaraya ilaa 139,000 oo qofood. Burtinle waxay laf dhabar u tahay reer guuraaga dega deegaankaasi. waxaana ku yaal ceelal waawayn oo xooluhu ka cabaan

Taariikhda magaalada[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Degmada ayaa ah mid soo koreesa, horumarna laga dareemayo xaga aqoonta , dhaqaalaha iyo arimaha bulshada intaba. Ayadoo ay kuyaalaan dhammaan heerarka kala duwan ee dugsiyada waxbarashada kuwaasoo gaarsiisan ilaa heer dugsi sare. dagmada waxa ay leedahay dhaqaale farabadan sababtuna waa deganada hoos yimada waana magaalo aad uwayn dadku waxay moodaan markay dhexmarayaan magaalo yar runtii dhanka laamigu kamaro kama wayna magaaladu waxay uwayntahay qorax udhaca

burtinle waxay ka kooban tahay 7 xaafadood oo kala ah : 1- Tinka dheer waa xaafadii loogu magac daray magaalada buur tin leh. 2- kaantaroolka 3- booray 4- tuulo ciise 5- xaafatul carab 6- buur karoole 7- godqol wayne iyo dhanka hoose ee magaalada oo aan magac xaafadeed lagu tilmaamin .

burtinle waxaa ku yaal laba dugsi oo sare oo ku kala baxa afka carabiga iyo englsihka dugsiga sare ee almumtada islaamic oo ah sugsigii ugu horeeyay ee sare oo laga hir galiyo magaalada burtinle . iyo dugsiga sare ee secondory burtinle waxaa ku yaal dugsiyaal hooseedyo badan sida dugsiga hoose dhexe ee dowlada oo ah dugsigii hoose dhexe ee magaalada ugu horeeyay . sidoo kale dugsiga hose dhexe ee imaamu shaafici oo ku xiran macadka al mumtada .

magaalada qabaail ahaan waxaa daga beelaha daarood gaar ahaan . beesha cumar maxamuud : oo uu ka dhashay kor: c/lahi yusuf axmed c/rasaaq xaaji xuseen c/wali aadan gaas islaan bashiir islaan cabdule islaan faarax , iyo kornaylo kale oo badan oo aanan meeshaan ku soo koobi karin . beel waynta owrtable oo ah beel caan ah oo aqoon yahano badan leh . waxaana ka dhashay aqoon yahankii maamulaha ka ahaa machadka almuntada alle ha u axariistee axmed ducale

sidoo kale waxaa daga magaalada burtinle beesha madhibaan oo ayana ah beesha sedexaad marka laga reebo cumar maxamud iyo awrtable .

burtinle waxay gobol ahaan raacsan tahay gobolka Nugaal . lkn dhaqaale ahaan waxay ku xiran tahay gobolka mudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo .

waxaa mara magaalada burtinle tog wayn oo loogu magac daray togga tima waynta .waxa uuna siimara tuulada gosal oo burtinle dhanka koonfur ka ga aadan ilaa uu ku biyo shubo mudugta dhexe (caduun) ila iyo bada hindiya

magaalada burtinle waa magaalo somali oo idili wada dagto marka laga reebo cidda deegaan ahaan u leh . waxayna ku nool yihiin si xuriyad ah aan hayb takoor lahayn .
















Degmooyinka Gobolka Nugaal Calanka Soomaaliya
Baarwayn · Budunbuto · Burtinle · Dangorayo · Eyl · Garoowe · Qarxis · Sunajiif · Xasbahal