Buuloburde

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Buuloburte)
U bood: gooshitaan, raadi

Buuloburde ama Buulaay (Af-Taliyaani Bulo Burti) waa magaalo ku taala gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.Degmmadwaxaa waxa ay ku taal goob muhiim ah oo ku caan ah dhulbeereed aad u qaalisan waa magaalo aad uquruxbadan marka loo fiiriyo degmooyinka kale ee ku yaallaa gobollada kala duwan oo ka koobanyahay dalka.Waxaa magaalada aad looga helaa caanaha noocyadooda kala duwan.Waa magaalo qaraami ah, waxa lasheegaa ineey tahay magaalo qadiimi ah oo illaa dhoowr qarni jirto.

Qoraalka gudaha oo kooban

[Wax ka bedel] Taariikhda degmada

Degmada Buulo burte waxay ku taalaa dhanka qoraxsin ee Wabiga Shabelle, waagii hore magaalada waxaa la dhihi jiray buuloburte oo macneheedu yahay (Buuladii bacaadka ), lakiin markaan dambe ayaa wuxuu magacaasi isku badalay buulo Barde (Barde) waa geed wabiga jiinkiiska ka baxo ayna caan ku tahay buuloburte.Buuloburde waxay kaloo ku magacdheertahay Buulaay ama deebleey oo dadkii hore u yaqaaniin. Magaalada Buuloburto waxay caan ku tahay xoolaha sida ariga, Geelka iyo Lo'da, magaaladani waa magaalo laga helo dhamaan dhirta kala duwan ee laga soo saaro wadanka Soomaalia, waa magaalo laf dhabar u ah dadka iyo gaadiidka ku kala safra goballada dhexe iyo gobollada waqooyi. Magaaladan ayaa u muuqato mid ganacsigeedu uu sii balaaranayo lagana yaabo in ay hogaamiso ganacsiga gobolka Hiiraan iyadoo dadkeedana maalinba maalinta ka danbeysa sii badanayo. Waxaa ka dhacay dagaal weyn sanadkii 1922 oo u dhexeeyey askartii talyaaniga iyo kuwii SH Xasan Barsane oo ey dad badani ku nafwaayeen.

[Wax ka bedel] Iskuulada

Buuloburde waxaa ku yaala dugisyo sare iyo kuwa dhexe iyo kuwa hoose iyo kuwa kale, laakiin degmada buulaburde waxaa lagu xasuustaa dowladii maxamed siyaad barre ineey ka soo bixi jireen dad aqoontooda sareeyso xaga waxbarashada xaga isporiga ,waxaan xasuusanaa gobolada dalka somaliya marka loo fiiriyo xaga isportiga waxeey ka soo bixi jireen badankood gobolka hiiraan gaarahaan degmada buulaburde

[Wax ka bedel] Bulshada

Degmada buuloburte waxaa degan dad lagu qiyaaso in ay gaarayaan (?) waxaa ku nool qabaa'il somaliyeed, laakiin ma sheegaan qabiilkooda oo hadii la weediiyo waxa uu kuugu jawaabaa reer b/burte.degmada waxa eey leedahay qisooyin aad ufarabadan halkaanna kuma soo koobi karo,waxaa ay kaloo leedahay Buundo lagu tilmaamo in ee ka midtahay kuwa ugu qatarsan somaliya oo dhan. Buuloburte waxaa maro Wabiga Shabelle, waxaa ka baxo qudaarta noocyadeeda kala kidisan. waa magaalo jawigeeda aad iyo aad u tagantahay waana degmo aad u weyn, waxay ukala baxdaa bari iyo galbeed ama qoraxsin sida magaalada b/weyne oo kale. waxaa ka mid ahaa schooladii ugu caansanaa degmada buuloburde

dugsiga hoose dhexe ee indha ceel dugsiga dhexe ee bag abeso dugsiga hoose dhexe sare ee bag abeeso magaca schoolka SHEIKH MOHAMED BAL'AD SCHOOL dugsiga hoose dhexe ee deebley dugsiga hoose dhexe ee octobar laanta 3aad magaca schoolka AXMED GUREEY SCHOOL

maamulka iyo macalimiintii soo martay qar kamida schoolada buuloburte

(1)gudoonka wax barashada degmada yuusuf jimcaale 
(2)AL-ustaad shuutoow 
(3)AL-ustaad axmed maxamd ismaan
(6)AL-ustaad jelani jiir misad 
(5)AL-ustaad Mohamed abdullahi omar ( xaaji taageero)
(6)sheikh mohamed qoorlule maamulaha schoolka axmed gureey
(7)AL-ustaad xasan nadiiroow
(8)AL-ustaad mohamed omar barre(cumareey)
(9)AL-ustaad daahir macallinka xisaabta axmed gureey
10)AL-ustaad xaaji kabaweyne maamulaha schoolka sheikh mohamed balcad

[Wax ka bedel] Xaafadaha degmada Buuloburte

  • 1- Oktobar Laanta 1-3
  • 2- Indhaceel
  • 3- Hanti-wadaag
  • 4- Bak-abeeso
  • 5- Loogaayda
  • 6- Celgaabta
  • 7- Buulabari
  • 8- Suuqa xoolaha
  • 9- Boosteejada
  • 10-Hotel raaxo
 MAGACYADA GANACSATADA BUULOBURTE

1- cali maxamed cismaan(calijeer) 2- c/raxmaan cumar maxamed(konteenar) 3- faarax maxamuud qariskatuur 4- rashiid camaloow 5- c/laahi ciise 6- dhoocaay 7- afyaxaas 8- guure 9- jirid sheikh cilmi 10-cilmi xuuriye 11-caasho cali jubbeeste 12-faarax garaad 13-ali shire

14-qaali diriye nuur 15-ahmed cali cilmi


 == Ganacsiga degmada ==

Ganacsiga degmada buuloburte waa mid aad iyo aad u sareysa waxaana raashiinka looka soo dajiyaa g/bari ee caasimada boosaaso sida sonkorta burka bariiska caleenta iyo saliidaba waxaa kaloo looka soo dajiyaa boosaaso sida: shaadiyaasha fanaanadaha kabaha macawiisyada iyo dhamaan dharka labiska sidaan ognahay buuloburte waxaa laka qaadaa qudaarta noocyadeeda kala duwan iyadoo waliba loo qaado gobolada bari iyo gobolada waqooyi

[Wax ka bedel] Hotelada Buuloburte

Buuloburte waxey leedahay hoteelo farabadan waxaana ka mid ah:

  • 1-Hotel Camaloow
  • 2-Hotel Al-Taqwa
  • 3-Hotel Safari
  • 4-Hotel Halane
  • 5-Hotel Geedoow
  • 6-Hotel Raaxo

iyo kuwa kale oo fara badan Sidoo kale degmada waxay leedahay meelo lagu gado baabuurta nuucyadiisa kala duwa,n iyadoona lakaaga iibinayo qiimo jaban. Dadka degan Magaalooyinka u dhaw buulaburte ayaa u soo safar tagaan degmadaan maalmaha sabtiga iyo talaadada, si ay uga ganacsadaan xoolaha iyo IWM.Maalmahaas ayaa ganacsiga buuloburte aad iyo aad u xoogan.

waxan kalo oo lagahilmamayb dhanka sports wa degmada uku fiicana marki gobolka lofiireyo waa degmada kaliya lakabaqo ciyaaraha



Degmooyinka Gobolka Hiiraan Calanka Soomaaliya
Abooreey · Beledweyne · Buq aqable · Buuloburde · Ceel Cali · Halgan · Jalallaqsi · Matabaan · Maxaas · Moqokori · Nuur Fanax

Buurweyn

Xaqiiqda allaa og!

Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale