Cabdullaahi bin Cabbaas

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Cabdullaahi Binu Cabbaas R.C. waxay ilmo adeer ahaayeen Nebiga (scw), wuxuuna ahaa Saxaabigii ugu aqoonta badnaa sida tusaale ahaan marka la eegayo tafsiirka iyo macnaha xeesha dheer ee qur'aanka oo Rasuulka (scw) ayaaba arrinkaa ugu duceeyay. Wuxuu caan ku ahaa Alle ka cabsiga, wuxuu badin jiray soonka, salaadda habeenka isagoo khaaliqa weyn (sw) ee abuuray mar kasta weydiisanaya denbi dhaaf iyo raalli ahaanshahiisa. Cabdullaahi wuxuu ka mid ahaa saxaabada ugu da’da yar oo wuxuu dhashay 3 sanno ka hor hijriga, markii uu Rasuulka (scw) dhintayna waxay da’diisu ahayd 13 jir.