Cadaado

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Cadaado waa degmo kamid degmooyinka gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.Cadaado waa degmo aad u baaxad wayn oo faaftay kadib burburkii kuhabsady dowladii dhexe ee Soomaaliya waxayna hada ku fadhidaa inkabadan 58km iskuweer sidookale aad udhisma qurxuun waxaana lagu tilmaamaa in aytahay caasimada gobolada dhexe maxaayeelay waa magaalada ugu weyn uguna bilicda qurxuun si weyn looga yaqaano dhamaan gobolada dhexe iyo waliba dalka Soomaaliya, waxaana dago beel ka mid ah beesha habar gidir ee hawiye waxaana lagu magacaabaa beesha reer xaaji saleebaan, waxaana ku nool dad aad u fara badan oo dhan 120,000-125,000 oo qof intooda badan ah dad ganacsato ah.

C/raxmaan Macaanoow / Najiib Aadan janiib / maxamed cabdi Muudeey deey

degmada cadaddo waxaa ku yaala ilaa 10 dugsiyo hoose / dhexe iyo 6 Dugsi sare waxaana la filayaa mar dhow in laga hirgaliyo jaamacad cusub oo noqon doonta jaamacaddi ugu horresay ee laga hirgaliyo goboloda dhexe ee soomaaliya.

Degmadaan ganacsigeeda waxuu ku xiranyahay magalaada muqdisho iyo magaalooyinka u dhow, sida magaalada baladwayne iyo galkacyo iyo hargeysa iyo waliba boosaaso oo ah meelaha inta badan ay isku xiranyihiin sidookale waxaa ayada hoos.Degmada cadaado waxaa ku yaala seelad wayn oo lagu iibiyo xoolaha loo dhoofiyo dalalka carbeed.Waxee leedahay warshado badan sida warshada biyaha saxa,warshada barafka,warshada hilibka,warshada kaluunka, iyo waliba kuwakale oobadan.Sidoo kale degmada Waxay leedahay garoon diyaaradeed caalami ah oo aad u wayn oo lagu magacaabo {adado international airport} garoonkaan oo ah garoonka ugu baaxada wey Soomaaliya marka laga reebo garoon caalamiga ah ee muqdisho iyo sidookale garoonma ciyaareed farabadan oo gaaraya il 10 garoon ciyaareed.Cadaado waxee ka midtahay degmooyinka ugu amniga badan dalka Soomaaliya. cadaado waa caasimada maamul goboleedka ximan iyo xeeb sidoo kale waa xarunta gobolka ximan

Degmooyinka Gobolka Galguduud · Cadaado · Ceeldheer · Ceelbuur · Dhuusamareeb , cabudwaaq ,Jiiro kuuloow