Cadale

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Cadale
—  Degmo  —
Cadale is located in Somalia
Cadale
Waxay Soomaaliya kaga taalaa ama.
Dhacdaa: 2°45′35.61″N, 46°19′22.01″E
Dalka  Soomaaliya
Gobol Shabeellaha Dhexe
Degmo Cadale
Tirada dadka
 • Guud ahaan 11,600
Saacad EAT (UTC+3)

Cadale (Af-Ingiriis: Adale) waa degmo dhacda koonfurta (Shabeellaha Dhexe) Soomaaliya. Sidoo kale waxay dhacdaa Badweynta Hindiya ee Loolka 2° 45' 35.61" 0N iyo Dhigta ah 46° 19' 22.01" 0E. Magaaladaan waxay hoosyimada Degmada Cadale (Af-Soomaali: Cadale).

waa degmo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxay ku taalaa Xeebta Badweynta Hindiya, waxayna Muqdisho dhinaca Waqooyi uga beegan tahay ilaa 180Km. Waxaa ku badan qabiilka la yiraahdo Agoonyar ee Abgaal. Cadale waxay ka mid tahay degmooyinka caanka ka ah Xeebaha Soomaaliya, waxayna aas'aasantay xilli hore oo aan si sax ah taariikhdeeda loo hayn. Magaca ay leedahay degmadani ee Cadale wuxuu iska saaran yahay labo eray oo gaagaaban, iyadoo midka hore yahay Caday iyo Leh, waxaana loo jeedaa goob Caday leh oo ay ka buuxaan geedaha lagu rumeysto. Cadale ka hor intii aan la aasaasin waxay ahayd goob ay ku yaalaan teendhooyin yar yar oo ay leeyihiin dadka Kalluumeysato ah oo ka shaqeysan jiray Xeebaha ku dhow dhow degmada Cadale. Cadale waxay caasimad u ahaan jirtay dadka ku nool deegaanada ku dhow dhow maadaama ay ahayd magaalo weyn tan iyaga ugu dhow. Sanadkii 1307 ee Hijriyada ayaa waxaa deegaanadaas ciidamadii Talyaaniga ee gumeystaha kula dagaalamay dadka deegaanka, inkastoo haddana jabhad halkaas laga aas aasay oo ka horjeedday Talyaaniga aysan muddo dheer shaqeyn oo ay mar dambe burburtay. Degmada Cadale waxay horey u ahaan jirtay magaalo ay deggan yihiin waddaado fara badan, iyadoo ka mid ah magaalooyinkii ugu masaajidyada badnaa xilliyadii hore. Dadka deegaankaasi deganaan jiray waxaa ka mid ahaa Sheekh Axmed Sheekh Abiikar Xasan (Sh. Axmed Wacdiyow), wuxuuna Sheekhaasi ahaa wadaad aad uga soo horjeeday imaanshihii Talyaaniga ee dalka Soomaaliya, wuxuuna isku dayey in uu si awood ah uga hortago gumeystihii Talyaaniga. Sheekh Axmed Wacdiyow oo reer Cadale ahaa waxaa jira Gabayo fara badan oo uu ka tiriyey gumeystihii Talyaaniga iyo sida uu uga soo horjeedday, waxaana ka mid ahaa gabayadiisii:

  • Soomaaliyaan u dagaalamaynaa,
  • Dalkeena ballaaran u daafacaynaa,
  • Kuwa dulmaaya la dood galaynaa,
  • Dabeylka mowdku intuu I daadihin,
  • Hilibka duud cunin deebna uu noqon,
  • Duruyadaada dab looma aasee,
  • Kuwa dambaan u dariiq falaynaa,
  • Kufriga soo dagay diidda leenahay.


Cadale waxa ay ka mid tahay degmooyinka gobolka Sh/dhexe, iyadoo hore uga mid aheyd degmooyinkii laga soo gooyey Gobolkii Benadir. Cadale waa degmo uu alle ku maneystay kheyraad fara badan sida xoolaha iyo kalluunka waxaa kale oo ay degmadu leedahay dhul beereed kooban, waxaa kale oo ay leedahay deegaan ballaaran oo aad ugu haboon dalxiiska ka sokow xoolaha aynu dhaqano waxaa ay degmadu hodan ku tahay noocyo badan oo ugaarta ka mid ah.

Degmada waxaa Hoos yimaada Tuulooyinka kala ah, Ceelbacad, Cadow uul, Ceelmuluq,cali gaduud, wargaadhi iyo maxa saciid

Degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe Calanka Soomaaliya
Aadan Yabaal · Balcad · Cadale · Jowhar · Mahadaay Weyn · Qalimow · Raagge Ceele · Ruun Nirgood · Warshiikh · Ceel-Fooldheere · Qurac-Madoobe · Dharkeelay · Ceel-Baraf · Biya-Cade · Miir-Taqwo · Caadleey · Gumaroow
Gobolada Soomaaliya Flag of Somalia
Awdal | Bakool | Banaadir | Bari | Baay | Galguduud | Gedo | Hiiraan | Jubbada Dhexe | Jubbada Hoose | Mudug | Nugaal | Sanaag | Shabeellaha Dhexe | Shabeellaha Hoose | Sool | Togdheer | Woqooyi Galbeed