Cali maxamed Geedi

Ka Wikipedia

U bood: navigation, raadi

Taariikh nololeedkii ra'iisul wasaare

Cali Maxamed Geeddi Ra'iisul Wasaarahihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1952-kii wuxuuna ku soo barbaaray isla magaalada Muqdisho, wuxuuna waxbarashadiisa hoose dhexe iyo jaamacadda ku qaatay magaalada Muqdisho.

sanadkii 1978-kii ayuu dalka Talyaaniga jaamacad ku taal oo la yiraahdo Pisa ka qaatay shaahadada Phd, sidoo kale Ra'iisul Wasaaraha wuxuu ka baxay jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed qeybteeda Kuliyadda Daawada iyo xanaanada xoolaha, sanadkii 1983-kii ilaa 1990-kii wuxuu macalin ka ahaa Jaamacadda Ummadda qeybteeda Daawada iyo xanaanada xoolaha, sanadkii 1992-kii wuxuu ahaa Guddoomiyaha ururka Dhaqaatiirta Xanaannada Xoolaha ee Gobolka Shabeelaha Hoose

sidoo kale Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi wuxuu shaqooyin fara badan kasoo qabtay xafiiska Midowga Afrika qeybteeda xanaanada xoolaha isagoo noqday mas'uul u qaabilsan la tashiyada ganacsiga xoolaha iyo suuq geynta isagoo la soo shaqeeyay sanadkii 1997-kii shirkaddaha Ramadaan iyo Dayax oo ka shaqeyneysay Magaalada Muqdisho iyo dalal afrika ah.

Cali Maxamed Geeddi wuxuu ka soo shaqeeyay dalal fara badan oo ka mid ah Afrika isagoo hey'addaha Samafal la shaqeynayey, Ra'iisul Wasaaraha wuxuu kaloo ka qeybgalay shirarkii dib u heshiin ee dalka loogu raadinayay xal u helida arimaha Soomaaliya, wuxuuna ka qeybgalay shirarkii lau qabtay dalalka Qaahira isagoo xoghayaha guud ee shirkii lagu qabtay magaalada Balad Weyne oo ay ku kulmeen gobolada adhexe iyo kuwo ko9onfureed, Md. Cali MAxamed Geedi wuxuu kaloo ka qeyb qaatay sidii shacabka Soomaaliyeed ay dib u soo celin lahaayeen xasiloonidii iyo kala danbeyntii dalka isagoo abaabulay siminaaro lagu baranyo xalinta iyo maareynta colaadaha.

1994-kii ayuu noqday Guddoomiyaha NGO-yada Soomaaliya oo xarunteeda aheyd magaalada Muqdisho halkaasoo uu ka waday howlo lagu horumarinayo Ururada NGO-yada ee ka shaqeeya arimaha Bulshada.

By:- Mohamed Abdikarim Hashi * Mr Kadiye*