Category:Ugaadhsi iyo Qadhaabsi

Ka Wikipedia

Ugaadhsi iyo Qadhaabsi

Sawir muujinaya Ugaadsato badan.
Sawir-gacmeed ay ka muuqato guuto ugaadhsato ah.

Ugaadhsi iyo Qadhaabsi sidoo kale loo yaqaano Qaraabsi iyo Ugaarsi (ingiriis: Hunting-Gathering) waa shaqada lagu soo ururinayo midhaha iyo khudaarta dhirta duurjoogta ah; iyo khiyaanada lagu dhaawacayo ama dilaayo neef xayawaan duurjoog ah.

Qofka wax qadhaabsanaya waxaa loo yaqaanaa Qadhaabsade. Dad badan oo wax qadhaabsanaya waxa loo yaqaanaa Qadhaabsato. Qofka wax ugaadhsanaya waxaa loo yaqaanaa Ugaadhsade. Dad badan oo wax ugaadhsanaya waxa loo yaqaanaa Qadhaabsato.

Ugaadhsiga iyo qadhaabsigu waa labada hab ee dadku isticmaali jireen tan iyo qarniyo badan ka hor ilbaxnimadii aadamaha.

Qofka ugaadhsadaha ahi waxuu isticmaalaa hub kala duwan. Wakhtiyadii hore waxaa la isticmaali jirey leeb iyo qaanso, laakiin dunidan casriga ah maanta waxaa la isticmaalaa qori, madi, waran iyo noocyo kale oo hub ah. Laakiin qofka qadhaabsadeha ah waa mid xirfad iyo aqoon fiican u leh dhirta, sababtoo ah midhaha qaar waa sun lagu dhinto.


Qeybaha hoose

Qeybtaan waxaa ku jirto 2 oo ah qeybaha hoose waana 2 oo dhamaantood ah.

L

U

Bogagga ku jira qeybta "Ugaadhsi iyo Qadhaabsi"

waxaa meeshaan ku jira 4 oo maqaallo ah waxeena ku jiraan qeybtaan, waana 4 gud ahaan.