Caynaba

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Dhul burbursan oo ku yaalo ama u dhow degmada caynaba

Caynaba waa magaalooyinka ugu da wayn oo aad u caan ah waxa ay ku taalaa meel istaraji ah oo waxa mara laamiga dheer ee isku xidha dalka somalia la isku odhan jiray. Tirada dadka degan iminka waxa lagu qiyaasaa ilaa 35,000 ku oo qof.

Caynaba waxa ay hada noqotay Gobol oo waxa ay caasimad u tahay Gobolka Saraar waxa uu ka tirsanayhay maamul Goboledka Somaliland.

Waxa degaan ahaan Degan gobolka Saraar Qabaailo badan oo ka mid ah Habar Jeclo Sida Reer Yoonis,. Cali Barre. beelweynta cumar Jibriil,iyo Solomadow

Caynaba[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Cainabo, Somaliland Magaalo Madaxda Gobolka Saraar ee Caynabo waa magaalo ka mid ah magaaloyinka ugu dada weyn SL waxay soo jirtay oo aasaasmata mudo hada lag joogo shan qarni,

Caynabo waxay leedahay ilo biyo wareedyo ay caan kaga tahay gobolada kale ahna biyo durdur ah oo aan kala goin gu,iyo jiilaal taasina ay sababtay in lagaga soo arooro gobolada sool,sanaag,saaxil,togdheer iyo buuhoodle oo ay afart jaho deris kala tahay.

Caynabo waxay ka mid tahay goboladii uu sanadki 2008 magacaabay madaxweynihii hore ee s/l mud. daahir riyaale kaahin balse waxay noqotay gobolka ugu baaxada weyn leh sagaalka gobol ee soomaaliland ayna ku kasbatay xuduuda dheer ee ay la wadaagto goboladaasi

caynabo waxaa ku yaala ceelka weyn ee caanka ah kaasi oo laga wada yaqaan dhamaanba dhulka ay soomaalidu degto lagan tiriyey gabayo aad tiro badan waxaan maalin walba ka caba xoolo aad u tiro badan oo isugu jira geel,adhi,lo.frdo iyo ugaadha

Noocyadeeda kala duwan

Caynabo waxaa ku yaala madaarka weyn ee dabiiciga ah kasi oo ay diyaaraduhu soo fadhiisan jireen xiligii ay dhacday abaartii daba dheer halkaasna dadka qaxoontiga lagaga aad gureyn jiray

si kastaba ha ahaatee caynabo waxay ka mid tahay meelihii ugu horeeyey ee halgan hubaysan lagaga soo horjeesto keli taliskii siyaad barre uuna kuyaalo goobtii la baxday (ninkii wadada sheikh wanaag ku maroow wadaamogoo ayuu wedkaa yaal)

Magaalo madaxda gobolka saraar ee caynabo waxay leedahay ilo dhaqaale oo ku tiirsan xoolaha nool iyadoo marba marka ka danbaysa ay sii laanlaabmayaan sayladaha xoolaha lagu kala iibsado caynabo waxay kaalin wax ku ool ah ka gashay fidinta laamaha dawlada iyo idii somaliland ula soo noqon lahayd gobolada sool iyo sanaag bari taasoo ay degan yihiin ciidamada maamul ka s/land ee doonayey xuduuda wadanka waxaana degmada oog kuyaala taliska guud ee ciidamad aaga bari ee maamul goboledka s/land

ilaa haatan magaalo madaxda gobolka saraar ee caynabo waxaa hoos yimaada 5 degmo iyo 44 marka aynu usoo noqono ceelka caynaba oo ah goob muhiima ayaa hadana waxaa ka muuqata dayac farabadan oo ku gedaaman ceelka xoolo dhaqatada ku dhaqan gobolka saraar oo iyagu ah dadka ugu badan ee ka soo biyo doonta ceela ayaa cabasho ba,an kamuujiyay ceelkaasi,

waxaa gabi ahaanba usoo biyo doonta wakhtigan oo ah xilli abnaareed dhamaan deegaanada ku dhow Magaalada caynabo. dhawaan ayay ahayd markii gobolkan togdheer lagaga dhawaaqay Gudiga horumarinta gobolka saraar lamana oga waxaayka qaban doonaan ceelka caynaba oo kaalin muhiima kaga jira gobolka saraar iyo gobolada kal