Ceelgaras

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
File:Ceelbuur.jpg
Magaalada Balad Qasim (Ceel-Garas)


Magaalada Ceelgaras oo Lagu naaneeso BALAD QASIM (بلدخاسم) iyada oo loogu nisbeynayo Caaqilkii weyn ee Sayid Qasim Dhiryo Dhobe, waa mid kamid ah magaalooyin ka ugu faca wey ee Gobolka Galgaduud taas oo mudooyin qarniyo ah ladaganaa.
Magaalada waxa ey ku taalaa Galbeed ka Magaalo Madaxda Gobolka ee Dhuusamareeb iyo waqooyiga Magaalada ugu faca weyn Gobolka EE Ceelbuur.

Qoraalka gudaha oo kooban

Waxbarashada iyo Tacliinta [Wax ka bedel]

Ardeyda Balad Qasim (Ceelgaras)


Dugsiyada Hoose, dhaxe iyo sare intuba waa kuyaalaan magaalada kuwaa hoos taga hey'ada Samafalka DOHA qeybteda Tacliinta Qaabilsan, Sidoo kale magaalada waxa ey leedahay Private Schools kuwaa oo lagu barto maadooyin gaar sida luqadaha, computer iyo Culuumta Seynika sida Physics, Math and Chemistry, Kama Marna in ey magaaladu leedahay tiro madarasado xifdinta QURAAN KARIIM kuwaa oo u qaabeysan Si aad u heer sareyso qaab dhigaalkooda. tacliinta ayaa ladhihi karaa waa mid si aad ah dhalinta magaalda u xiisey neyso eyna kubaratamaan waxaana arkeysaa ayada oo dhalintu isku boorinaya muhiimada ey tacliint u ledahay umada iyo oo farta isugu fiiqaya in ey waxbarashadu tahay Furaha hormarka.

Caafimaad Ka [Wax ka bedel]

Astaan Cisbitaal Ka Guud ee magalada Balad Qasim(CeelGaras)

Adeega Caafimad ee Magaalada Ma ahan mid Sidaa u hormarsan oo bulshada magaalada bahiyahooda Caafimaad dabooli Karo OO magaaladu waxa ey leedahay Hal isbitaal Oo guud kaas oo ey dhawaan ka hirgalisay hey'ada Maxaliga ee Samafal ka DOHA, isbitaal kaan oo lagu Magacaabo Siyaad Dhiryo-Dhobe General Hosbitaal aya ka kooban isbitaalka caruurta, Haweenka iyo isbitaalka Guud.

Cayaaraha iyo Sports (الرياضه) [Wax ka bedel]

Waxaa magalada ka dhisan tiro Kooxa Sports oo qaarkood ku cayaara magaca shirkadaha magaalada kuyaala oo ey dhalinta magaalada u kala cayaaraan, kooxahaan ayaa mararka waxa ey safaro cayaareed ugu ambabaxaan Magaalooyinka Deegaanada Dooxa sida Ceelbuur, CeelLahelay, garabla iyo ceelqooxle si ey cayaaro ula wadaagaan dhalinta asaagooda ah ee magaalooyinkas ku sugan

Ganacsiga [Wax ka bedel]

Magalada Balad Kasim ama ceelgaras, waxaa sanadihii ugu dambeyay hormar laxaadleh laga dareemayay ganacsidga magaalada tan iyo wixii ka dambeeyay Dagaalada aan dhamaad ka laheen ee ka jira Mogadishu markaas oo ey magaalada soo galeen dad badan oo ka soo bara kacay caasimada kuwaa maganacsiyo ka abuuray magaalda, Tiiyo ey meesha ka marneen in magaalada tahay magaalo ILAH ku maneystay wax Soo saar ey kamid ka yihiin Burjukada iyo dabqadka oo loo iib geeyo dalka oo dhan iyo waliba dibada dalka. sidoo kale magaalada waxa ey leedahay wax soo saar dhan tacab ka Beerahay wax eyna leday dhul balaaran oo beerashada ku haboon kaas oo hadii sida uu yahay looga faa iideysto noqonaya mid bulshada oo idil kaafin kara.Magaalada sidoo kale waxaa kuyaala shirkado badan oo ganacsi sida kuwa isgaasiinta, Xawaaladaha iyo kuwa kale oo door muhiim ah kuleh hormarka ganacsida magaalada.

Burjiko iyo dabqaad waa wax soo saarka Magaalada Balad Qasim (Ceelgaras)


Degmooyinka rasmiga ah Gobalka Galguduud Soomaaliya
Caabudwaaq · Cadaado · Ceelbuur · Ceeldheer · Dhuusamareeb