Daahir Rayaale Kaahin

Ka Wikipedia

U bood: navigation, raadi

Daahir Rayaale Kaahin, Madaxwaynaha Jamhuuriyada dimuqraadiga Somaliland, wuxuu dhashay sanadkii 1952 waxa aanu ku dhashay magaalada Qulujeed ee gobolka Awdal. Waxa uu qabtay xilka madaxtinimo kadib geeridii ku timid madaxwaynihii labaad ee somaliland mudane Maxamed xaaji Ibraahim Cigaal, xiligaas oo uu ahaa madaxwayne ku xigeen. Waxa uu ku guulaystay doorashooyinka Madaxtinimo ee somaliland bishii abriil ee sanadkii 2003dii, isaga oo ka sharaxna xisbiga talada haya ee UDUB (Ururka dimuqraadiga ee Umadaha bahoobay), waxana xilka loo dhaariyay bishii maayo ee 2003dii.


[Wax ka bedel] Taariikh nololeed

Mudane Daahir rayaale inta aanu xilka qaban waxa uu soo maray Jagooyin badan oo ay ka mid ahaayeen sarkaal ka tirsan wakaaladii sirdoonka soomaliya, badhasaabka gobolka awdal, diblumaasi ka tirsan safaaradii soomaaliya ee jabuuti iyo madaxwayne ku xigeenka somaliland. dahir rayaale waa nin dadkiisa iyo dalkiisaba wax u taray

[Wax ka bedel] Isirkiisa

Waxa uu ka soo jeeda beesha Jibriil yoonis ee Qabiilka Gadabuursi

Madaxweyneyaashii Somaliland :