Dagaalkii uxud

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Dagaalkii Uxud)

Dagaalkii Uxud (ingiriis: the Battle of Uhud; Carabi: ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ; "Ġazwat ‘Uḥud") waa dagaal dhex maray muslimiinta iyo Qureysh oo dhacay Sabti, Maarso 19keedii, sanadkii 625 C.D (C.D = Ciise Dabadii) oo u dhiganta 3dii Shawwal sanadkii 3aad ee Hijrada, wuxuuna ka dhacay buurta Uxud ee waqooyi galbeed deegaanada Carabiya.[1] ciidamada muslimiinta ayaa lagu jabiyay dagaaka waxaana looga dilay rag badan oo ku jiro Xamza adeerkii Nabiga scw

Dagaaladii Islaamka
ﻏﺰﻭﺓ
Qaswooyinkii Ugu Horeeyay
Dagaalkii Beder
(ﻏﺰﻭﺓ ﺑﺪﺭ)
Bedertii Labaad
Dagaalkii Uxud
(ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ)
Dagaalkii Dhufeysyada
(ﻏﺰﻭﺓ ﺍﻟﺨﻨﺪﻕ)
Dagaalkii Isbaaheysiga
(ﻏﺰﻭﺓﺍﻻﺣﺰﺍﺏ)
Dagaalkii Kheybar
Dagaalkii Xunayn
Dagaalkii Tabuk

Dagaalkan Uxud wuxuu ahaa dagaalkii labaad ee ka dhex dhaca kufaartii reer Makka iyo muslimiinta u soo qaxdey isla markaana degan magaalada Madina, waxaa ka horeeyay Dagaalkii Beder ee dhacay sanadkii 624kii markaasi oo tiro yar muslimiin ahi jebiyeen dhowr kun oo ciidan hubeeysan ah.

Taariikhda miilaadiga markey ahayd Maarso 11keedii, sanadkii 625 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican u hubeeysani ka soo baxeen magaalada Makka si eey ugu soo aar-gudaan dadkii lagaga diley Dagaalkii Beder.[2] Ciidamada reer Makka si fiican ayay u qalabeesnaayeen oo xataa dumarka iyo caruurta horey ayay u soo kaxeeyseen si aanay marnaba u jabin. Dhinaca kale, markii warka weerarka reer Qureesheed soo gaadhay muslimiinta reer Madiina ayaguna way isa soo diyaariyeen isla markaana horey u soo qaateen wixii hub iyo qalab ay heli kareen.

Si kastaba ha ahaatee, xoogaga ciidamada laba dhinac waxay fooda isku dareen banaanka dhinaca buurta Uxud halkaasi oo dagaalka qeybtiisa hore guushu ku raacdey ciidamdii muslimiinta.[3] Ayagoo moodaya ineey guuleysteen ayaa in badan oo ciidanka muslimiinta ah ayaa daba ordeen dagaal-yahanadii reer Makka, taasi waxay fursad siisay guuto dagaal-yahano fardoleey reer Makkah ah, kuwaasi oo dhabarjebin ku sameeyay ciidamadii muslimiinta.[4]

Isku soo wada duuboo, tiro badan oo muslimiin ah ayaa ku dhimatey dagaalkaasi Uxud ka dib markii ciidamada muslimiintu ku jabeen dagaalkaasi. Intaas waxaa dheer, Nebi Muxamed laftiisa dhaawacyo aad u halis badan ayaa soo gaadhay. Ugu dambeyntii guushu waxay raacdey reer Makka.[5][6]

Qoraalo La Mid Ah[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Xigasho[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. "ingiriis: the Battle of Uhud; carabi: ﻏﺰﻭﺓ ﺃﺣﺪ; "Ġazwat ‘Uḥud""
  2. "Maarso 11keedii, sanadkii 625 C.D ayaa guuto ciidamo si fiican"
  3. buurta Uxud
  4. Al-Tabari, Muhammad ibn Jarir. The History of the Prophets and Kings (Tarikh al-Rusul wa al-Muluk), Vol. 18 Between Civil Wars: The Caliphate of Mu'awiyah 40 A.H., 661 A.D.-60 A.H., 680 A.D. (Michael G. Morony).
  5. . Books.google.ca http://books.google.ca/books?id=EmN8tCx_jR4C&pg=PA10&dq=first+Umayyad+Caliph&hl=en&sa=X&ei=ekTzUJO1M8G9rQGyuICADg&redir_esc=y#v=onepage&q=first%20Umayyad%20Caliph&f=false. Soo qaatay 2013-04-30.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. The Umayyad Dynasty Archived Juun 20, 2013 // Wayback Machine at the University 0f Calgary