Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
diyaaradihii maraykanka

Dagaaladii sokeeyay ee soomaaliya waa dagaalo aan dhamaad laheen.waxoona bilaamay 1991di.Dagaalkaan waxoo dhaliyay degenaasho la'aan iyo nolol la'aan oo 20sano gaartay.Dagaalada intaas oo sano soo jiray, maalinbo maalinteeda kale woo isbedelaayay. Maanta dagaalka waxoo u dhaxeeyaa, dowlad aad u liidata iyo arkagixiso rabto in ee dalka qabsato.Sidii ee qaramada midoobay iyo mareykanka ee uuga baxeen dalka soomaaliya 1993, soomaaliya codkeeda mala maqli jirin.Wixii ka danbeeyay 2000 dalka waxaa soo galay ciidamo shisheeye, sida kuwa itoobiyaanka iyo ciidamda amisom oo taageero u fidiyo dowlada maanta jirta ee kumeel gaarka ah. dagaalkii sokeeye ee soamliya waxa uu ahaa mid maslaxad kusalaysan

[Wax ka bedel] Madaxbanaanidii somalida

Dagaaladii sokeeyay waxee dalka u horseeday dhibaato iyo burbur oo dhamaad laheen iyo dowlad la'aan.Waxoona dalka u kala qeybsamay qeybo badan oo shacabka ee ku doonayaan maamul.Waxaa jirta qeyb soomaaliya ka mid ah oo dagaaladii sokeeyay ku bilaabay , oo maanta rabto in ee goosato.Qeybtaas oo maanta loogu yeero somaliland una hor kaceeso urukii qabiiliistiga ahaa ee SNM, oo la dagaalami jirtay dowladii dhexe sanadihii 1986dii.Waxaa sidoo kale jiray ururo sida SSDF iyo USC oo ayaga neh ka soo horjeeday dowladii dhexe sababo la xirirta maamul xumo.Dowladii siyaad Barre ayaa qaladaad weyn sameyn jirtay, oo ay shacabka ku diidanaayeen,sida dadkii ee ku xasuuqday degmada jasiira iyo dagaaladii gobolada woqooyiga iyo gobolada dhexe.Markii la riday dowladii dhexe neh, dowlad cusub ma imaanin oo dagaalkii meeshiisa oo ka sii socday.Sanad iyo bar ka dib dalka waxaa ka dhacday abaar isla markaas neh waxaa imaaday heyaadaha gargaarka ee qaramada midoobay, waxaana la socday ciidamo dalal badan ka socda oo runtii rabay in ee dalka nabadeeyaan.laakiin waxaa lagu eedeeyay in ee shacabka dilaayaan, isla markaas neh weerar lagala horyimaaday.Ciidamada mareykanka oo ka mid ah kuwa gargaarka ee QM, ayaa bilaabay in ee diyaaradahooda la soo kacaan, waxoona dalka galay dagaal labaad oo nuuc kale ah.Maraykanka iyo qaramada midoobay waxee soomaaliya ka baxee ayada oo dagaal socdo, laakiin qaboowsaday.Markii ee ka baxeen ilaa 2000 soomaaliya codkeeda danbe mala maqli jirin.Sidii ee dowladii dhexe u dhacday ilaa la abaabulo dowladahaan federaaliga, soomaaliya ma leheen wax hogaan ah. Dadka wee iska ganacsan jireen. Ilaa xiligaan dad ma heestaan hogaan. waxaana dalka ka dhashtay argagixiso oo ah maanta mida kaliya oo hortaagan nabada.

beenta nagadaa

[Wax ka bedel] Dhicitaankii Maxamed Siyaad Barre 1969–1991

Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale