Dangorayo
Dangorayo waa degmada 2aad ee Gobolka Nugaal]]. Waxa ay ku taallaa Ayax. Waa meelaha ugu sareeya ee heerka joogga badda dalka Soomaaliya. Waxaa dhinaca galbeed ka mara tog layiraahdo bilcil biyihiisuna ay ku xiran yihiin xilli roobaadka deegaannaadaas oo u badan xilliyada Gu'ga iyo Dayrta.
Degmada Dangorooyo waxaa ku nool dad gaaraya 34.000 kun oo qof Waxay leedahay iskuul hoose dhexe oo la dhisay 60-naadkii iyo iskuul hoose/dhexe iyo sare oo kubaxa luuqada carabiga iyo englishka iyo isbitaal-yare la dhisay 90-shaneeyadii. Waxaa guddoomiyeyaal ka soo noqday Cali Xaaji Maxamed, C/qaadir Kaarshe Cadduur (Khuruuf) Mursal Yuusuf Maxamuud (Keligii-ducayste), c/raxmaan xaaji ciise (xayrdaac),mukhtaar cabdiraxmaan iyo C/qadir Siciid C/raxman waxayse bulshada Degmadu caddeeyeen in Gudoomiya yaashii soomaray Degmada ay Ugu wanaagsana xaga waxqabadka iyo arimaha bulshada: Mukhtaar abdirehman.
Aaska degmada waxaa la sameeyay 60-naadkii. Waxaan halkaasi markii u horeysay degay Xaaji Axmed Farajar, Allaha u naxariistee iyo Barni Xaaji Xuseen Abokor.
Dangorooyo waa meel qabow oo nolol fiican. Waxay bilowday inay horumar la taaban karo samayso sida iskuulo ceelbiyood isgaarsiin iyo dhismayaal quruxbadan sida hoteelo iyo guryaba degmadu wixii ka dambeeyay sanadkii 1989-kii.
Degmada Dangoroyo waxaa hoos yimaad tuulooyin badan oo ay ka mid yihiin haajikhayr, butunbuto,baarweyn,uuskure,baqbaq,ceelbuh, qundheed, falfalax,suuj,garmaal,kabaal, dangorayo waxaa lagu tilamaama degmada ugu balaaaran degaamooyin ka Puntland waa degmo leh baaxad aad u balaaran iyo deegaamo badan oo hooos yimaada ,
| Degmooyinka Gobolka Nugaal | |
|---|---|
| Baarwayn · Budunbuto · Burtinle · Dangorayo · Eyl · Garoowe · Qarxis · Sunajiif · Xasbahal | |