Dhahar

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Dhahar :- magaalada Dhahar waxay kamid tahay magaalooyinka ugu waawayn woqooyi bari, waa magaala madaxda gobolka haylaan,Dhahar waxay dhacdaa barta 9.75digrii loolka waqooyi iyo 48.82digrii dhigta Bari, waxaynamagaalada Ceergaabo u jirtaa fogaan ah 220 km dhanka K/Bari, magaalada Boosaasana fogaan ah 215 km dhanka W/Galbeed.

Magaaladda dhahar ayaa waxaa kunool shacab gaaraya ilaa 82kun oo qof oo isugu jira qeybaha kala gadisan ee bani aadamka , Waxaa aad ugu xiran magaalada reer guuraa farabadan. Waxaana aad magaaladda loosoo buuxshaa xiliga xagaa baxa loo yaqaan oo dadweyne tiro badan usoo xagaabaxaan sida bilaha 5 ilaa 9 aad waxaana lagu qiyaasaa bilahaa dadweynaha ilaa 95 kun oo qof .

Magaalada Dhahar ayaa ah mid aad ugu fiican Marti galinta (Hospitality) waxaana ku yaala hoteelo oo leh restaurants gudahooda waxaana ka mid ah Hotel Midnimo.

Waxbarashada: Dhibaato ah in ardeyda u guuro dhanka Boosaaso ayaa laga soo kabtay ka dib markii loo hawl galay in dib loofuro furitaanka dugsiga Sare, si ardayda kasoo baxda dugsiga H/dhexe ee Dhahar ay ugu gudbaan. Dugsiga H/dhexe ayaa hadda waxaa wax ku barta ilaa 780 arday, waxaana ka hawl gala 13 macallin, sida uu noo sheegay maamulaha dugsigaas Axmed Maxamed Abokor waxa dugsigu u baahan yahay deyr, musqulo, berked, fasallo dheeraad.

Caafimaadka :- Magaalada waxay leedahay xarumo caafimaad oo tiro badan sida Cusbitaalo , MCHyo iyo waliba Farmashiyo.

Waxaa ka hawl gala magaaladda dhahar shaqaale loo tababaray arimaha quseeya caafimaadka isla markaasna sida ay ii sheegeen qaar ka tirsan shaqaalaha caafimaadka inaaney wax mushahar ah oo la sheego aaney qaadan balse ay jirto mar mar ay Talaalo iyo sameeyaan waxey sidoo kale wax aan la sheegin ka helaan hay’addo oo ku taakuleeya mararka qaarkood daawooyin aan sidaa usii badneyn oo la dhigo MCHyadda .


Ganacsiga : Xaga ganacsiga magaalada ayaa ah mid marwalba siiweynaanaya waxaana suuro galiyey nawaaxiga magaalada oo leh xoola kala duwan ahna meelaha soomaaliya ugu xoolaha badan. Magaaladu waxayna leedahay ganacsiyo kala duwan, waxayna aad ugu xirantahay dekeda magaalada Boosaaso.

Fardaha: Magaaladani waxay caan ku tahay dooxooyinka iyo dhul daaqsimeedka xoolaha afarta meesi kuwada dhaqmi karaan, gaar ahaan fardaha nooca gobolka Sanaag caanka ku yahay ee SUNAARIGA oo ka jaan guuray inta kale ee ee Soomaaliya, in kastoo abaarihii sanadihii lasoo dhaafay ay tirada Gammaanka hoos u dhigtay.

Dhahari Qaalisanaa

Daymadow qurxanaa

Qalbiga deeqi ogaa

Cimiladeeda qabowgiyo

Kulaylka isugu qaybsan

Qof bartaa jecelaa!!!

by Colonel Maxamud C. Fooldhuub)

Xigasho: [1]

Diyaariye: Abdiqadir Ahmed Ibrahim Birjeb

waxayna demada qaadatay 1986 dhamaadkiisii waxayna ku taal mel istaraatiji aha waana magaalo ay ku faanaan umada somaliyeed,gaar ahaan dadka u dhashay dahar