Dharkeenleey
Dharkeenleey…
| Degmooyinka Gobolka Banaadir | |
|---|---|
|
Boondheere · Xamarjajab · Xamarweyne · Dayniile · Shibis · Shingaani · Dharkeenleey · Cabdicasiis · Kaaraan · Huriwaa · Hodan · Howlwadaag · Waaberi · Madiino · Wardhiigleey · Yaaqshiid |
|
Degmada Dharkeenleey waxay ka mid tahay degmooyinka magaalada Muqdisho waxay xigtaa dhanka koofur galbeed. Waxaa waayadii danbe ku noolaa dad fara badan oo qaarkii ka soo qaxay Magaalada inteeda kale. Degmadu waxay ka kooban tahay xaafado badan oo ay ka mid yihiin xaafadaha Ceel dheere,Showriyaha, Dabaqeen, Aabagedo, Kuweyt, Suuq boocle,Quraca waanjeesha, Suuq liif, Xoosh, Buula qaran, Kaxda, Macmacaanka, iyo kuwo kale oo aan yareyn. Degmada Waxay soo martay marxalado kala duwan waxaana lagu tilmaamaa meelaha istaraatiijiga Xamar ka mid ah. Waxaa ku yiilla suuqyo sida; (Suuq liif, Suuq boocle), Iskuulaadkeeda waxaa ka mid ah;(Abuubakar Al-sadiiq "Dabaqeyn", Iqra',Khadiijo, Alanwaar, Assafa,...). Ardaydeeda waxay ka mid yihiin arday ugu dadaalka badan Xamar, iskuuladuna sida kan Iqra' waxa uu galay laba mar oo isku xigta kaalinta 1aad ee Bankul Islaami. Waxaa noqday waxyaabaha lagu faano ayadoo degamada ay ka mid tahay degmooyinka ugu fiican dhanka wax barashada, dhaqaalaha, dhismooyinka iyo wax yaabo kale. Tan iyo burburkii waxay ka sii hormaraysay degmooyin kale oo ku yaalla Caasimadda. Madiina waa degmada la tilmaamo in ay ahayd meesha ay ka timid degmadan(madiina=dharkeenleey+wadajir), waxaan xuduudeeda lagu tilmaamaa in ay tahay wadada xaaji maxamed ee Suuq yare. Waagii burburka waxaa maaamuli jiray hogaamiyo kooxeedyo kala duwan sida: Muuse Suudi, Xuseen Caydiid waxaana ka dhici jiray mar mar dagaalo aan sidaa u cusleyn. waayadii danbe waxaa xukunkeeda soo maray; Maxkamadaha Islaamiga, Jabhadda Islaamiga. Haddana waxay degmada hoos tagtaa maamulka Gobolka Banaadir ee DKMG ah ee Soomaaliya. waxaa kaloo kajira koox ku badacagta oo lagu maga caabo R.R.P.B.O waa koox aad caan ugu ah waxaa tabare u ahaan jiray Dr: isaaq nuur alah u raxmado , hanadeneh waxaa haya Abshir Hayle Ulusow dhinaca xiri rinta ciyaalka xafada , Abdi raxiin gaafow.