Dhulgariir

Ka Wikipedia
Dulgariir

Dhul-gariir (asalka kelmedda waxa uu u kala baxaa "dhul" iyo "Gariir" ) waa dhacdo sababta in dhulku sameeyo ruxan, gariir ama uu sameeyo dhaqdhaqaaq aad u badan, dhul-gariirka waxa sababa marka ay kala jabaan dhagxaanta ku jira dhulka hoostiisa sameeyaanna dhaqdhaqaaq aad u daran oo xoog leh, dhaq-dhaqaaqaas ayaa sababa in ay soo baxdo tamar sababaysa Hirar-gariirees. Dhul-gariirka khasaaro badan ayuu geystaa, meelaha uu ku badan yahay dhul-gariirku waxa u horreeya qaaradda Aasiya, astaamaha meesga uu ku dhacay dhul-gariir waxa ka mid ah in meeshaasay yeelato buuro dhaadheer iyo fulkaano.

Dhulka soomaalidu degto malaha inta badan dhul-gariir badan, laakiin mararka qaar ayaa waxaa dhul-gariir lagu arkaa bariga Somaliland gaar ahaan caasimada gobolka awdal ee boorama, dhul-gariirrada ka dhaca Somaliland inta badan ma aha kuwo la dareemo ama awood xoog ah leh, lakiin waxaa jira kuwo la dareemo, sida tusaale ahaan, Bishii Maarso 2010 ayaa magaalada Boorama waxaa lagu arkay dhulgariir aan khasaare badan geysannin.

Dhulgariirkii ugu culusaa waxa uu ka dhacay Badweynta Hindiya 2000. Waxaana ku dhintay in ka badan 180.000, waxa uuna guryo la'aan dhigay 900kun oo qof.

Burbur dhulgariir

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]