Dugsiga Daarul Quraan

Ka Wikipedia

Dugsiga Daarul Quraan waxaa uu ka mid yahay goobaha waxbarashada aas aasiga ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.Daarul Quraan wuxuu kuyaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, agagaarka Masjidka Al Khaliil ee 'Xoosh'.

Daarul Quraan waxaa la furay sanadkii 2005, waxaana lagu bilaabay degmada Xamarjadiid ee isla gobolka Banaadir. Waxaa dib loogu soo wareejiyey Dharkenley sanadkii 2007, ka dib dagaaladii xooganaa ee ka dhacay Muqdisho, waqtigaasi oo ay magaalada soo galeen ciidamadii Itoobiya.