Dugsiyada Sare ee Dadweynaha ee Saint Paul

Ka Wikipedia
Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul
Nooca Bulshoweyn
Derajada K-12
La Aasaasay 1856
Deegaanka Minnesota
Wadanka Maraykanka
Meesha Saint Paul, Minnesota


Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul (Af-Ingiriis: Saint Paul Public Schools) loo soo gaabiyo (SPPS) waa tiro dugsiyo hoose, dhexe iyo sare oo kulmiso magaalada Saint Paul, Minnesota.

Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul oo ay maalgeliso dowlada ayaa waxaa waxbarasho gaadhsiisaa tiro dad ah oo gaadhaya ilaa 38,380 ardey ah. Maamulka degmadu waxaa hoos yimaada ilaa 67 dugsiyo kala duwan oo iskugu jira 48 dugsi hoose, 8 dugsi dhexe, 7 dugsi sare, 3 goob (meel) waxbarasho iyo hal dugsiga dadka baahida gaarka ah loogu talo galay. Sidoo kale, degmada Saint Paul waxay shaqaaleysiisay in ka badan 6,500 iskugu jira macalimiin iyo shaqaale. Intaasi waxaa dheer, dhamaan dugsiyada oo dhan waxay ka qeyb qaataan mashruucyo waxbarasho ah oo ay soo saarto Jaamacada Minnesota (University of Minnesota).

Dhinaca kale dugsiyada degmadu waxay ka qeybqaataan mashruucyada waxbarashada bulshada sida waxbarashada dadka waawayn, waxbarashada barbaarinta ubadka iyo ilmaha yaryar, GED diploma, barnaamijyo lagu barto luuqada iyo fursado badan oo kala duwan oo waxbarashada lagu horumarin karo midaasi oo u furan dhamaan dadka da' kasta ah.

Sanadkii 1993, Saint Paul waxay noqotey caasimadii ugu horeeysay ee Maraykanka yeelata dugsiyo xor ah oo bulshadu maalgeliso, midaasi oo imika laga helo inta ugu badan gobolada wadankan Maraykanka. Wakhti xaadirkan Saint Paul waxaa ku yaalaa 21 dugsi oo ah xor isla markaana ku tiirsan deeqaha iyo maalgelinta bulshada.

Waxa xusid mudan, sanadkii 2006 Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxay u dabaaldegeen sanad-guuradii 150aad ee jiritaankooda. Shaqsiyaadka caanka ah ee ka qalin-jebiyey Dugsiyada Dadweynaha ee Saint Paul waxaa ka mid ah Xaakimkii Sare ee Cadaalada Maraykanka Harry Blackmun iyo Warren Burger, hogaamiyaha xuquuqda bulshada Roy Wilkins, farsamo yaqaanka sameeyay Peanuts cartoons Charles M. Schulz, iyo tiro dad ah oo aad u badan isla markaana waxyaabo badan soo qabtey.

External links[wax ka badal | wax ka badal xogta]