Ebola virus disease

Ka Wikipedia
Ebola virus disease
Classification and external resources
ICD-10Template:ICD10
ICD-9065.8
DiseasesDB18043
MedlinePlus001339
eMedicinemed/626
MeSHTemplate:Mesh2

Ebola virus disease (EVD) ama Ebola hemorrhagic fever (EHF) waa cudur ku dhaca bina aadamka oo uu sababo Fayraska Ebola. calaamaduhu badanaa waxay bilaabmaan laba cisho ilaa saddex todobaad kadib soo gali taanka fayraska,kuwaas oo ay kujiraan xumad, cuna xanuun, Xanuunada muruqa,iyo madax xanuuno. inta badan yalaalugo, hunqaaco, iyo shuban oo ay raacdo , hoos u dhaca shaqada beerka iyo kalida. wakhtigan , dadka qaarkood waxa ay bilaabaan in ay yeeshaan dhibaatooyindhiig bax .[1]

fayraskan waxa lagu qaadi karaa in uu ku soo gaadho dhiig ama dheecaano jidh ee xawayaanka jiran (inta badan daayeerada ama fiid meerta khudrada .[1] faafid dhinaca hawada ah laguma caddayn deegaanka dabiiciga ah.[2] fiid meerta khudrada waxaa la aaminsan yahay in ay qaado oo ay faafiso fayraska iyada oo aan xanuunsan. marka caabuqa bina aadamku dhaco, cudurku waxa uu u kala gudbi karaa dadka sidoo kale. raga ka badbaadaa waxa ay awoodi karaan inay ku gudbiyaan cudurka manida ugu dhawaan laba billod. si loo sameeyo shaybaadh, inta badan xanuunada kale ee leh calaamado lamid ah sida duumada , shuban biyoodka iyo xumadaha dhiig baxa keenaee kale marka hore waa laga saaraa. siloo xaqiijiyo shaybaadhka dhiiga waxa laga baadhaa dheecaandafayraska,hida sidahafayraska, ama fayraska laftiisa.[1]

ka hortaga waxaa kamida in layareeyo in fayraku ka faafo daayeerka jiran iyo doofaarka oo uu u gudbo bina aadamka. Tani waxaa loo samayn karaa iyada oo laga baadhayo xawayaanadan xanuunka oo ladilayo si haboona loo qubayo bakhtiyada hadii xanuunka la ogaado. iyada oo si haboon loo karinayo hilibka oo laxidhanayo dhar ilaalin ah marka la taabanayo hilibka sidoo kale waxay noqon kartaa mid caawin leh, sida xidhashada dhar ilaalin ahmaydhida gacmaha marka lala joogo qof cudurka qaba. Qaybaha dheecaanada jidhka iyo unugyada qofka qaba cudurka waa in la qaadaa iyada oo taxadir la muujinayo.[1]

Majirto dawo gaar ah oo lagu daaweeyo cudurka ; dadaalada lagu caawinayo dadka qaba waxaa kujira in la siiyo midkood dawada fuuq celinta (cabitaan yara macaan oo dhanaan si loo cabo) ama dareere xididada ah .[1] Cudurku wuxuu leeyahay heer dhimashooo aad u sareeya: isaga oo inta badan dilaya inta u dhaxaysa 50% iyo 90% kamid ah dadka fayraskan qaba.[1][3] EVD waxaa markii u horaysay lagu arkay Sudan iyo jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Congo. cudurku badanaa waxa uu ku faafaa wadamada kulaalaha ka hooseeya saxaraha afrika.[1] Laga bilaabo 1976 (markii ugu horaysay ee la ogaaday) ilaa 2013, in kayar 1,000 qof ayaa sanadkii la qaadsiiyay.[1][4] Faafitaanka ugu badan ee iminku waa midka ka socda2014 faafida Ebola ee Galbeedka Afrika, kaas oo saamaynaya Guinea, Sierra Leone, Liberia iyo waliba Nigeria.[5][6] sida Ogost 2014 in ka badan 1600 kiis ayaa la ogaaday.[7] Dadaaladu way socdaan lagu samaynayo talaal; si kastaba ha ahaatee, wali waxba ma jiraan.[1]

References[wax ka badal | wax ka badal xogta]

  1. 1.0 1.1 1.2 1.3 1.4 1.5 1.6 1.7 1.8 . March 2014 http://www.who.int/mediacentre/factsheets/fs103/en/. Soo qaatay 12 April 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. "Nuqul Archive". WHO. Apr 21 2014. Waxaa laga kaydiyay the original 29 Bisha Todobaad 2014. Soo qaatay 3 August 2014.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |date=, |archive-date= (caawin)
  3. C.M. Fauquet (2005). Elsevier/Academic Press. p. 648. ISBN 9780080575483 http://books.google.ca/books?id=9Wy7Jgy5RWYC&pg=PA648.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. CDC. June 27, 2014 http://www.cdc.gov/mmwr/preview/mmwrhtml/mm6325a4.htm?s_cid=mm6325a4_w. Soo qaatay 26 June 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. CDC. July 31, 2014 http://wwwnc.cdc.gov/travel/notices/warning/ebola-liberia. Soo qaatay 2 August 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. CDC. August 4, 2014 http://www.cdc.gov/vhf/ebola/outbreaks/guinea/index.html. Soo qaatay 5 August 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  7. "Nuqul Archive". WHO. Aug 4, 2014. Waxaa laga kaydiyay the original 23 Bisha Kow iyo Tobnaad 2014. Soo qaatay 6 August 2014.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
Bibliography

External links[wax ka badal | wax ka badal xogta]