Encyclopedia

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Abdiqani Jamac Dharas wuxuu ku dhashay duleedka degmada caynabo ee Gobolka togdheer ee dalka [[Soomaaliya] sanadii 1982 wuxuuna ku barbaaray gobolada, togdheer, sool iyo banaadir. wuxuu wax barasha ka bilaabay magaalada Mugdishu oo uu ka galay dugsi hoose iyo qoraanka kariimka ah. wuxuu wabarashada dugsiga dhexe iyo sare uu ku qaatay dalka Sweden magaalada Stockholm. Abdiqani Jamac Dharas wuxuu ahaa nin xiiseeya siyaasada wuxuuna aad iyo aad u jeclaa inuu arko xukun cadaalad iyo sinaan ku dhisan kaas faqriga iyo taajirka u simaya xuquuqda muwaadinimo. Abdiqani Jamac Dharas wuxuu ahaa nin eexda neceb isla markana wuxuu ahaa nin kasoo horjeeda takoorka ama haybsooca dadka Soomaalida ah ee lahayb sooco. Abdiqani Jamac Dharas wuxuu siyaasada ku biiray sanadkii 2004 waqtigaas oo uu sweden ku noolaa wuxuuna ku biiray xisbigii shaqaalaha ee dalkaasi sweden oo uu xilal kala duwan ka qabtay. wuxuuna ka mid noqday siyaasiyiinta xafad ka mid ah xaafadaha Stockholm oo loo doortay. Abdiqani Jamac Dharas wuxuu wax ku qori jiray afafka soomaaliga, iswiidhishka iyo ingiriiska.