Gaarisa

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi
Gaarisa

Gaarisa, waa magaalo ku taalo, dalka kiinya ee gobolka Woqooyi bari. Magaalada, waxaa degen dad somali, oo kiinyaatiga gumeesto.Magaalada waxaa degan dad gaaraayo, in ka badan, 65881qof. Gaarisa waxaa dhaxmaro wabi dheer oo lagu magacaabo wabitana.

Dhaqaalaha [Wax ka bedel]

Wax soosaarka magaalada gaarisa, dhinaca Beeraha iyo Xoolaha ayaa dadka Soomaalida ee Degmadaasi degan si wanaagsan ugama faa'iidaysan jirin waxaayna u beec geyn jireen waxsoo saarka xagga Beeraha iyo Xoolaha Wadanka Kiinya Goboladiisa kale ee uu ka koobanyahay, dadkaasi oo lacag adag ku iibsan jiray inta aay dibadda u iibgeeyaan.

1991 wixii ka dambeeyay soomaali fara badan ayaa ka soo hayaantay dhulkoodii soomaaliya kadib markii halkaasi aay ka dhaceen dagaalo sakeeyo, kuwaasi oo ilbaxnimo badan iyo ganacsi kala duwan baray soomaalida ku dhaqan Gobalka waqooyi Barri, gaar ahaan Degmada Garissa oo aay ku yaalaan 3 xero oo ku xaraysan Qaxooti fara badan oo dhulkoodii ka doo tagay.

dabayaaqadii sanadkii 2006-da, waxaa gobalka waqooyi bari ee Kiinya ka bilaawday Ganacsiga wax soosaarka Beeraha oo dibadda loo beec geeyo, sida Muuska, Cambaha, Babayga, liin Balbeelmada iwm. taas oo ilbaxnimo iyo ganacsi weyn u abuurtay soomaalida Kiinya.

Soomaalida waxaa caado u ah in aay isku daydaan haddii aay arkaan ganacsi cusub oo aayna horey u arag, taas oo caqab ku noqoto kor u socodkii waxqabadkooda hadda dad badan ayaa ku biiray, dadka soomaalida oo aad u fara badan lagana yaabo in aay beecsharadooda hoos u dhogto