Galinsoor

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Galinsoor waa magaalo ku taala waqooyiga ee gobolka Galgaduud.Magaaladaan waa magaalo Muhiim ah sababtoo ah waxaa marta wado taariikhi ah oo isku xirta Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya, Degmada Galinsoor waxaa dega Beesha Sacad Habargidir .

[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Taariiqda Degmada Galinsoor oo Kooban,[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Galinsoor waa magaalo Madaxda Gobolka Kulmiye ee dowlad Goboleedka Galmudug, waxayna ku taala Waqooyiga Gobolka Galgaduud, waa magaalo Muhiim ah, waxaana mara laamiga isku xira Koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya,magaalada Galinsoor waxaa Waqooyi ka xiga Bandiiradley, Koofurtana Cadaado, Galinsoor waxaa ku yaalo Labo iskuul, hoose dhexe iyo Sare, iskuulka hoose dhexe waxaa loogu magac daray allaha u Naxariistee Gen: Maxamed Faarax Ceydiid, Magaalooyinka hoos taga waxaa ka mid ah, Bandiiradley, Dhabad, Mircawleed, Dacdheer, Deeqlo, Gaxandhaale, Dhardhaar, Tuulo Qorax, Wadd iyo Tuulooyin Badan, dadka Degmada Galinsoor waxay nolol ahaan ku tiirsan yihiin Xoolaha nool iyo Ganacsi, Galinsoor waa Magaalo ay taashadeen Colaad sokeeye laakin hadda waxay noqotay magaalada ugu horeysa Gobolada dhexe Xaga ammaanka,Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaana didaal iyo Juhdi galiyey dadka deegaanka gaar ahaan Jaaliyada Dibada iyo Dhalinyarada, kuwaasoo aas aasay, iskoolo wax lagu barto, General Caydiid Premiery and Secondary School ayaa kaalin muuqata ka qaatay Waxbarashada Degmada.

Adeegyada Bulshdada waxaa ka mid ah:
iskool hoose dhexe iyo sare.
Saldhig Boolis.

isbitaal,

Xarunta Bulshada.

Suuq.

Isgaarsiin wannaagsan.
labo ceel biyood, 
waddooyni wannaagsan.
Fiiro gaar ah waxii aan ka tagay waad ku dari kartaa, 
wabilaahi TowfiiQ: