Gar adag

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Gar Adag)
Garadag
District
Garadag is located in Somaliland
Garadag
Garadag
Location in Somaliland.
Country in East AfricaFile:Flag of somalia.svg Somaliland
RegionSanaag
DistrictGaradag
Tirada dadka
 • Dhammaan967,836,400
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)
Websitewww.garadagnews.com

Garadag waa magaalo hoostimaado gobolka Sanaag ee Somaliland. Degmadu waxay u dhowdahay degmada Xudun oo kaga beegan dhanka Woqooyi Galbeed. Degmada waxa deega beelaha habarjeclo gaar ahan muuse abokor qabiilka biciide khasatan reer iide

Tilmaan[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Magaaladaan waxay hodan ku tahay xolaha nool Somaliland, Magaaladaan waxaa degan dad gaaraaya ilaa 8000 oo qof, nawaaxigeeda neh waxaa degan dad gaadhaya ilaa 36,000-40,000 oo qof.Degmada Garadag waxay ku caantahay xoolaha iyo dhaqashadood, waan dhul baad iyo bilicsan oo ku taala inta u dhaxaysa Dooxada nugaal iyo Gubanka.Waa dhul uu Illaahay ku manaystay xoolo dhaqashada.Reer garadag degmada waxey sanadkii ka dhoofiyaan xoolo lagu qiyaaso ilaa 30,000 oo neef.Sidoo kale maamul ahaan degmada garadag waxay ku caantahay xalinta khilaafaadka iyadoo taariikh facwayn ku leh dhinaca xalinta khilaafyada.Waxaa degmada ka baxo geed caan ka noqday degmada oo la yidhaahdo (Gobka Garadadg), waa geed markii ee dadka coloobaan lagu heshiisiiyo, heshiiska ka dhacaana aan bid laysugu qabsanin.Mararka qaar ayaa degmooyinka yar yar ee degenyihiin dadka xoolo dhaqatada ah ama reer baadiyaha ah waxaa ka dhacdo colaad u dhaxeeso beelo walaalo ah.Degmada garadag waxaa hadda ka hor ka dhacday colaad beeleed, waxaana ka mid ah shirkii lagu heshiisiiyaya, beelaha reer darawiish, Habarjeclo iyo Habaryoonis waxaa kale oo garadag lagu qabtay Shirkii Habarjeclo.Degmada Garadag waxay caan ku tahay sidoo kale waxbarashad, waxeyna ka midtahay degmooyinka ugu waxbarasho fiican gobolka sanaag.Magalada waxaa ku yaala 3 dugsi hoose iyo 1 dugsi sare.Degmadaan waxee leedahay hoteelal raaxo leh iyo kuwa kaleba sida (Digaale Hotel) oo ku yaala meel aad u haboon. degmada garadag waxay sidoo kale tahay meel aad looga xiiseeyo waxbarashada inkasta oo ay beryahan danbe dib u dhac ku yimi kaalmihii sarsare ee ay degmadu gali jirtay waxaana dugsiyada hoose/dhexe ugu danbaysay waqti ay gobolka sanaag kaalimo mug leh ka soo hooyaan sannadkii 2011/ 2012 markaas oo sida la sheego laba arday oo walaalo ah kala galeen kaalimaha 1koowaad iyo labaad kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray ALI SAEED DUALE oo keenay imtixaankaas 538 iyo ABDIRAHEEM SAEED DUALE oo isna keeny 530. Gaadhigii Garadag u bixi jiray waxa sannadihii 1955-1970-kii waxa iska lahaa Tarabbi Jaamac Tuug-Tarabbi aabbihii. Saafi Ducaale Dhagaxey ayuu Gar'adag ka qaaday oo Burco geeyey. Saafi oo noqotay Fannaanad caan ah oo asalkeedii reer Gar'adag ahayd.

{{MGS | gobol = Sanaag | list = Badhan · Buraan · Ceelbuh · Ceerigaabo · Ceelafweyn · Damala Xagare · Beerwayso · Elaayo · Gar Adag · Galbarwaaqo · Laasqoray · Maydh · Mindigale · Xingalool · Yubbe Beerwayso{{.}} Xamilka{{.}} Boodhley {{.}}Bacoolo{{.}} Karinbiyood -->




















































































































Sido Kale fiiri[wax ka badal | wax ka badal xogta]