Garre

Ka Wikipedia


Garre (Af Ingiriis : Garre), sidoo kale loo yaqaano Karre, waa qabiil ka tirsan Beelaha Digil iyo mirifle, ee Dadka Soomaalida. Beesha Garre waxaa deegaan ku yihiin Soomaaliya, Kiinya iyo deegaano ka mid ah Soomaali Galbeed wadanka Itoobiya iyo tashaad .

Hordhac

Garre waa beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed waana 2 qaybood oo kala ah Tuff iyo quranyow . Beesha Garre waxay degaaan degaano badan gudaha somaliya iyo dibadiisa ah sida Afgooye, Tooratoorow, Aw-dheegle, Qoryooley, Farsooley, Bur-kod, Buullo-Fullaay, Ceel-Waaq gobolka Somalida ee Kenya sida (moyale) (mandheera) (takaba) iyo gobalka liban wadanka Itoobiya.[1]

Beeshaan waxey leedahay lahjad la dhoho Af-Garre. Qabiilka Garre wuxuu ka mid yahay, qabiilada tiradoodu ay aad u badantahay Somali ahaan, waa qabiilka kaliya ee dega ila iyo dalka Chad,Kounfurta Libya, iyo Qeyb ka mid ah Sudan. waxay dadka intiisa badan isku qaldaan isbaheysiga Digil oo ay ku jiraan qabaa'il badan iyo Isirka qowmiyadda Garre. Digil ma ahan dad asal ahaan hal meel ka soo wada jeeda balse waa isbaheysi xoogan oo soo jireen ah, taasi waxay muujineysaa ilbaxnimada iyo xadaaradda ay leeyihiin umadda Soomaliyeed. Garre isir ahaan waa Garre Samale waxa xusid mudan in garre lasimanyahay Dir Darod iyo raxanweyn , Hawiye garre wuxuu waalid amad uugu beegan yahay dhamaan ilmo samaale

Garre

Garre (Gharri):

    Garre (Gharri) wuxuu dhalley laba wil.Mid waxaa la dhahiin jiray tuf midka kale waxaa la dhihi jirey Maxaamed. Maxaamed waa wilka uu wayn. Ilmaha Garre. Maxaamed marku dhaley wilka layiirado quraan aayu dhintay. quraan waxaa soo koriyey adderkiisa Tuf. Quraan ;markuu waynadey wuuxu gursadey gebedhii adeerkiisa Mako Tuf. Quraan wuuxu dhaley laba will oo layiirado Assarre iyo Furkushe. Tuf wuxuu dhalley laba wiil oo la kala yiraahdo  Cali iyo Adolle
Garre yaa dhalay?  Garre waxaa dhaley Samalle.

Samale wuxuu dhaley sagal wiil oo kala ah

Gharri ;Samale Gharri samle laba qole ayuu ukala baxa Gharr dheera samale 4 qole ayuu ukala baxa Irir Samale Mayle Samale YabuurSamale Maqarre Samale Xammarre samale Xarirre samale Gharri Somali (Gharri Konfur)

Gharri Somali wuxuu ka mid yahay qabailka ugu soo horeeyey ee soomaliya soodegey. Wuxuu degganyahay qiyaastii 1500. Gharri wuxuu galaya asalhaan Samaale. Waxaa layiraahda Gharri Samaale. Mesha ugu horeeysey ee uu soodegey waxaa ahayd meesha lagu magacaabo ceelasha waanbate ee ku taala waqooyiga W/Weyn, gobolka Sh/hoose.

          Siday taarikhdu sheegayso, waxaay ahaayeen dadki ugu horeeyey ee arkey dhoobooy. Iyo laadegey sh/hoose. Waxaay ahayeen Geel, sidakale, waxaay ahayeen, dadkii ugu horeeyey magaalada Braawe degay.
         Gharri wuxu dega Gobalada kala ah Sh/hoose iyo Bay. Degmoyinka uu degana wai.: Awdheegle, Qoriyoleey, Afgooye, W/Weyn, Hurtun Waarrey, Buur Hakaba, iyo Dhinsoor.
         Dhaqaalahan, Gharri wuxaa saldhig u ah xoolaha iyo berrah. Ganacsina waa jira dhaqan ahaanna. Dhaqanka Gharri wuxuu ku saleesan yahay diinta islaamka. Xaaladda xukunkana asaga ayaa is xukuma. Cid kale ma xukunto.

Tarriqda Gharri (Garre Kofar)

       Gharri (Garre) wuxuu leeyahay af u gaar ah. Maxaa yeeley Gharri waa qabiil weyn, ooleh dhul weyn. Wuxuu awood u yeeshey in uu dhooro luqadiisa iyo dhaqankiisaba sida qabiilada waa weyn ee aduunka kajira. Xiriirka Gharri(Garre) uu la leyahay dadka la deggan aad ayuu u fiicanyahay. Dhaqan ahaan, bulsho ahan iyo nabad gelyo ahaanba.
      Gharri wuxuu leeyahay hoggaamiyayaal dhaqmed oo wa-wanaagsan, Sida

Ø 1. Malaaq Cabdi oo Gharri (Gaare) hoggaaminaayey muddo 70 sanaha. Guulo baddana u horseedey. Dhul fara baddanna u furey.

Ø 2.Macalin Aadan Cismaanoow, oo ahaa ninkii Gharri (Garre) kabad baadiyey kolanyadii gumeeysigii taliyaaniga kana mid ahaa madaxdii la geeyey Barliin 1780.

Ø 3. Maxaad Cabdiyoow Sanlaawe, oo ahaa ninkii wiilkiisa u qaatey dhul Gharri (Garre) yeelanaya. Wuxuuna ku dhintey xabsiga gumeeysiga Taliyaaniga, assagoo Garre u halgamaya.

Ø 4. Beed dheere,

Ø 5. Faroole, iyo

Ø 6. Baroole, oo ka mid ahaa iyagana madaxda Gharri oo door fiican ka qaatey hoggaaminta Garre.

        Gharri wuu leeyahay sheekooyi, iyo maah maah iyo gabays fara badan, sheekooyinka waxaa looyaqaana (Maano-Maano) waxaa ka mid ah sheekadi haawaadoweey absho waraabe-maah maahda waxaa kamid ah (lan hun wusku halleeyaay:- laan hunna wuskul ko’taay).
       Kedi Guuraay:-waa waxjira. Waa waagii uu Gharri (Garre) jabay. Waxuuna u kala baxay afar (4) qeebood.

Ø A. Qeeb u soo guurtey Kofar

Ø B. Qeeb u guurtey Jaad.

Ø C. Qeeb u ku hartey Gedo oo u guurtey hagga Itobiya iyo Kenya.

Ø D. Qeeb laqabsadey oo beddelmey oo gaaloobay sida Gabra oo kale.

Buulo Xusseen: waa ninkii Garre hoggaminayey markii kedi guuray dhacaysey. Waa ninkii sosahmiyey koofar. Waxuuna ku taliyey in koofar loo guuro. Inta taladiisa raacday koofar baay u soo guurtey. Buule Xusseen markuu soo sahmiyey Koofar wuxuu yiri, waxaan soo arkey dhul rag u roon, oo geel u daran. Markuu Gedo ka soo guuraayey wuxuu yiri:-Gedooy, waan kaa soo guuray, waxaana kaaga guurey seddax shay sababtood.

Ø 1. Falaartii yaabiye

Ø 2. Fitnadii Kedeble iyo

Ø 3. Farastii dhukaneed.

    4. farmuuq  birkaaye
       Baajuun ama Baanjuul,waa qabil soomaaliah. Waxaa degaan Kismaayo iyo Jasiiradaha Juulen Jawaay. Dad badan Gharri (Garra ah) ayaa katirsan. Iyaga naftoodan waxaa kamid ah qaar aminsan Gharri (Garre nimo.)

Tixraac

Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: