Awdal

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Gobolka Awdal)
U bood: gooshitaan, raadi
Awdal
Gobolka Awdal ee Somaliland
Caasimada Boorama
Weyninka 21 374 km²
Shacabka 417 311 (2007 [[1]])
isku dhawaan 19,52 inh./km²
Bogga internetka '
Somalia regions map Awdal.svg

Awdal waa gobol ku yaalo woqooyiga galbeed ee dalka Somaliland gobolkaan wuxuu ka tirsanyahay Gobolada Galbeedka Somaliland Gobolkan waa gobol taariikh dheer leh, horana loogu yaqaanay Adal.caasimada gobolka waa Boorama. Gobolkan waa gobolada ugu horumarsan woqooyiga gaar ahaan woqooyi galbeed, xag dhaqaale, waxbarsho, diineed iyo isgaadhsiineedba. Gobolkani waxa uu ka koobanyahay shan degmo oo kala ah

Dadka ku dhaqan gobolkaan waxaa u badan beelaha soomaaliyeed ee cisse iyo samaroon, waxa ay u kala degan yihiin degmooyinka sida-tan, degmada boorame waxa dega Samaron oo dhan , degmada baki maxad case iyo makahiil waana samaroon degmada lughaya ciise badaraxaan degmada saylac ciise oo dhan ,degmada boon samaron maxad case iyo inyar oo ah cise kuma kobno labadaa waysa jiraan kuwo kale oo ay wada degaan bal dadka ugu badan ay sa yihiin maxed case intaa waxa soo raaca habarcafaan , degmada gabiley haber awal iyo maxed case iyo reer nuur yoonis oo ah makaahiil laakiin makaahiil waxay sido kaleh macag ku leeyihiin degaanka soomaaliyeed ee itoobiya kaasna kuma koobna oo kaliya makaahiil waxa iyadana soo raaca in yar oo habarcafaan iyo maxed case oo labada dhinacba dega .

gobolkani waa gobolka kaliye ee aan dagaalada sokeeye ee ka dhacay soomaliya oo dhani aynay saamayn xoog leh ku yeelen laakiin ay jireen dagaalo u dhexeeya labada dhinac imikana laga bogsaday. Gobolkan waxa lagu asaasay Jamhuuriyada somaliland, xagaas oo dhamaan xubnaha taliska lagu soo dhisay aynay daganayeen magaala madaxdiisa Boorame mudo shan bilood ah xagaasna lagu soo magacaabay madaxwaynihii u horeeyay ee la doorto Alaha u naxariistee marxuum Maxamed Xaaji. Ibraahim Cigaal. Gobolka awdal waa gobol dhaqaalihiisu aad ugu tiirsanyahay xoolaha nool, Beeraha, dalxiiska iyo macdanta. Gobolkan waxa ka soo jeeda madaxwaynaha hayn jiray mudii 2003 ilaa 2010 xilka jamhuuriyada somaliland ee Daahir Rayaale Kaahinoo ka soo jeeday gobolkaas awdal waana samaroon .

Gobolkan waxaa magaala madaxdiisu tahay Boorame, dhaqaalihiisuna waxa uu ku tiirsanyahay ganacsiga iyo xoolaha nool. Magaalo madaxdiisii hore waxa ay ahaan jirtay oo ay ugaas yaashii ka telin jiray magaalada qadiimiga ee saylac oo aan ku koobnayn oo kaliya gobolka awdal ay u ahayd indhaha soomaaliyeed gaar ahaan ugaasyada ciisaha oo dhamaantood saylac lagucalemasaaray

[Wax ka bedel] Dhibaatooyinka xuduudiga ah

Gobolkan awdal waxa uu xuduud la leeyahay gobolka ( Hargeisa ) iyo dalalka ethiopia iyo jabuuti. Intaba waxa ka haysta dhibaatooyin xuduudi ah oo aad u kulul.

  • Hargaysa

gobolka hargaysa waxa ay isku qabsadeen dagmooyin xiligii doorashooyinka wakiilada, arintaasi oo markii danbe golaha guurtida iyo wakiiladu si afduubasho ah ugu magacaabeen gobolka hargaysa. Sidoo kale waxa beelaha (samaroon) iyo beelaha (isaaq) ay isku qabsadeen dhulalka banka ee wajaale arintaasi oo markii ugu danbaysay gaadhay heer la is xabadeeyo hadan xukuumada somaliland ay eeda saartay beesha samaroon loona xidhay afartan dagaalyahan oo samaroon iyaga iyo hubkoodii fududaa oo ahaa 40 AK-47 iyo shan mbk. arintaasi oo uu qaboojiyay madaxwaynuhu markii uu cuqaasha samaroon ku qanciyay markale ee i ixtiraama.

Template:Gobolada Somaliland

Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale