Jubbada Hoose

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Gobolka Jubbada Hoose)
Jubbada Hoose

جوبا السفلى
Caasimada gobolka Kismaayo
Jubbada Hoose is located in Earth
Jubbada Hoose
Jubbada Hoose
Meesha kaga taalo Soomaaliya.
Wadanka Somalia
MagaalomadaxKismaayo
Aag saacadeedUTC+3 (EAT)

Jubbada Hoose (Af Ingiriis : LowerJubba, Af Carabi : ar‎) waa gobol ka tirsan wadanka Soomaaliya, kaasi oo looyaqaano Waamo waxuu dhacaa xadka wadanka Kenya, Gobollada Jubbada Dhexe iyo Gedo waxaa magaalo madax u ah magaalada Kismaayo

Hordhac[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Jubbada Hoose waxaa uu ku yaallaa koonfurta Somaaliya gobolka waxuu xad la leeyahay Kenya, gobollada Soomaalida ee Gedo, Jubbada Dhexe, iyo badda Soomaaliya. Gobolka waxaa loogu magac daray Wabiga Jubba ee mara oo ku shubma badda Soomaaliya ee Goobweyn. Beerta Qaranka Lag Badana National Park waxay ku taal Jubbada Hoose. Waxay leedahay kaymo cagaaran iyo xayawaanada duurjoogta ah sida libaaxa, geriga, jeerta, waraabaha iyo yaxaaska.waxa dago beelo badn sida Hawiye Dir Daarood jareerweeyne Waxana ugu badn beesha mareexaan qaas ahaan jifada celi,sidoo kle waxaa daga shiikhaal,madhibaan iyo gaaljecel oo daga waqooyiga gobalka iyo celi oo daga koofurta gobalka Turdho waa Degaan ka tirsan [[Gobolka Jubbada Hoose)) waa tuulo Qurux badan oo Xeebaad leh waxaa daga besha marexan ,shiiqaal waxana ugu badan besha mareexaan oo u Badan Ganacsato,Siyaasiyiin iyo Culumaaudiin. Magaalada turdho waxay leedahay kaawada ugu weeyn jubbada hoose, dhul beereed iyo xeeb aad u dheer o qurux badan. Inta badan dadka degan waa xoolo dhaqato iyo beeraley iyo ganaacsato ,waxaa bur bur xun ka soo gaaray magaalada Turdho dagaaladi sokeeye ee ka dhacay dalka 1991. Waxaa bur bur xoogan ka muuqda isbitaalka weeyn ee magaalada iyo dugsigii hoose dhexe ee Turdho .Sh.Xasan Maxaad Cilmi o loo yaqaano《 Siigaale 》 jifooyinki talyaniga kula jihaaday turdho waxaa kamid ahaa jifada Celi mareexaan iyo (sheekhaal loobage ), dagaalkas o ka dhacay meesha lagu magacaabo Yaaq Kanooni, waxaa sidoo kale dagaalkas qeyb libaax leh ka qaatay Xaaji Nuur Abiikar (Sheekhaal Loobage) oo caan ka ah gobolka jubbada hoose , labadan hogaamiye (Siigaale iyo Nuur Abikar)o talyaniga siiyay casharo lama ilaawaan ah kana xureeyay inta u dhaxeeyso Jamaame iyo Turdho.

Turdho xaqiiqdii waxaa degen beelaha kala ah :

- Mudulood siiba Abgaal iyo Hilibi Dalandoole,

- Shiikhaal Loobage Faqa Cumar

- Mareexaan , Celi siiba reer qumane



Waa intaas dadka meeshaas caanka ka ah.

Degmooyinka[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Gobolka Jubbada Hoose waxaa uu ka kooban yahay 4 degmo:[1] Archived Maaj 3, 2022 // Wayback Machine

Jasiiradaha Bajuni_* sidoo kale waxay ku yaalaan gudaha gobolka.