Godaalo

Ka Wikipedia
Tuulada Godaalo e Khatumo

Degmada Godaalo waa magaalo qadiim ah oo ku taal xudunta degaanka nugaal iyada oo kala badha dul daaqsimeedka sare ee soolasha iyo dhulka godon ee loo yaqaan dhoodi godaalo waxay caan ku tahay dul daaqsimeed Allaah ku manaystay iyada oo ay ku yaaaliin dooxooyin caan ah oo waaweyn waxaana ugu caansan dooxada qori ku xaar, damal dhaareed ,xaadhaadh ,balanbalay iyo durdurka caanka ah ee dhidaya kaas oo il biyood u socda sida webiyada xiliyada barwaaqada ah waxaa kale oo maagalad godaalo ay leedahay goobo taariikhi ah sida magaalada qadiimka ah ee loo yaqaan maduunaha waana dhul daaqsimeed inta badan barwaaqo ah waana dhul ay ku dhaqmaan dhamaan meesiyada xooleed ee caanka ka ah dalka soomaaliya sida geela ,lo'da , idaha ,riyaha iyo gamaanka fardood oo godaalo ay caanka ku tahay iyada socod gaabana u jirta magaalada taariikhiga ah ee Taleex godaalo waxyaaba aya caanka ku tahay waxaa ka mid ah inuu ku hana qaaday ninka caanka ahaa ee xaga hantida soomaalidu ku faanto horyaalka u ahaa Xasan saalax Ilbuur (uurcad) oo ahaa a caaqilka degaanka hoos yimaada degmada godaalo oo ahaa ninkii ugu geela iyo fardaha badnaa soomalida qarnigii aan kasoo gudubnay