Galdogob

Ka Wikipedia
(Waxaa laga soo toosiyay Goldogob)
U bood: gooshitaan, raadi
Galdogob

Galdogob waa magaaalo ku taal Somalia waxana daga LEELKASE. Galdogob waa magalo ku taala Gobolka Mudug waxaa ay dhinaca galbeed ka xigtaa magaalada galkacyo cabir ahaan 80 km. Galdogob waxaa ay ka mid tahay tahay magaalooyinka ugu waawayn maamul goboleedka puntland. magaalada galdogob ayaa leh addeeg bulsho oo hagaagsan.magaaladu waxaa ay leedahay koronto joogto ah iyo biyo aan kala go,o lahayn.

Magalada galdogob waxaa ay ka mid tahay,ahaana jirtay magaalooyinka ugu nabada badan Soomaaliya. Dadka daga magaalada oo ka kooban qabaa,ilo kala gadisan ayaa ayaa ah kuwo si wada jira oga shaqeeyay nabada.nabada ay ku naalooto galdogob iyo hagarla,aanta jaaliyadaha reer galdogob ee ku nool dibadaha ayaa xawaare aad u xoogan gashay horumarka dhinacyada kala gadisan ee magaalada.inkasta oo ay galdogob ku guulaysatay horumarka xaga dhismaha,baaxada ,adeega bulshada iyo ganacsiga fudud hadana waxay si buuxda ugu guuldaraysatay hanaan siyaasad oo aan isbadalin. Dadka reer galdogob oo ah muxaafidiin xagga dhaqanka ah ayaa hor istaagtay in la sameeyo maamul furfuran. dadaalo galdogob maleh bolis hada wxaa ka ah bolis taliye ismail warsame cardaf ragga siyaasada u horbooda ali Ismaaciil giir, Sakariye Maxamuud Xaaji, Yaasiin Geesood, Xusseen Maxamed Khaliif, Cabdullahi Khaliif Fiqi,dhamuuke shire, axmed taajir , iyo rag kale oo baddan siyaasiyiintaan ayaa isugu jira kuwo heer deegaan,heer gobol ilaa heer caalami. xagga dhaqanka waa magaalo ku fiican dhaqanka iyo nidaamkii geed hoostiis. waxaa lagu xasuustaa ugaas ahmed ugaas mohamed oo ah ugaas ay aad u jecel yihiin dhammaan umada soomliyeed gaar ahaan qaybaha degaammada puntland,ugaas ahmed ayaa ah ugaas lagu yaqaan nabad jeclida,maslaxad ku dadaalida iyo dhaqan suubnaanta. Ugaas Ahmed ayaa ah ugaas danta guud iyo maslaxada caamka ah ka hormarsha danta naftiisa iyo tan qabiilkiisa. Xagga ganacsiga waxaa la xusi karaa Abdulkadir khaliif hashi, Muuse Siciid Dheere{Muuse dhagay}, Luulay Axmed Cali. abdullahi niile (calwato)

[Wax ka bedel] Suugaan yahanada galdogob

[Wax ka bedel] Abwaano gabay

Xagga suuggaanta galdogob waxaa ka soo baxay abwaano caan ka ah dalka Soomaaliya,laguna tixgaliyo awooddoodda cabirka suuggaanta,abwaanadan ayaa waxaa ka mida hargaanti ciise hiraabay, oo ah nin si,aada loogga yaqaan dalka iyo dibada, waxaa kaloo ka midda abwaan Cabdinaasir alidahir shabac dhagadheere oo ah nin loogga haybaysto maansada. Sida taariikhda lagu hayo waxaa galdogob ka soo baxay abwaano ku xeel dheer maansada, dhalinyaro ku dhaadata dhaqanka iyo gabdho ku faanna idaha. abwaanada taariikhda galay oo aan lagu soo koobi karin bog ama labo waxaan u kala qaybinaynaa labo qaybood. Abwaanada casirigii hore iyo abwaanada casriga hadda joogga. abwaanada casiriggii hore waxaan u samaynaynaa bog ka gaar ah. abwaanada casirigga hadda ah waxaan ka xusaynaa labo ilaa affar, inta kalana waxaan ka raadsataa bogga abwaanadda galdogob.

Abwaanada hadda: Gabyaa sare.

  1. Cabdinaasir Cali Dahir Shabac.
  2. Hargaanti warsmae Hiraabey
  3. Maxamuud xaaji jeenihaar, waxaa xusid mudan in jeenihaar ahaa ninka ugu sareeya soomaaliya xaga suugaanta.waxaa sidoo kale jira abwaana da yar ah sida abwaanka ahana fanaanka codka looga haray jooqane qaysqays

Abwaanada aan xusnay ee tusaalaha ah boqolaal abwaan oo kala joogga dalka guduhiisa iyo dibadiisa,waxaa ay ka gabyaan dhammaan xaaladaha kala gedisan ee bulshadda,dalka iyo xaaladaha markaas jira. waxaa jidha in magaaladaasi soo saartay qaar ka mida dadkii soomaaliya ugu taariikhda dheeraa sida, hassan adawe, iyo ali daahir shabac.


Magaalooyinka Gobolka Mudug Calanka Soomaaliya
Abaarey · Afgumasoorey · Cagaaran · Bacadweyne · Bajeela · Balanballe · Bandiiradley · Bardagool · Beyra · Bitaale · Budbud · Bur Saalax · Ceel Dibir · Ceel Huur · Colguula · Dabarroow · Dagaari · Dajimaale · Docol · Duqaaqa · Gacanfare · Galbarwaaqo · Galinsoor · Gawaan Dheere · Godad · Golol · Gowlalo · Halabookhad · Haraahur · Hiilalaaye · Hilmo · Iidaan · Laanwaaleey · Laasa Cadale · Laguraqsay · Mirsaale · Qansaxle · Qaranrow · Qarqoora Dheer · Qaydara · Qosoltire · Rigoomane · Roox · Sabacad · Saqiiro · Saxaqurun · Sedex Xigle · Wanakir · Wargalo · Wisil · Xero Dhagaxley · Xiindawaco · Xingood
Qalabkaaga
Xarun magaceedyada

Variants
Waxa dhacaayo
Gooshitaan
Qalabka shaqada
Luqadaha kale