Goobile Saar Gedood

Ka Wikipedia
U bood: gooshitaan, raadi

Goobile Saar Gedood ama Goobile, waa saar xaragada codka iyo xamaasada uu xambaarsanyahay dad badan fadhiga ka kiciya goobaha bulshada iskugu timaado. Hoboladda ugu caansan ee qaadda Goobile Saar Gedood waa fanaanadda Khadiija Cabdullahi Dalays. Dhulka gaduudan ee Garbahaareey, Ceel Gaduud ilaa Beled Xaawo waxa ku luuqeeyaha Saar Gedood uusan marnaba ka tagin erey ahaan.

Taariikh[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Goobile Saar Gedood wuxuu ku caan noqday gobolka Gedo ee Soomaaliya. Saarkan waa nooc buraanbur ah waxaana ku luuqeeya dumarka goobaha dhiiragelinta iyo damaashaadka la iskugu yimaado. Fanaaniinta ragga ah way la hooriyaan gabdhaha ku luuqaynaya Goobile Saar Gedood.

Saarka ugu caansan Goobile Saar Gedood waxaa ku jira ereyada Gedo, Baardheere iyo Gowraar. Gedo waa halka uu Goobile Saar Gedood ka soo jeedo halka Baardheere loola jeedo degmada ugu wayn gobolka Gedo, Gowraar waa dhul daaqsin ah oo dhaca duleedka tukad kaga aadan ee bari iyo galbeedba 40km webiga labadiisa dhinac inta u dhaxaysa Baardheree iyo Buurdhuubo intaan la gaarin daaqsinka Shawaay oo kaabinka ku haya magaalada Buurdhuubo.

Caasimada Muqdisho xiligii nabadda iyo nidaamyadii dowliga ka jireen Goobile waxaa wada tuman jiray bulshada iyada oo aad loola dhaca habka tixda ay gabdhuhu alifaan iyaga oo amaanta marba meel saarayo, qof, meel ama munaasabad haykal sare leh.

Goobile tuduc ahaan waa 10 ilaa 15 tudcood oo kuwa ugu dambeeya labo sadar ka kooban kan koowaadne "Goobile Goobilow ama War Goobile Goobilow" lagu furto.

Xamaasad iyo laxan xiiso leh ayuu leeyahay saarkan Goobile. Waxaa dhacaysa in gabdhaha ay codbaahiyaha isu dhiibaan marka sawaxanka uu gaaro heer goobjoogayaasha ay ka cod dheeraadaan gabdhaha ama fanaaniinta qaadayo saarka. Cajal aad loo daawado oo ay duubtay Khadiija Cabdullaahi Dalays 1988 ayaa inta badan laga barta tabta, ereyada iyo laxanka Goobile Saar Gedood.

Qaxa, Qurbajoogta iyo Goobile Saar Gedood[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Markii suugaanta afkeena hooyo iyo murtidii hobolada caanka ah ee dalka ee bulshada madadaalin jiray iyo idaacadihii ay dumeen, waxay abwaanada qurbajoogta bilaabeen bal in ay dib u ururiyaan duubis qoraal, cod iyo muuqalba leh ku sameeyana murtidii iyo suugaantii luntay sanadadaan burburka.

Rogaalcelintii Suugaanta Af Soomaaliga[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Goobile Saar Gedood wuxuu mar labaad fagaaraha soo istaagay Nairobi ilaa Yurub ilaa Waqooyiga Ameerika. Dhaanto, Heelo, Buraanbur iyo noocyo kale oo badan ayaa isku fagaare lagu soo bandhigaa Goobile Saar Gedood. Aroosyada, xafladaha dhalinta iyo dumarka samaystaan, sanad guurooyinka gobollada ama waqtiydaa taariikhiga intaba waa laga qaadaa Gooble Saar Gedood.

Gabar walba ama koox fanaaniin ah oo walba waxay tiriyaan tuduc Goobile Saar Gedood ah, kuwaas oo ay ku beegaan munaasabada. Tusaale, doorasho dowlad, horumar dhaqaale, guubaabo ciidan iwm. Laxanka Goobile Saar Gedood mar walba waa isku mid.

Sadarka Meeriska Goobile Saar Gedood[Wax ka bedel | wax ka bedel xogta]

Meeriska Goobile Saar Gedood badiyaa waa "Goobile Goobilow ama War Goobile Goobilow." Ereyga "War" ayaa sadarka labaad dhextaal looga dhigaa bilow ilaa dhamaad inta lagu luuqaynayo saarka.


Tusaale tixda hoose, Goobile Saar Gedood oo ay ku luuqeeyeen gabdho iyo fanaaniin jooga Canada. Gorwaar waa dhul daaqsin ah

Waa kuwan Ereyadii Goobile Saar Gedood

Ciwaan: GOOBILE, SAAR GEDOOD


GOOBILE GOOBILOW

1.

  • Dhulkaan ku calool galow
  • Hooyaday lagu guursadow
  • Aabahay ku garaadsadow
  • Ciideeda gaduudan iyo Allow yaa Gedo mar taga
  • War Goobile Goobilow

2.

  • Baardheeroow yaa ku gala
  • Iyadoo gugu ku helay
  • Gowraarey yaa ku mara
  • Geed geed yaa kuu dhunkada
  • Markay beeruhu go’aan ayaa Gogolow ku dega
  • Guttooy yaa kaa dul baxa
  • Soo daawada geela dhalay
  • Gattaa iyo Sara yaa ka dhaca
  • War Goobile Goobilow

3.

  • Ugaasyo laqaata iyo Wadaad Sheekh ah oo garweyn
  • Wiil geesi ah oo wax gala
  • Garmaamo iyo gaari dumar Sadey gooni u yihiin
  • Gedo-na waa qayb ka mid ah
  • War Goobile Goobilow

4.

  • Sadaan nahay guud ahaan
  • Gedo-na waa nagula dhalay
  • Rabiyow Gacantaadan Weyn
  • Barwaaqo aan guurin iyo Adigu nagu sii gargaar
  • Goobile Goobilow
  • War Goobile Goobilow

5.

  • Meel aan geesigu gablamin Rabbigayow Gedo ka yeel
  • Gabdhuhu meel aanay ka tegin Rabbigayow Gedo ka yeel

6.

  • Goobile Goobilow
  • Meel aan laga waayin Geel
  • Rabbigayow Gedo ka yeel

7.

  • Goobile Goobilow
  • Meel ay beeruhu go’aan
  • Rabbigayow Gedo ka yeel

8.

  • Goobile Goobilow
  • Meel aan laga gelin xumaan
  • Rabbigayow Gedo ka yeel

9.

  • Goobile Goobilow
  • Iskuulada meel laga galo Rabbigaoyw Gedo ka yeel

10.

  • Goobile Goobilow
  • Meel cudurada aanay gelin Rabbigayow Gedo ka yeel

11.

  • Goobile Goobilow
  • Miraha geedaha ka baxa Rabbigayow Gedo ku badai

12.

  • War Goobile Goobilow
  • Guusheedii iyo sharafteedi hore Rabbigayow Gedo ku celi

13.

  • Goobile Goobilow
  • Meel ay gobolladu dhismaan Rabbigayow Gedo ka yeel


14.

  • Goobile Goobilow
  • Meel ganacsigu uu ku kaco Rabbigayow Gedo ka yeel

15.

  • Goobile Goobilow
  • Meel ay gacal wada degaan Rabbigayow Gedo ka yeel



Meerin iyo tafaftirid: Laga xoo xigtay Kulyada Farsamada Baardheere, qaybta Afka iyo Suugaanta.

  • Raage Axmed
  • Maxamed Bille Maxamed
  • Shariif Ismaaciil Maxamed
  • Cismaan Maxamed
  • Bashiir Maxamuud
  • Uulow Cadde
  • Cali Cabdirisaaq Cali
  • Abwaan Maxamed Ibaarhim (Daqare)
  • Cabdiqaadir Neero
  • Ururka Tayo iyo Tanaasul


Zako/Muraxam 1433 December 2012

Hobollada Waaberi Khadiija Cabdullaahi Dalays iyo Nakruuma