Guuleed Casoowe

Ka Wikipedia

Taariikh[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Mudane Guuleed Casoowe Waxaa uu ku dhashey magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida Itoobiya sanadkii 1978. Wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada Qur'aanka, dugsiyada hoose, dhexe iyo sareba ku qaatay magaalada Muqdisho. Wuxuu wax ka bartay maamulka dawladnimo, wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya ee ESPDP bishii Febraayo sanadkii 1997. Sanadkii 2001 wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee Xukuumada Degaanka Soomaalida, waxaa uuna ka soo shaqeeyay waaxyo kala duwan oo ka mid maamulka.

Mudane Guuleed Casoowe wuxuu ku hadlaa afafka Soomaali, Ingiriiska Amxaari iyo Carabiga. Intii uu joogay maamulka Dawlad Degaanka waxaa uu qabtay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin Dhisidda taalada Lagu Xusayo Diiriye Guure. Waxaa uu aasaasay Idaacada ugu horeeysay ee uu yeesho Degaanka Soomaalida, iyo waliba Telefeshinkii u horeeyay ee Degaanka uu u madax banaanaado.