Habargidir
habar gidir waa qabiil weyn o ka tirsan beelweynta hawiye Sacad waa beel taariikh aad u balaaran leh, dhicayada Siyaasadda, Aqoonta, Diinta, dhaqaalaha iyo ilbaxnimada Beesha Sacad waxay dagtaa Goboladda Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Kilinka Shanaad Ethiopia, Shabeeladda Hoose iyo Banaadir Beesha Sacad waxay caan ku tahay la dagaalanka Gumaytaha, waxaa lagu tilmaamaa in ay yihiin dad fool ku guula yaal ah Waxay qabaailada Soomaaliyeed uga magac dheer tahay dhawr arimood oo Soomaaliya wanaag iyo horumar u ahayd
1.Halgankii Soomaalida Xornimada ku heshay iyo calanka maanta Soomaalidu harsanayso.
2.Ridistii rajiimkii tallada dalka xooga ku qabsaday, kaas oo u gaystay shacabka guud ahaan goboalada waqooyi iyo gobolada dhexe tacadiyo badan mudadii 21-ka sano ee talada dalka uu haystay.
3.Waxay alle la garab galay si xeeladaysana ay ku jirto dalka uga eryeen Ciidamadii huwantii 33 dal ee dunida ugu quwad badnaa, ayna kala hogaaminayeen ciidamadii Maraykanka iyo UN-ka.
Waxay kale oo ay beesha Sacad caan ku tahay hogaamiyayaal Siyaasadeed, saraakiil Culuma’udiin, Ganacsato, odayaal dhaqameed iyo aqoonyahano
A.Cabdulaahi Ciise Maxamuud waa masuul Qaran kana soo jeeda beesha Sacad wuxuu ahaa aabihii xoriyadda Soomaaliyeed, wuxuu keenay Calanka Dalka iyo dadlka Soomaaliyeed leeyihiin, wuxuu noqday ra’iisal wasaarihii Soomaaliya ugu horeeyay, arintaas oo tijaabo ku ahayd umada Soomaaliyeed, hadii uusan xukuumadaas daaqiliga ahayd aysan dalka si fiican u maamulin waxaa dib loogu celin lahaa Gumaysigii, arintaas uu Cabdulaahi Ciise iyo xukuumadiisii si karti leh uga dabaashay 60-kiina sidaas Soomaalida Xornimo buuxda loo siiyay.
B.Dawladii salbalaar ay beesha Sacad Hormuud ka ahaayeen waxayna dawladaas ka talinaysay 11 Gobol waxaa madaxweyne ka ahaa Ganeral Maxamad faarax Caydiid, ilaa iyo iminka ma jirto dawladihii ku meel gaarka iyo maamulo goboleedyada cid 11 gobol mar ka wada talisay sida dawladii Salbalaar.
C.Galmudug oo hormuud ka yihiin beesha Sacad waxay suurta galisay in Soomaalidu ka baxdo ku meel gaarnimo, waxayna qayb ka ahayd maamulada saxiixooda lagu soo dhisay Xukuumada dawlada buuxda ah, waxaana si xifadaysan uga qayb qaatay madaxweynaha Dawlada Galmudug Col. Maxamad Axmad Caalin.
D.Injineer Cabdiwali Shiiq labaale waa masuul Qaran kasoo jeeda beesha Sacad wuxuu caan ka yahay qaarada Aasiya iyo Afrika wuxuu ahaa injineerkii dhisay wadada shiinaha loo yaqaan ee isku xiraysay Magaalooyinka Muqdisho iyo Barbara sidoo kale Muqdsho iyo Baydhaba. Sidoo kale waxa uu dhismayaal ka kala fuliyay Saudi Arabia oo ilaa iyo hada injineer ka yahay, dalka Malaysiya iyo Imaaraadka Carabta dhamaantood wuxuu ka dhisay kubriyada ama buundooyinka magaalooyinka waawayn ee dalalkaas ugu caansan uguna quxda badan.
E.Ganeral Abuukar Aftooje waa masuul Qaran kasoo jeeda beesha Sacad waaxa uu ahaa nin ciidamada Soomaaliyeed ugu aqoonta ciidan ugu sareeyay, waa Ganankii hogaaminayay dagaalkii 1977 ee Ethiopia looga adkaaday iyada oo ay ku wehliyeen Ganaraalo iyo kornaylo isla beeshaan ka soo jeeda sida Generaal Caydiid, Ganaraal Caare, Genaraal Cali Kadiye, Col Kaahiye Lugagod, Col Shariif Geesaweyne, Col Maxamad Geele Kaahiye Col Cumar Yare.
F.Ing Cisimaaciil Maxamuud Cilmi Wadaadiid waa masuul qaran waxaa uu kasoo jeedaa beesha Sacad wuxuu caan ku yahay dhismayaasha gaar ahaan Airboorada waxaa dhisay ama uu dayactiray inta badan Airboorada dalka gaar ahaan wuxuu Injineerka dhisay Gagida caalamiga ah ee Hargaysa Airbor. Injineer Cismaaciil Wadaadiid wuxuu dalka ka hirgaliyay shirkadii taleefanada ugu horaysay, waxaa injineerka la dhashay Prof Faarax Wadaadiid oo wax ka dhigi jiray Jaamacadaha Sooaamaaliya kuna taqasusay cilmi Xoolaha
G.Prof C/laahi Maxamad Cilmi Bulaale Foomka waxa uu ahaa masuul qaran waxa uu kasoo jeedaa beesha Sacad wuxuu caan ku ahaa daawaynta indhaha, waa nin aqoontiisa laga ciseeyo guud ahaan qaarada Afrika, Prof. Foomka aabihiis Dr Maxamad Cili Bulaale waxa uu ahaa dhaqtaradii Soomaaliya ugu horeeyay, waxaa Prof Foomka waxaa la dhashay Dr Cumar Bile, Injineer Calinuur Maxamad Cilmi.
H.Ing Cabdikariin Diiriye Fursade waa masuul qaran kana soo jeeda beesha Sacad waa ninka Computer-ada Soomaaliya keenay dabadeedna hay’adaha Dawlada sida Bankiyada baray, wuxuu umada Soomaaliyeed u furay Machadka Computer-da Fursade, macadkaas oo ay kazoo baxeen macalimiinta Computer-ada Soomaaliya ugu sareeya, Injineer C/Karin waa nin keenay Shirkadaha Talefanada internet-yada Dalka ka hawl galay 21 sano ee ugu danbeeyay sida Asal Telecom, WebTel iyo Somephone, Injineer C/kariin waxaa la dhashay aqoonyahano kale.
I.Dr Xasan Cilmi Barqadle waa masuul Qaran kazoo jeeda beesha Sacad, Dr Xasan Cilmi Barqadle waa agaasimaga qasnaji Guud ee Qaranka Soomaaliyeed 45 sano in ka badan ayuu bankiga dhexe madax ka ahaa, waa masuulka IMF-ta Soomaaliya u matala xeerarka lacagaha dunida iyo mida Soomaliya ku taqasusay, wuxuu ku saxiixan yahay 35 tii sano ee ugu danbeysay lacagta Shilin Soomaaliga, waa sharci daro lacag uusan isaga kootarool iyo saxiix ku lahayn.
J.K’naan Cabdi Takar waa Fanaan heer Caalami ah iyo heer Qaran Soomaaliya waana masuul u dhashay beesha Sacad, K’naan waxa uu magic u keenay guud ahaan afrika gaar ahaan Soomaaliya, wuxuu deeq lacag oo balaaran lasoo gaaray shacabka Soomaaliyeed abaarihii ku dhuftay.
Beesha Sacad waxay leeyihiin masuuliyiin xilal culus kazoo kala qabtay Soomaaliya.
1.Cabdulaahi Ciise Maxamuud 1940-1950 gudoomiyaha S.Y.L.
1956-1960 Prime Ministers
2.Xaaji faarax Cali Cumar 1950-1960 wasiirka Maaliyada
3.Cali Shido Cabdi 1960-1965 gudomiye ku xigeenka S.Y.L
4.Cabdulahi Axmad cadow 1970-1980 wakiilka UN-ka Somaliya
1980-1984 wasiirka maaliyada Soomaaliya
1986-1988 wakiila UN-ka Soomaaliya
5.M/ad Warsame Cali Kimiko 1980 wakiilka UN-ka Soomaaliya
2006 madaxweynaha Galmudug
6.Yuusuf Xasan Fanax 1984 wasiirka boostada iyo isgaarsiinta
7.Maxamad Cabdule bacadle 1987 wasiirka arimaha gudaha
8.Maxamad Faarax Caydiid 1989 Gudoomiyaha USC
1991 Gudoomiyaha USC/SNA
1995-1996 Madaxweynaha Soomaaliya
9.Xuseen Maxamad Caydiid 1996-1999 Madaxweynaha Soomaaliya
2006-2007 raiisal was are ku xigeenahna wasiir
arimaha gudaha iyo abniga qaranka
10.Maxamad Axmad Caalin 2009-2012 madaxweyna Galmudug-Somaliya
11.Cabdi Xasan Cawale Qaybdiid 2012-2015 madaxweynaha Galmudug-Somalia
12.Xildhiban M/ad farax jimcale 1980 Gudomiye ku xigenkii Mucaraadka