Hantaara

Ka Wikipedia


Hantaara (Af Carabi : ar‎) waa deegaan aad u Balaaran oo ka kooban qaybo badan oo kala duwan. wuxuu ku yaal gobolka Bari Soomaaliya. Waxaa ka mid ah Magaalada Hantaara oo ah deegaan taariikhi ah, Marsada hantaara oo ah Marso dabiici (divine harbor) oo muddo dheer wax laga dhoofsanaayay Waxna lagala soo degi jiray, Sidoo kale Khooriga Hantaara waa khooriga ugu weyn Soomaaliya waxaana ku soo xirta shixnadaha Kala duwan ee Bada cas ku safraya Xiliyadda ay dabayluhu kacaan ee ay adag tahay in Bada lagu safro. Waxaa ku yaala Beero waaweyn oo maguurto ah waxayna leedahay Ilo biyoodyo aan go'in. Hantaara waxay ka mid tahay Meelo loo Asteeyay inay ku duugan yihiin Macdan Iyo Dhuxul dhagaxda, wuxuuna aad Hodon uugu yahay geedka Xijjiga (Frankincence). Xilligii Isticmaarka Iyo wixii ka horreeyayba deegaanka Hantaara waxaa ka jiray maamulo gacanta ku hayay deegaanka, Waxaana soo xukumay rag kala duwan oo uu ugu caansanaa Cali Bustiile oo deegaanka Suldaan ka ahaa,

Tixraac[wax ka badal | wax ka badal xogta]