Hawiye

Ka Wikipedia

U bood: navigation, raadi

Hawiye waa beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya, waxaana kale oo ay aad u degan yihiin dhulka Soomaalidu degto ee ku taal Itoobiya ee loo yaqaano kilinka shanaad iyo sidoo kale dhulka Soomaaliyeed ee ku taal waqooyiga dalka Kiinya. Sidda Soomaalida kale oo badan, Hawiyaha waxay ku abtirsadaan Irir Samaale. Sida la ogsoon yahay, Hawiye waxay ka mid yihiin Soomaalida ugu tiro badan.

Contents


[Wax ka bedel] Taariikh kooban

Wax qoraal ee cad oo ku saabsan Hawiye ee ugu horayse inta la hayo waxaa laga helay qoraaladii qarnigii 13aad ee uu qoray juqraafiistaha Carbeed, Ibn Siciid oo ku tilmaamay magaalada Merka inay tahay 'magaala-madaxda dalka Hawiye'. Intaas kahor, qarnigii 12aad kaartada uu qoray Al-Idriisi ayaa iyaduna laga yaabaa inay soo qaade Hawiye, marki uu ugu yeeray magaalada Merka degaanka 'Hadiye', taas oo uu taariiqyahanka Herbert S. Lewis qabo in ay tahay qalad ka timid guuriyaha qoraalka oo qalday hingaada 'Hawiye'. Taas waxaa la qabo taariiqyahano kale oo ay ka mid yihiin Guilliani, Schleicher, iyo Cerulli. [1]

[Wax ka bedel] Noloshada iyo Deegaanada

Maadaama kumanaan sanadood ee lasoo dhaafey ey geeska Afrika ka jirtay socdaal aan joogto aheyn oo lagu doonaya in la raadsho ceelasha biyaha iyo dhulka barwaaqadaha, waxaa maanta beelaha Hawiye laga heli karaa koofurta Jilib iyo Bu'aale oo ey beeraha kasoo baxaan, ilaa iyo Merka, Afgooye, Xamar, Warsheikh iyo Cadale oo ayaguna xeebahooda laga ganacsado hargaha xoolaha, dahabka, dharka, iyo wax yaalo farabadan. Hadii dhanka galbeed la aado, beelaha Hawiye waxay kaloo degaan magaalooyinka casriga ah ee Beledweyne iyo Buulo Burde oo ey ka xageeyaan webiga Shabeelle oo weliba xoolo dhaqatada ey xoolahooda goofaha ku dhaaqaan. Hadii waqooyiga la tago waxaa beelaha Hawiye laga heli karaa dhulka gobolada dhexe oo gaaraya magaalooyinka Hobyo ilaa iyo Gaalkacyo.

Hadii loo gudbo wadamada deriska ah ee xadka naga xiga, beelaha Hawiye waxay ka degaan magaalooyinka sidi Mandheera iyo Wajeer ee ku taal waqooyiga Kenya oo ka sokeeya una dhow webbiga Weyyib iyo webbiga Dawwa. Dhinaca kale waxaa beelaha Hawiye ku suganyihiin gobolka Liibeen iyo magaalooyinka Iimay iyo Qalaafe ilaa iyo beledki taariikhiga ah ee Harrar. [2]

[Wax ka bedel] Jufooyinka

                            Beelaha ku abtirsada magaca Hawiye


•Abgaal

•Ajuuraan

•Baadicadde

•Duduble

maxamed camal


•Gaaljecel

•Hiilebi

•Hintire

•Jeejeele

•Madarkicis

•Moobleen

•Murusade

•Murulle

•Raarane

•Shiikhaal

•Silcis

•Udeejeen

•Wacdaan

•Wadalaan

•Xawaadle

•Xaskul

[Wax ka bedel] Dad caan ee ka dhashay Hawiye

                                           Hogaamiyayaasha qaranka
  • Aadan Cabdulle Cusmaan; Madaxweynaha 1960-67
  • Cabdullaahi Ciise Maxamuud; Reysal Wasaaraha 1956-60
  • Xuseen Kulmiye Afrax; Madaxweyne-ku xigeen 1969-91
  • Cali Mahdi Maxamad; Madaxweynaha 1991-1993
  • Cabdulqaasim Salaad Xassan; Madaxweynaha 2000-2004
  • Cali Maxamad Geedi; Reysal Wasaaraha 2004-2007
  • Nuur Xassan Xuseen; Reysal Wasaaraha 2007-2009
  • Sheekh Shariif Sheekh Axmad; Madaxweynaha 2009-socota
                                               Siyaasiyiinta
  • Cismaan Maxamad Jeelle; Wasiir Dowlada, Goolihii Sare SRC iyo Duqii Magaalada Muqdisho 1970-1973
  • Cismaan Geedi Raage; Xubin ka tirsan aasaasayaashi SYL
  • Cali Shiddo Cabdi; Gudoomiye-ku xigeenki SYL 1956-60
  • Xaaji Faarax Cali Omaar; Wasiirka maaliyada 1956-60
  • Cali Maxamad Cosoble; Wasiirka horumarinta dalka 1967-69
  • Cali Maxamad Hiraabe; Wasiirka warfaafinta 1960-1964
  • Maxamad Cosoble Cadde; Wasiir-ku xigeenka isgaarsiinta 1960-64
  • Sheekh Cali Jimcaale Barraale; Wasiirka caafimaadka 1954-64
  • Maxamuud Axmad Maxamad; Wasiirka shaqaalaha 1962-64
  • Ismaaciil Jimcaale Cosoble; Wasiirka warfaafinta 1967-69
  • Maxamad Cali Dhoore; Wasiir-ku xigeenka tacliinta; 1964-69
  • Axmad Geelle Xassan; Wasiirka garsoorka iyo cadaalada 1960-64
  • C/raxmaan Xaaji Mu’min; Wasiir-ku xigeenki hanaanada xoolaha 1960-64
  • Sheekh Maxamad Isaaq; Wasiir-ku xigeenka arrimaha gudaha 1960-64
  • Maxamad Sheikh Cusmaan; Wasiirka maaliyada 1980-1984
  • Cabdullaahi Axmad Caddoow; Safiirka Mareykanka 1970-80
  • Xuseen Xaaji Bood; Wasiirka amniga qaranka 1977-1981
  • Abdikarim Ahmed Ali, hogheyaha guud ee ururka usc 1991-2000
  • Dr Cabdi Qaasim Salaad Xasan,Madaxweynihii Somalia ee 2000 carta
  • Drs Aasha Xaaji cilmi------peace actvist,heesata nopel prace
  • Dr Saabir xuseen Wardheere  : injineer diyaariya naqshadaha nokia designed
                    Ciidanka
  • Daa’uud Cabdulle Xirsi; Taliyaha ciidanka Soomaaliyeed 1960-65
  • Maxamad Ibraahin (Liiqliiqato); Taliye-ku xigeenki booliiska Soomaaliyeed 1960-75
  • Salaad Gabeyre Kediye; Aabihii kacdoonka Soomaaliyeed 1969
  • Axmed Sahal(Axmed Cariiri) Janaraal Caan Ah heysan jiray Ciidamada Asluubta
  • Axmad Xaaji Gacal; Taliyaha ciidanka Badda Soomaaliyeed 1969-1977
  • Maxamad Faarax Caydiid; Gudoomiyaha USC iyo Janaraal caan ah
  • Korneyl Nageeye Gacal Kuul (Garxiir); Halyeey caan ku ah dagaalkii 1964
  • Korneyl Xassan Billoote; Duuliye Sare 1956-69
  • Ibraahin Warfaa (Doonyaale); Halyeeygii dagaalka 1964
  • Abuukar Aftooje; Janaraal hogaaminaayey dagaalka 1977
  • Shariif Xassan Jimcaale; Janaraal hogaaminaayey dagaaladii 1964 & 1977
  • C/raxmaan Warsame Caare; Janaraal hogaaminaayey dagaaladii 1964 & 1977
  • Xassan Daahir Aweys; Aabihii islaamiyiinta Soomaaliyeed 1991-2006
  • Aadan Xaashi Cayrow; Aabihii mujaahidiinta Soomaaliyeed 2001-2007
  • Cabdulaahi Axmed Shire (Shaxam) Gudoomiyihii somali Airlis 1980-85
  • Maxamud Cabdillahi Barrow (Faytan)duuliyihii labad ee afrika 1954-1992
                       Aqoonyahanada
  • Xuseen Sheekh Axmad Kaddare; Aaasaaski fartii Kadariyya ee 1952
  • Prof. Caalin; Safiirkii dalalka Pakistan, Belgim, Switzerland 1970-77
  • Prof. Cabdi Abshir Dhoore: Profisaarka jaamacadda Stokholm
  • Yuusuf Garaad Cumar; Mas'uul sare ee BBC laanta af-Soomaaliga
  • Hilowle Imaam Cumar; Gudoomiyihii shirweynaha dib-u-heshiisiinta 1995-2000
  • Cali Jimcaale Axmad; Macalin wax ka dhigta jaamacadda New York
  • Cabdi Maxamad Culusoow; Mutacallim oo u istaagay doorashada madaxtinimada 2003
  • Eng. C/qaadir Aadan Cabdulle; Wasiirka arrimaha gudaha 1970-72
  • Maxamad Warsame Cali (Kiimiko); Madaxweynaha Galmudug 2006
  • Maxamad Xaaji (Ingriisi); Saxaafi ku dhaqan dalka Belgium
  • Amiina Saciid Cali; Abwaan, macalin iyo dhaqaatiir taqasus ah
  • Dr Ibraahim Dasuuqi; Gudoomiyaha ururka Al-Itixaad
  • Dr Cali Sheekh Axmad; Madaxweynaha jaamacada Muqdisho iyo madaxweynaha Al-Islaax
  • Ibraahim Xassan Caddow; Wasiirka arrimaha dibbeda ee maxkamadaha 2006
  • Faarax Weheliye Sindiko; Madaxweyne-ku xigeenki Hey'adda kubbada cagta ee Afrika
  • Maryan Xuseen Awreeye; Madaxdi xuquuqda aadanaha ee Ismaaciil Jimcaale
  • Eng. C/qaadir Abiikar Xuseen; waxuu dhisay buudooyin waaweyn ee sacuudiga shirkad binladi


                  Odey-dhaqameedyada
  • Boqor Sarjecelle; Boqorkii ugu taliska dheeraa ee Ajuuraan
  • Imaam Cumar Hilowle; Imaamkii ugu horeeyey ee beelaha Hiraab
  • Suldaan Duudumagale; Suldaankii ugu dambeeyey ee Silcis
  • Suldaan Sabri Odaysuge Cumar (Bur-Sebriye); Suldaankii ugu dambeeyey ee Saruur
  • Suldaan Cashiir Maddoow; Suldaankii ugu dambeeyey ee Hintire
  • Xassan Geedi Abtow; Odey dhaqameedka caanka ahaa ee Banaadir
  • Wabar Axmad Wabar Cabdi; Wabarki guud ee Baadicadde
  • Ugaas Cabdulraxmaan Ugaas Khaliif; Ugaaskii guud ee Xawaadle
  • Ugaas Cabdullaahi Sheekh Cilmi Cosoble; Ugaaskii ugu dambeeyey ee Xaskul
  • Wabar Xassan Wabar Kutuboow; Wabarkii ugu dambeeyey ee Jeejeele


                                       Culumaa'udiinka
  • Sheekh Xassan Barsame; Gumeysidiidka ee dhanka dariiqada Axmadiyya 1924
  • Sheekh Axmad Wacdiyow; Caaqilkii weyn ee kasoo jeeda degmada Cadale
  • Macalin Cabdulraxmaan Sheekh Cali Muuse; Caalim ee ku sifoobay diinta Islaamka
  • Sheekh Bashiir Salaad; Gudoomiyaha culumaa'udiinka Soomaaliyeed
  • Sheekh Axmad Rooble Boqolsoon; Imaamkii ugu caansanaa raadiyaha iyo xaga Wacdiga
  • Sheekh Cali Dheere; Qaadigii ugu horeeyey ee midowga Maxkamadaha
  • Sheekh Cabdiraxmaan Baadiyoow; Afhayeenka hore ee ururka Al-Islaax
  • Sheekh Cabdulrisaaq Yuusuf Aadam; Gudoomiyaha hore ee Ahlu Sunnah wal Jamaacah
  • Sheekh Axmad Dhicisoow; Gudoomiyaha culamada dhexdhexaadinta
  • Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar; Gudoomiyaha Xizbul Islaam
  • Sheik Cabdullahi Warsame Sheikh Dagamada Xarardheere
                                       Fanaaniinta
 
  • Xaliimo Khaliif Cumar (Magool); "Boqorada Codka"
  • Seynab X. Cali Baxsan Fanaanad ka tirsan Hobolada Waabari
  • Xassan Aadan Samatar; Fanaanki weyn ee ku dhashay degmada Diinsoor
  • Cabdalla Yuusuf Hanuuniye; Fanaan ka tirsana Hobolada Waaberi
  • Salaad M. Shardi Salaad Darbi; Fanaan ka tirsana hobolada Waaberi
  • Cabdulqaadir Macalin Jubba; Fanaanki weyn ee ku dhaqan dalka Canada
  • Binti Gacal Cumar; Fanaanada caanka ee ku dhalatay magaalada Gaalkacyo
  • C/qaadir Xasan Nageeye Fanaan Caan ah ka tirsanaa Hobolada Waabari
  • Cumar Rooraaye Fanaan Caan ah ka tirsanaa Hobolada Waabarite
  • C/kariim Jiir Musikayste Caan ah ka tirsan Hobolada Waabari
  • C/llahi Rooble (Owkuuke) Majaajiliiste Ka tirsan Waabari
  • Saciid Mire Xaydar Fanaan Caan ah ka tirsanaa Hobolada Horseed
  • C/llahi Xalweyste Fanaan Caan Ah ka tirsanaa Hobolada Iftin
  • C/qaadir Sheekh Cali (Sanka); Fanaan ka tirsana kooxda Iftin
  • C/llahi Sulfe Fanaan Hore Ka Tirsanaa Hobolada Iftin
  • Fartuun A. Sahal Fartuun birimo. Fanaanad Cusub
  • Bashiir Ibraahim Cabdi; Fanaan caan ah ee ku nool Soomaaliya
                              Abwaaniinta
  • Sugaaal Cabdulle Cumar
  • Cabdi Bashiir Indhabuur
  • Cabdulle Raage Darwiish
  • Cabdulle Geedanaar
  • Cabdulle Aw Muuse
  • Faarax Shuuriye
  • Kulan Xassan Jurun
  • Abshir Nuur Bacadle
  • Jimcaale Jaamac Lugeey
  • Faarax Gololeey
  • Xassan Yabarow
  • Maxamuud Xaydhabarale
  • Siciid Gacameey
  • Ganeey Cali Madoow
  • Garqaniye Gabyaa Gobolada Dhexe
  • Kheyre Gacal Kuul Sebriye (Kheyre Gabay)
  • Xuseen Cabdulle Deeroow
                                       Ganacsatada                       


  • Xaaji Yuusuf Hawiye; Agaasimihii hooteelka Towfiiq
  • Xaashi Weheliye Maalin; Agaasimihii hooteelka Weheliye
  • Xiirey Qaasim; Agaasimihii warshadda Bayl
  • Abuukar Cumar Cadaan; Maalgelyihii Maxkamadaha iyo dekkada dabiiciga Ceelmacaan
  • Xaaji Cali Maxamad Siyaad; Wakiilka suuqa Bakaaraha
  • Ibraahin Kaah; Agaasimihii hooteelka Kaah
  • Maxamed Deylaaf; Maalgelyihii madaxtooyada TNG-ga
  • Axmednuur Cali Jimcaale; Gudoomiyaha xafiiska Al Barakaat
  • Xuseen Goleey; Milkiilaha shirkada Global Money Transfer
  • Cabdi Jiinow Calasoow; Maareeyaha dekkada Muqdisho
  • Muriidi Xaaji Dalfac; Madaxa shirkada shidaalka GASCO
  • Axmad Cabdi Diini; Wakiilka shirkadda Nationlink Telecom
  • Eng. Eenoow; Gudoomiyaha shirkadda dhismaha gobolka Banaadir
  • Saciid Nuur Qeyliye; Wakiilka Jubba Airways
  • Maxamed Xassan Aadan Ceelqode; Maareeyaha wakaalada Batroolka 1991-1992
  • Salaad Dhabareey; Madaxa golaha ganacsatada Soomaaliyeed ee Dubai
  • Cabdi ibrahim qaasim Xabeeb Ganacsade ku nool dubai
  • Cabdi Cabdulle muumin (mumin interpress)ganacsade guud

[Wax ka bedel] Raadraac


  • Herbert S. Lewis, "The Origins of the Galla and Somali", in The Journal of African History. Cambridge University Press, 1966, pp 27–30
  • Herbert S. Lewis, "The Somali, Afar and Saho groups in the horn of Africa"
  • Qabaa'ilka Soomaaliya


Ogeysiis; Bogaan waxyaalaha lagu soo qorey wax lasoo koobi karo ma ahan laakin waxaa laysku dayay in laga hadlo muhiimada.

[[fi:Hawiye]BUUBSHE