Irir Samaale
Irir Samaale waa meesha ee qabiilada soomaalida badankooda ku abtirsadaan.Sida aad ogsoontahay magaca soomaali kama imaanin irir samaale, waxoo ka imaaday labo eray oo la isku daray oo kala ah (Soo-Maal).Qabiilada ka soo jeeda Irir Samaale waa Dir, Daarood, Isaaq iyo Hawiye. Qabiilada Digil iyo Mirifle waxee ka soo jeedaan Sab. Sab iyo Samaale labadooda waxee asal ahaan ka soo jeedaan bariga dhexe. Lakiin Soomaalida waa dad isku milmay oo asal ahaan ka soo kala jeedo aasiya iyo bariga afrika. Reer banaadiriga Qabiil malahan, qabiilkooda waxaa la dhahaa Banaadiri, dadkaan waxee ka soo dhashteen carabtii soo degtay xeebaha gobolkii la dhihi jiray banaadir, waxeena guursadeen soomaalidii degenaan jirtay dhulkaas boqolaal sano ka hor.Jareerweynta neh qabiil malahan, qabiilkooda waxaa la dhahaa jareer weyn, waa dadkii ee carabta soo dhulka soomaaliyeed, xiligii ee ka ganacsan jireen bariga afrika, inkastoo ee jiraan kuwo u dhashtay deegaano ku yaalo jubbada hoose. waxee asal ahaan ka soo jeedaan tansaaniya iyo wadamada la dariska ah.Dadkii lahaan qabiil waxaa ladhahaa beesha 5aad.